Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Dhagax Dhigay Kuliyada Tababarka Saxaafada Soomaaliyeed (Dhageyso + Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

RBC Radio(Garoowe) Dhismahan ayaa ah mid loogu tala galay in ay kuliyad u noqoto dadka jecel in ay bartaan mihnada saxaafada iyo in kor loogu qaado Taba barayaasha ama Maclimiinta iyagu dadka Saxaafada waxaan uu dhismahan ka kobnaan doonaa Qeyb lagu taba baro Warbaahinta iyo Qeyb kale oo ladhigi doono Idaacad waxaan dhismahaan uu qeyb ka yahay Jaamacada Puntland State University PSU Garoowe.

Dhismaha Xaruntan ay waxaa iska kaashadeen Hay’adda Relief International iyo Jaamacadda Puntland State University (PSU) ee Garoowe aya waxaana maal geliyay Midawga Yurub waxaana loo qorsheeyay in lagu tababaro saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku nool Puntland iyo Galmudug.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Gudoomiyaha Jamacada Puntland State University PSU Maxamuud Shiiq Xaamid

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

The Media Training Resource Center (MTRC) Xarunta tababarka iyo macluumaad warbaahinta ee Soomaaliyaad waxay noqon doontaa madal lagu tababaro wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland iyo Galmudug waxayna noqon doontaa madal ay ku kulmaan wariyaasha, iskuna dhaafsadaan aqoonta, ku samaystaan barnaamijyada sida Radio-ga iyo Audi-Visual.

Waxaan halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar waxaan uu wasiirku ka dhawaajiyay in dhismahan uu noqon doono mid ay ka faaideystaan Warbaahinta kaladuwan ee ka howl gasha Soomaliya waxaan uu sheegay in mudo badan ay ku raad jirtay maamulka Puntland in ay hesho Xarun kor loogu qaado Aqoonta Warbaahinta qeybeheeda kala duwan ee ka howl gala Puntland.

Gudoomiyaha Jamacada Puntland State University PSU Maxamuud Shiiq Xaamid oo warbixin ka soo jeediyay Kulankaan ayaa waxaa uu sheegay in marka hore kuliyada tababat buuxa lagu siin doono Maclimiinta lo xulan doono in ay halkaan wax ka dhigaan waxaan uu hosta ka xariiqay in dhawaan ay soo saari donaan kox wariyaal oo Aqontoodu ay sareyso waxaan uu in taasi ku datay in qabka baraatikal ka logu bari doono qalabka ay warbaahintu ku shaqeyso.

Gudoomi ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Puntalnd ee MAP (Media Association of Puntland) Maxamed Daahir Yusuf Saalim ayaa soo dhaweeyay Dhismahan logu tala galay kor u qaadida Aqoonta Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan uu tilmaamay in MAP ahaan ay la shaqeen doonaa Barayaasha ka howl gali dona Kuliyadan.

Ugu Dambeen Hay’adda Relief International oo ka mid ah hay’addaha ugu waxqabadka wanaagsan ee Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya waxay horay uga fulisay mashruuc xagga Media ama saxaafada deegaanada Puntland kaas oo ay ku tababartay dhalinyaro aad u farabadan oo xirfad ahaan hada aad u dhisan.

Mahad Abdi Ali
nakal143@gmail.com
Xafiiska RBC Garoowe

Share

1 Response for “Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Dhagax Dhigay Kuliyada Tababarka Saxaafada Soomaaliyeed (Dhageyso + Sawirro)”

  1. [...] Read More: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Dhagax Dhigay Kuliyada Tababarka Saxaafada Soomaaliyeed (Dhageyso +… [...]

Leave a Reply