Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo ka jawaabay Eedayn loo jeediyey Guddi Madaxweyne Siilaanyo magacaabay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

Hargeysa (RBC):- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqda Aadana ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan-dheere), ayaa Guddi uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan tabashooyinka garsoorka iyo caddaaladda ku tilmaamay tallaabo meel-ka-dhac iyo faro-gelin ku ah madax-bannaanida garsoorka Somalialnd.

Hase-yeeshee, eedaynta uu Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere u jeediyey tallaabada uu Madaxweynaha Somaliland ku magacaabay Guddiga jawaab kulul ka bixiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu sharraxay sida uu Dastoorka Somaliland u qeexay madax-bannaanida Garsoorka, waxaanu sheegay inay dhinaca kale jirto dariiq sharci oo lagula xisaabtami karo xad-gudubyada laga tirsado bahda Garsoorka, isagoo soo qaatay qodobbo ka mid ah Dastoorka oo uu sheegay inay arrintaas u xalaalaynayaan.

Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu intaas ku daray in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fulinayso si waafaqsan Dastoorka u degsan Somaliland, iyadoo ka madax-bannaan Waaxyaha kale ee dawladda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu waxa uu meesha ka saaray wax fara-gelin ah oo Xukuumaddu ku hayso hay’adaha Garsoorka, waxaanu sheegay in haddii ay taasi jirto ay badan lahaayeen dacwadaha dadweynaha dhexdooda ka jira, isagoo xusay in dacwadaha ay Maxkamaduhu ka garnaqaan ay 95% yihiin kuwo u dhexeeya dadweynaha.

Sidoo kale, Wasiir Caydiid waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu shaqsi ahaan uu doonayo in la hoos-keeno Wasaaraddiisa Waaxda Garsoorka oo ka madax-bannaan Fulinta, waxaanu intaas ku laray in isagu uu garsoorka ku wareejiyey mashruuca Maxkamadaha wareega oo hortii Wasaaraddu maamuli jirtey iyo in Mushaharka Garsoorayaashu ay la sinmaan golayaasha kale ee dawladda.

Wasiirku waxa uu ku dooday in Cabashooyinka Ciqaabta ah ee soo gaadha Maxkamaduhu ay yaraadeen ,taasoo ka dhalatay sida uu sheegay Wasaaradda oo warbixin bille ah ka hesha xabsiyada, isla markaana ku baraarujisa Maxkamadaha dadka ku jira jeelasha ee aan helin xaqii ay u lahaayeen in la hor keeno garsoorka si kiiskooda go’aan looga gaadho.

Wasiirka cadaaladda Somaliland sidoo kale waxa uu ka hadlay madax-bannaanida garsoorka isaga oo xusay in madax-bannaanida garsoorku aanay Madaxweynaha ka hor istaagayn inuu la xisaabtamo bahda garsoorka .

Wasiirka oo ka jawaabayay canbaaraynta uu Xildhibaan C/Raxmaan Cismaan Caalin u soo jeediyay ee ku saabsan inuu dusha ku qaatay hawlihii garsoorka waxa uu iftiimiyay in Xildhibaankani uu si toos ah uga mas’uul yahay tayo-xumida ku dhacday Guddida Cadaaladda, ee keeni karta sida uu sheegay xil-gudasho la’aanta Guddidaas, waxaanu intaas ku daray in Guddoomiyihii Guddi-Hoosaadka Golaha Wakiillada ee xubnaha u soo xushay Guddida Cadaaladda uu saamayn weyn ku lahaa soo-xulidda xubno aan buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay.

RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply