Xaflad Lagu Taageerayay Sanad Guuradii Lixaad Ee Aas Aaskii Galmudug oo Lagu qabtay Minneapolis (Sawirro + Video)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Minneapolis (RBC Radio) Xaflad balaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen jaaliyada Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Miniyabulus ee dalka Maraykanka.

Sababaha loo qabtay xafladaan Balaaran oo ay ka qayb galeen dadweyne badan oo meelo kala duwan ka imaaday ayaa ahaa dhowr arimood oo kala ahaayeen.

1.Taageerida Sanadguuradii Lixaad ee aasaaskii Galmudug

2. Soo dhaweyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Xasan Maxamed Hayl

3. Taageeris Maamulka Cusub ee Galmudug oo haatan uu hogaaminayo Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid.

Dad badan oo ka hadlay Munaasabadaan ayaa waxay ku dheeraadeen marxaladii kala duwanaa oo uu soo maray maamulkaan mudadii uu shaqaynayay, waxayna sheegeen in maamulkaan uu ku guuleestay waxyaabo badan oo horumar ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamed Hayl oo ka hadlay Xafladaan ayaa wuxuu u mahadceliyay dadweynihii ka soo qayb galay iyo waliba intii soo qaban qaabisay munaasabadaan.

Maamulka Galmudug ayaa lixdii sano uu shaqaynayay wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaan isku badalay madaxweyne yaal dhowr ah iyadoona mar dhow maamulkaasi madaxweyne loogu doortay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Xafiiska Raxanreeb ee Minneapolis
Tell (612) 615-9556

Halkaan ka Fiirso Sawirada Xaflada oo dhameystiran

Halkaan Guji kana daawo in ka badan 200 oo Sawirada Xaflada ah 


Sanad Guuradii Lixaad ee Galmudug State

 

Share

4 Responses for “Xaflad Lagu Taageerayay Sanad Guuradii Lixaad Ee Aas Aaskii Galmudug oo Lagu qabtay Minneapolis (Sawirro + Video)”

  1. OSMAN TAHLIL says:

    Raxanreeb aad iyo aad ayaan umahadsantahiin sida wanaagsan oo aad umada ugu shaqeyseen waxaan kaloo idinka mahadcelinayaa sida dhaqsaha badan oo aad u soo kaliseen thank a lot
    waad mahadsantihiin shaqo wanaagsan oo wacan

  2. sokorey says:

    waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa bahda raxanreeb.com
    sida wanaagsan oo aad u soo gudbiseen xafladii galmudug iyo quruxda ka muuqata iyo waliba sida
    aad u kala dhigdhigteen

  3. A.karim says:

    Raxanreeb wadaniyiin baa tihiin saxafad cadaaladna wa tihiin I love you raxanreeb team

  4. abdinuur said dheere says:

    hanbalyo maamulka galmudug guul iyo hormar

Leave a Reply