Xaflad lagu Magacaabo Somalis for Obama oo Minneapolis lagu Qabtay (Sawirro)
Minneapolis (RBC Radio) Xaflad si aad u qiimo badan loo soo agaasimay looguana magac daray Somalis for Obama ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Minneapolis ee Gobolka Soomaalida ay ku Badan tahay ee Minnasota.
Xafladaan ayaa waxaa qabanqaabadeeda lahaa Madaxa Somali Action Alliance Mudane Hashi Shafi iyo Hogaamiyaha Soomaalida Sadik Warfa.
Xaflada waxa ay ku saaabsaneyd taageerada ololaha doorasho ee Madaxweyne Obama
Martisharafta halkaas kasoo qeyb gashay waxaa kamid ahaa Madaxa Ololaha Xafiiska doorashada Madaxweyne Obama ee dhamaan Gobolada Mareykanka Haweyneyda lagu magacaabo Katherine Archuleta .
Ugu horey Katherine Archuleta waxa ay uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay ugu martiqaadeen Hogaamiyaasha Soomaalida Ameerikaanka ee Xaflkada soo Qabanqaabisay.
Waxa ay ka warbixisay waxqabadka iyo dadaalada uu Mdaxweynaha sameeyey tan markii uu qabtay Xafiiska, waxa ay ka warbixisay sida Madaxweyne Obama uu ugu dadaalay sidii qofwalba oo Ameerikaan ah uu u heli lahaa Adeeg Caafimaad, waxa ay sidoo kale ka warantay Dhanka waxbarashada sare oo uu Madaxweynaha xil gooni ah isaga saaray sidii loo kordhin lahaa lacagaha deeqaha ah ee ardada la siiyo iyo arimo kale oo badan.
Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Keith Ellison oo ah Xildhibaan Muslim ah lagana soo doorto degmada 5naad ee gobolka Minnesota ee aqalka hoose ee baarlamanka USA.
Keith waxa uu bulshada soomaaliyeed ku booriyey in ay codeynta usoo baxaan oo qofwalba oo Soomaali ah uu codkiisa u usiin lahaa madaxweyne Obama.
Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay qaarkamid ah Hogaamiyaasha Soomaali Ameerikaan sida Sadik Warfa oo halkaas ka sheegay muhiimada ay leedahay isku duubnimada iyo wada shaqeynta Soomaalida dhexdeeda.
Sadik Warfa waxa uu Soomaali Ameerikaanka ku dhiirigalieyey kuna booriyey in la isu diiwaan galiyo sidii loo codeyn lahaa Doorashooyinka soo aadan.
Waxaa sidoo kale Xaflada Somalis For Obama ka hadlay Gudoomiyaha hay’ada Soamali Action Alliance Mudane Hashi Shafi waxa uu u mahadceliyey dhalinyarada soomaaliyeed ee isu xilqaamay sidii Soomaali Ameerikaanka isu Diwaan galin lahaayeen si ay uga qeyb qaataan Doorashooyinka soo aadan.
Halkaan Ka Daawo Sawirada Xaflada Somalis for Obama
Xafiiska Wararka Raxanreeb
Minneapolis MN
(612) 615-9556















[...] Link: Xaflad lagu Magacaabo Somalis for Obama oo Minneapolis lagu Qabtay (Sawirro) [...]
ASC WARBAL WAALIDAAN SOOMALIDA HAYSATO BAL DAYA. WAR UBAAME SOOWMA AH NINKII SAXIIXAY IN UU NIN NIN GUURSANKARO NAAGINA NAAG GUURSANKARTO MAXEEYTAHAY DADKAAN IIMANKA ALLE KAQAADAY OO DHAHAYO ” XAFLAD LAGU MAGACAABO SOMALIS FOR OBAMA” MA SOOMALI IYO OBAM BAABA ISKU FIKIR NOQONKARAA. WAR ISKU XISHOODO QURANKA IYO XAARKA AAD WADAAN SOOMALIDA HAKU FADAREEYNINA.
Somalida MNPLS weli lama arag guul ay u soo hoyiyeen dalkooda iyo kan ay doorteen ee codkooda ku galay Congresska Mareykanka Keith Elison.
Change Slogan uu isticmaalley Obama waxay noqotay in Somalida iyo muslimiinta kale kaadida lagu dhejiyo iyo weliba usuusha diinta islaamka uu si toos ah ugu xad gudbo. Homosexualls ayuu ka dhigay mapka America. Ragga ku wareegsan oo dhan waxaa weeeye Jews.
Black American cries in inner US cities ee lack of Jobs, high crime rates, racism etc ka cabta waxban kama qaban.
Obama like Mitt Romney weligooda waxay isticmaalaan codka minorities like Hispanic groups for fake promises.
Its time Somalida MNPLS iyo magaalooyinka kale ay ka baxaan riyada beenta ah. Demons iyo republic reptiles shalay ku shirayey Tempa, Fla midna dan uguma jirto Somalida iyo minoritiga.
Markaan joogay Mareykanka maalinta codaynta waan seexan jidhay. Dibadda markaan imidna Absantee ballotka marka la ii soo diro waan ignoor gareeya ama Somali macdaarle ah ayaan si jidhay uu ugu beegto sokortiisa.
Vote in America means = No Change
No vote means = Saving time and energy
Better you sleep that day.
Why?
Jews control American political/Media/Money wheels and the poor rest are fake actors.
aad ayaan idinkugu mahad celinaya dhamaan ragii iyo dumarkii isugu yimid xaflada dadka waxa ku jira kowo aan waxna qabsan karin kii wax qabsadaana wax ka sheega kuwan aan hadafka laheyn waxa ay doonayan iyo dantooda aan garan ayaa iska hadla waadna ku mahad san tihiin dadaal ka aad muujiseen in taa waxaad ku dartaan codeeynt in aan lookala harin mahad sanidiin
????????????????????????????????????????
reer mn minnealis waad waalateen sxbiiyaal magaca soomaali oo dhan idinlama qabto wax aad wadaan marka waxaad isticmaashaan magacyadiina iyo dantiina dagaanka ee aad rabtaan in aad wax ku heshaan //// cidii rabta in ay qolo taageerto had isticmaasho waxy meesha ku joogaan laakiin dalbaa iska leh magaca aad ku taageeraysaan maqnuudyada .iyo maqnuudiinta….,,,,,,,,