Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadka Fasalada 8aadka ah (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada ee Puntland Maxamed CabdiWahaab

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

RBC Radio( Garoowe ) Wasaarada Waxbarshada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday Natiijada imtixaanadka iskuulada kala duwan ee fasalada sideedaadka Degamada Puntland waxaan ay masuuuliyiinta ka tirsan wasaarada Waxbarashada Puntland soo bandhigeen guud ahaan ardaydii u fadhiisatay imtixaanaaadka sideedaadka natiijada saxda ah iyo ardayda ugu saraysa iskuuladaas eek u yaal Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaarada wax barashada ee Puntland maxamed Cabdi Wahaab oo ku dhawaaqayay natiijada imtixaanaadka fasalada sideedaadka ee deegaanada Puntland ayaa sheegay in ay sanadkan guud ahaan u fadhiisteen arday gaaraysa 5000 oo arday waxaa kale oo uu ku dhawaaqay tirade ardayda bsatay oo uu ku sheegay 4215 Arday ah iyo 698 ardayna oo dhacday.

Waxaa kale oo uu agaasimuhu tilmaamay in wasaaaradu Waxbarashadu ay kor uqaaday tayada waxbarashada ka jirta deegamada Puntland waxaan uu tilmaamay inlaga dareemayo korarka Tayada waxbarashada iyo aqaoonta ardayda dhigata iskuulada kuyaal deegamada Puntland dhanka kale waxa uu agaasimuhu fariin u diray waalidiinta isagoo u sheegay in ardadooda ay ku dhiira galiyaan wax barashada waxaana uu uga digay in ardayda la bootiyo isagoo til maamay in wax barashadu ay tahay sil silad isku xuiran.

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Dhinaca kale Agaasima ku xigeenka xafiiska imtixaanaadka Puntland faadumo siciid Nuur ayaaiyadana kahadashay kulankan waxaana ay tilmaamtay dhibaatadii ay ka soo mareen sixida imtixaanaadka iyadoo sheegtay in ay juhdi badan ay ku bixiyeen sidii ay cadaalad ugu samayn lahaayeen ardayda reer Puntland ee u fadhiisatay imtixaanaadka fasalada sideedaadka iyadoo dhankale ku boorisay ardaydii ku dhacday imtixaanaadka in aysan niyad jabin ee ay dib ugu laabtaan iskooladoodii si ay uga guul gaaraan hadafkooda waxbarasho.

Ugu Dambeentii ku dhawaaqista natiijada imtixaanaadka fasalada sideedaadka ayaa waxa ay ku soo aadaysaa iyadoo maanta guud ahaanba la furay goobihii wax barashada ka dib fasax dheer oo ay ardaadu qaateen waxaan xiligan ay ardaydu ku sugan yihiin gobohooda waxbarasho waxan si tooos ah ugu bilaabmi donto Cashiradooda mal maha fooda nagu soo haya.

Mahad Abdi Ali

Nakal143@gmail.com

Xafiiska RBC Garoowe

Share

Tags:

1 Response for “Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadka Fasalada 8aadka ah (Dhageyso)”

  1. [...] See the article here: Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaanaadka Fasalada 8aadka ah (Dhageys… [...]

Leave a Reply