Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Xilalka ka qaaday Agaasimeyaasha Warbaahinta dawladda kuwo cusub-na magacaabay
Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa maanta Xilka ka qaaday Agaasimeyaashii TV-ga iyo Wargeysyada dawladda ee Dawan, isla markaana laba Agaasime oo cusub u magcaabay xilalkaas.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Boobe, waxa uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, kaasoo uu xilalkii kaga qaaday Agaasimihii TV-ga dawladda Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Agaasimihii Wargeysyada Dawan Media group oo ku soo kala baxa Luuqadaha Soomaaliga, Ingiriisida iyo Carabiga, waxaanu xilalkaa u magacaabay Cumar Maxamed Faarax oo hore Tifaftire uga ahaan jiray Wargeyska Dawan iyo Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ahaa Madaxa Barnaamijyada ee TV-gaas.
War-saxaafadeedka uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta waxa uu u qornaa sidan:- “Go’aammo wasaaradeed…………: Anniga oo ah wasiirka wasaarada war faafinta iyo wacyigelinta Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa go’aamo maamul oo daaran dar-dar gelinta hawlaha wasaaradda warfaafinta qaybo ka mid ah.
Waxa kale oo aan go’aammadan aannu soo saarnay uga gol leenahay in aanu hawada iyo saaxadaba ka saarno hadal haynta demi wayday ee lagu saydhinaayo Wasaaradda warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha Somaliland, ee uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtawdo in guulihii xukuumaddan dadaashay loo bedelo guul darooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.
Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha wasaaraddan:
Go’aammada wasiirka:-
1. Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha waaxda maamulka iyo TV-ga Qaranka: Soddonkii bishii Julaay 2012-kii ayaa hanti-dhawr ku waa-bariistay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland hawl-galkaas oo dhaliyay in saldhiga Koodbuur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay xeer ilaalinta iyo maxkamada oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii daysay dammiin.
Intaa ka dib war qad u qoran sidii taararkii hore ayuu hanti-dhawrku noo soo qoray, taasi oo ay ku sheegeen:
. tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay.
. iyo in aanu hawshiisii geli Karin ilaa ay baadhistu dhamaanayso.
Xasan Maxamed Maxamuud xerada wasaaradda warfaafinta in uu soo galo wax fal danbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu wax hawl ah qaban ilaa inta ay baadhistu dhamaanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taala ma aha. Waa hawl u taala hanta-dhawrka iyo garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal fali doonaa wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.
Haddaba maa-daamma ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee wasaaradduna u xannibnaan Karin waxaan si-ku-meel-gaadh ah ugu magacaabayaa:
1: Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha waaxda maamulka ee Idaacadda Radio Hargaysa.
2: Xuseen C/llaahi Deeqsi oo ahaa madaxa barnaamijyada ee TV-ga, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland.
3: Cumar Maxamed Faarax oo ahaa tafaftiraha wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay Guddoomiyaha Dawan Media Group.
Anniga oo hawshoodii hore ee ay soo qabteen uga mahad celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba dabacsan uga codsanayaa madaxdii xilalkaa hore haysay in ay madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahad san ugu danbayn 1-da bisha September 2012-ka.
Waxaa xilalkaa kala wareejintooda u xil saaran in ay fuliyaan guddida hoos ku qoran:
1. C/rashiid Jibriil Yuusuf: Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.
2. Siciid Aadan Cige:Agaasimaha Radio Hargaysa.
3. Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda qorshaynta.
FIIRO GAAR AH:
Baahida jirta awgeed, ku simaha agaasimaha waaxda maaliyada iyo xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxuu hawshiisa bilaabayaa berito oo ay bishu tahay 28-ka ogosto 2012, haddii Eebe idmo. Gobonimo dadkaa muddan, Galladana Allaa iska leh.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.










