Xagee Mareysaa Xulistii Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya? (Faahfaahin Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Raxanreeb Soo Gaaray)
Muqdisho (RBC) Waxaa lagu wadaa in labada maalmood ee soo socota la soo bandhigo markii ugu horeysay liiskii ugu horeeyay ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo xulidiisu ay mareyso meel gabagabo ah, sida ay Raxanreeb ka soo xigatay xubno ka tirsan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka.
Maanta oo Isniin ah [13/08/2012] ayaa waxaa si rasmi ah loo ansixiyey 165 xildhibaan oo ka kala yimid beelaha Soomaalida kuwaasoo markii lagu sameeyay baaritaan iyo raadraac dukumintiyadooda la xaqiijiyey inay yihiin dad ka gudbay shuruudihii loo dhigay xulista baarlamaanka cusub ee dalku yeelanayo.
Haddaba sidee xulista maanta u dhacday?
Sida ay Raxanreeb ugu xogwarameen xubno ka mid ah guddiga farsamada ee xulista waxaa guddiga ay qabteen illaa 205 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo ku jiray liisas beryahan ay keensadeen odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan. Waxaana baaritaan lagu sameeyay liiskaasi ka dib loo kala saaray sida soo socota;
- 165 xubnood waa la aqbalay xildhibinimadooda kadib markii lagu qancay inay shuruudaha buuxiyeen. 22 Xubnood oo ka mid ah 165waa haween, taasoo micneheedu yahay in 12% kaliya ay yihiin dumar illaa hadda tirada baarlamaanka cusub.
Xubnaha Beesha caalamka ka jooga oo ay ugu horeeyaan UN-ka iyo guddiga xulista waxay taagan yihiin inay ka go’an tahay sidii loo gaari lahaa koontadii 30% loo qoondeeyey dumarka illaa laga xaqiijinayana aanu jieri doonin waxkale oo lagu bedelo go’aankaasi.
- 24 xubnood waa la soo celiyey, waxaana ku jira labo haween ah oo loo arkay inay ka gudbi waayeen shuruudihii loo dhigay xildhibaanada cusub.
- 16 xubnood waxaa dib loogu dhigay baaritaan dheeri ah kadib markii lagu qanci waayey cadeymaha ay la yimaadeen. Raxanreeb waxay ogaatay in shahaadooyinka ay keensadeen xubnahan laga shakiyey oo hadda guddigu ay baaris ku wadaan.
Dadka la diiday
Xubnaha la celiyey ee ay guddigu diideen inay aqbalaan waxaa ka mid ah haween lagu magacaabo Shariifo Caddow oo sida Raxanreeb loo xaqiijiyey ka mid ahayd haweenkii ka qeybqaatay dagaaladii afarta bilood ee sanadkii 1992-kii Muqdisho ku dhexmaray taageerayaashii Gen Caydiid iyo kuwii Cali Mahdi oo ku saleysnaa hab qabiil. Ilo wareedyo kale waxay xaqiijiyeen in Shariifo Caddow lagu helay inay dhowr jeer hanjabaado u dirtay ururadii bulshada rayidka iyo kuwa xuquuqul Insaanka ee Muqdisho ka hawlgeli jiray sanadihii 1990-meeyadii xilligaasoo dagaalo ahli ah ay dalkaka socdeen dad badana la xasuuqay.
Dadka kale ee la soo celiyey waxaa ka mid ah wiil uu dhalay Maxamed Qanyare Afrax oo lagu magacaabo C/weli Maxamed Qanyare oo sida la sheegay lagu soo bedelay kadib markii aabihii [Maxamed Qanyare] laga soo saaray liis ay horey beeshiisa u soo gudbisay oo ay diideen guddiga xulista. Guddigu waxay weli ku doodayaan in C/weli Maxamed Qanyare laftiisa uu qeyb ka soo qaatay colaadihii sokeeye ee Muqdisho ka dhacay sidaasi awgeed loo arko nin aan buuxin karin shuruudaha.
Waxaa la bedelay Xasan Abshir Faarax oo lagu bedelay Sureer Abshir Hamaan kadib markii guddigu ay dib u soo celiyeen liiskii uu ku jiray Xasan Abshir Faarax oo rabay inuu xildhibaanada ka mid noqdo. Sidoo kale Aadan Saransoor, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cumar Finish iyo Maxamed Dheere ayaa dib loo soo celiyey.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Ibraahim Xaabsade, Cumar Finish iyo Aadan Saransoor uu taageerayay Shariif Xasan oo hadda ah musharax u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya. Halkan ka Akhri
Liis ka yimid beesha caalamka
Sida Raxanreeb ay ka ogaatay xubin ka mid ah guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka waxaa xarunta guddiga la keenay lis ay ku qoran yihiin illaa 215 magac oo lagu sheegay inay yihiin SHAKHSIYAAD KA MAMNUUC AH SIYAASADDA SOOMAALIYA, waxaana liiskaasi ugu badan oo ku jira hogaamiye kooxeedyada iyo xildhibaanadii hore ee baarlamaanka oo loo bixiyey qaswadayaal “spoilers”.
markasta oo guddiga loo keeno liis xildhibaano, waxay ka fiiriyaan magacyada u qoran ee dadka WANTED ah, kaasi ayaan lagu kala xulaa dadka la aqbalayo iyo dadka la celinayo, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah guddiga xulista oo aan rabin in magaciisa loo adeegsado warbixintan.
Waxaa kaloo jira toddobo qodob oo horey loogu dejiyey in loo adeegsado xulista baarlamaanka cusub. HALKAN KA AKHRI QODOBAAS
Sida qorshuhu yahay waxaa la rajeynayaa in beelaha weli dhiman iyo kuwa lagu celiyey xubnaha ay keensadaan liisaskooda cusub maalmaha soo socda, waxaana la rajeynayaa in ugu dambeyn Arbacada oo ah 15/08/2012 la dhaariyo kooxdii ugu horeysay ee xildhibaanada cusub oo laga rajo qabo inay kooramka [fadhiga] buuxiyaan oo ay gaaraan illaa 184 mudane. Haddii ay sidasi dhacdana waxaa suurtagal noqon doonta in doorashooyinka la guda galo.
Welwelka saxiixayaasha iyo siyaasiyiinta
Qaar ka mid ah lixda saxiixayaasha iyo siyaasiyiinta ku lugta lahaa arimaha odayaasha ayaa hadda ka welwelsan sida xaalada isu bedeshay kadib markii guddigii xulista oo ay gadaal ka joogaan saraakiisha UNPOS ay la soo bexeen miciyo waaweyn oo ay wax ku goyn karaan isla markaana ay hadda bilaabeen inay dib u soo celiyaan shakhsiyaadkii ay soo qorteen inay baarlamaanka u galaan.
Warar ayaa sheegaya in si joogto ah loogu hanjabo odayaasha iyo xubnaha guddiga qaarkood kuwaasoo maalin kasta fariimo iyo telefoono loo diro loona sheego in la dili doono.
Mid ka mid ah xubnaha guddiga oo hadda saldhigoodu yahay xerada Xalane ee AMISOM fariisinka u ah ayaa Raxanreeb u sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin meelmarinta go’aanada u degsan xulista baarlamaanka “waayo amaankeena waxaa damaanad qaaday AMISOM waxaana taageero heysanaa beesha caalamka” ayuu yiri xubintaasi.
RBC Radio
————————————————————————————————————————
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.











Raxanreeb warkeedu war sugan ayuu iila muuqdaa, dhowr jeer oo hore warar ay soo gudbiyeen ayaa rumoobay. Waxay mudanyihiin in loogu mahadnoqo shaqada Wanaagsan ee ay umadda somaliyeed u hayaan.
Salaamu Calaykum. Sida uu Kilwe farta ku fiiqay waxaanan shaki ka jirin in maantan la joogo ay Raxanreeb tahay shabakada wararka ee dhoor darajo ka sareysa shabakooyinka kale ee wararka Soomaaliya. Sidaan u bartay shabakada kadib waxaan ka xumahay inaan maalin walba arko iyadoo wararka sugan, qaar maalmo ka hor xaqiijistoodu soo baxdo, in laga xado Raxanreeb, kadibna shaqada wanaagsan iyo dadaalka wariyeyaasheeda laga dhigto hab xatooyo ah lagu sheegto, magacna lagu yeesho.
Waxaan hubaa mid ka mida kuwa ugu caansan maanta inay caado maalin walba ka dhigatay inay warka xaddo, si foolxumo ah u dhoodhoobto, kadibna magaceeda ku qorato.
Bahda Raxanreeb; Keep doing the fine job that you are doing. We, the ever so loyal readers are very greatful, and we hope that you take the steps needed to shame those who steal and profitt from your hard labour.
Raxanreeb magaca kaliya ha bedeleen oo ha la baxeen magac soomaali oo dhan u dhaxeeye markaas ayay shaqadooda noqoneysaa hormuudka wararka.
Waxaad mooda raxanreeb inay tahay website kaliya sheekada manta somalia ugu muhiimsan minute by minute uga soo waramaya aad ayaan ula dhacnaynay shaqadiina saxaafad hufan baatahiin hadaa awoodan khatuma sida wax loo qaybsaday nooga soo warama plz
Aad ayaan ugu faraxsanahay habka loo xulayo xildhibanaada cusub, in wixii Dembi soo galay ama wixii Dagaaladii sokeeye AF iyo Adin uga qeyb qaatay in laga mamnuuco, xitaa kuwa ka soo jeeda qabiilka aan ka dhashay ee doonaya in ey xildhibaan noqdaan hadii lagu helo wax Dembi ah waa in dib loo celiyaa. Somaaliya Baal cusub ayaa u bilaawday ilaahow qeyr ka dhig.
Thank you Raxanreeb. Aad ayaan ugu farxay warbixintaan
raxanreb waa wepka aan sida jogtada ah u daalacdo waxay soo gudbiyaanna inta badan waan rumaystaa waxaana dhihi karaa waa wabka aan ogu kalsooni badnahay si fiican baad shaqada u wadaan dadaala wepepka kale badan kooda waxaan ku nacay in ay afbeel ku hadlaan ama beenba kuu sheegaan anana xaqaaiqda baan raad goobanaa war aan la hubin ma rabno aad baad u mahadsan tihiin waddanka alaah ha inoo dajiyo kii dalka daacad u ah dadkana daryeelaya alaah ha inoo dooro
Warqadaan waxay u socotaa walaalahay mudanayaasha baarlammaanka noo noqondoona
Walaalayaalow la socda xil weyn baa dhamaan soommaalida idinka saaran sidaann u baabanay waad u jeedaan sid mee.el walbaa nalooggu dilaayo waad u jeedaaan sida maalinwalba mawadiniina dadkeena waaxtarka u leh ay shaqsiyaad aan la garanyn oo bistoolada wata madaxa uga toogto magaalooyinkeena Gacan ku dhiiglayaashaasoo aan la isku dayinn iin la qaabto kuwa masuuuliyadda no hayana aysan ka xanuunsanayn KUNA MASHQUULSAN SIDII WIXII SHACABKA LOOGU SOOO DHIIIBAY AAY BANKIYADA ADUUNKA U DHIGTAAN, waad u jeedan iinay ku mashquulsanyihiinn inay howshoodii sii wataaan.
Sidaas darteed waaad u badantihiin dad aqoon iyo wanaag leh waxaan idinka baryayaa inaadan kuwaass nagu soo celinin. Bal xisaabiya maalintii imisa ayaa dhiimta inatay xilka hayeen
Garabkiina Ilaaah ha galo soomaaali oo dhan adinka ayay idiin baahantahay maanta, Qabiil waxaba ma tarayo kuwa idinku dhex jra oo jiiradaas qaba inta ka caafimaadqata ayaa ka badan wax run ahna ma aha Xilkaa noogu dhiiiba nin hal abuur leh oo ceelka ayy soommali ku jirto ka soo ssaara
Sida loo jeedo musharaxiinta waxaa ku badan kuwa laab lla kacc u doonaaya inay xilka ku qabtaan mana loo baahn
Shariifka waa ku daadatay k.k.k.k.k tolow maxamad dheere shahaado la.aan ayaa lugu celiyay k.k.k.k viva raxanreeb is the best web
Guddiga Xulista waxay u muuqdaan dad waajibkooda gudanaya. — Amaan iyo bogaadin bay mudanyihiin —- Ku adkaysta sidaas Jaalayaal —
raxanreeb waa geed dalka somaliya ka baxa oo caan ah waana magac wanaagsan. runtii waa websed heegan ah oo wadanka somalia oo idil ka shaqeeya. waana kan maanta ugu hufan uguna dadaalka badan sahafada somalida aad baan uga mahad celinayaa qaybta ay somalia u taraan.
thumbs up RaxanReeb
WARAABIHII FAROOLE MEESHA HALAGA ILAALIYO, WIXII KALE WAA ISKA SAHALO WAANA DHAMAANAYAANE. C/WELI BAA WAKIIL U AH AFWALIIJO MARKA WAA ISKU MID LABADAA SHAQSI WAXAY WAXAY RABAAN IN DIB LOOGU NOQDO MUSUQMAASUQII LAGA SOO GUDBEY.
Waa ku qancsanhaya gudiga wajibaadkooda aay Guteen/gutaan Waxa kaliya aan kula dardaarmi lahaa in aay yiraahdaan Amaanadeena waxaa qaadaya Ilaheey, Mahana Amiso kadib na haraaciyeen Waki-kifaala bihi.
salaan Raxan reeb
S/dabadeed waa warkii ugu muhiimsanaa 21sano ka dib aan ka maqlo soomaaliya mar hadii la yiri dhamaan dadkii dagaalada sokeeye ka qayb qaatey,waa laga soo saarey liiska baarlamaanka iman doono waxaan leeyahay good job waana shaqadii ebed dad soomaliyeed ku guulaystaan waxaan kaloo oran lahaa dhamaan dadkii dagaalada sokeeye ka qayb qaatey in wadanka laga masaafuriyo ama la xiro inta cumrigooda ka harey ama la gubo
WARKAASAAN U BOGAA BEELAHA SHIHAADOOYINKA WAAYEY WAA DAGAAL OOGEYAASHII MIYAA ISGA MAXAAD KATIRAAHDEEN SAKIINKA JAAHILKA AH EE INA XOOSH UGU HAJEBAYA WAA LA ARKAA? FUTADIISE BUUKAHANJEBAY EE NINKU YUU BAXSAN OO KABIXIN DALKA WAANA IN LAGUSOO OGAA SAKIIMAHA SAR SAREY UMADA OO UU JUUNIGA HOOTA KAGA JEEXDO/
waxaan salaamayaa dhamaan qoreyaasha wabkan oo runtaa aan aad iyo aad ugamaqsuuday oo aanan eegin wabkale inaan sooguureeyo oo sooqaato toch kagii 3xajaarka ahaa oo aan kasooguureeyo qudhaca baare oo ciideed waxaana kufooganahay hoygan wararka lahubo? waxaana maqlijiran ceel biyood oo 15o sano kahor ciidamadii daraawiish uu watay nin la oranjiray xirsi maxamuud malmal kumagac dheeraa biyo lahubo waa badhan ma maqasheen/? hada waxan ugu danleeyahay war lahubo waa RAXAN REEB EE NOOLAADA OO SOOTEBIYA XAQIIQDA AH
Waxan idiin saxayaa warkinii hore waxaa
Ku qornaa Hassan Abshir farah Oo ku badeley
Walashis sureer Abshir ,
Waa sureer Abshir hamaan,waa isku cid uune ma aha walaashiis
Sc
Dadba sidey u garaadsadeen ku hayey Ilaahow naga qabo: Maxamed Siyaad, Cali Mahdi, Caydiid, Ina Salaad Boy, qabqablayaashii dagaalada sokeeye, Maxkamadihii, Cabdullaahi Yusuf, shabaabka, Sheekh Shariif, Sharif Xasan. Hadda waxa soo socda iyadoo aan la aqoon dad baa Illaahow naga qabo sii oranaya.
Xaalka Illaahow noo hagaaji ma ku beddelaa sidani si maahane?
waa mahadsantihiin RR .arintu sidaas aad usooqorteen hadday tahay mid dhaba waa arin ididiilo kasoosocoto oo soocelinkarta soomaali dawladnimadeedii ..scww
Raxanreeb waxaan idiin arkaa inaad shaqo fiican aad muujineysaan, dadaal dheeri ahna aad ku bixisaan inaad warar rasmi ah aad soo tebisaan, waana sida laga doonayo qof marka waxa uu shaqeynayo inuu u qabto si professional ah, waxaan idin leeyahay KEEP UP THE GOOD WORK!!!!
Waxaan aad ugu faraxsanahay in liiska Baarlamaanka cusub laga reebo dhammaan dadkii dagaalada sokeeye ka qayb qaatay iyo shakhsi kasta oo ku lug lahaa ficil kasta oo uu ku daatay dhiig shacab soomaaliyeed. Sidaas waxaa ku soo deg degaysa in caddaalad la helo. Waxaan kaloo ku faraxsanahay in shakhsiyaadka awooda isbiday ee uu ka mid yahay Sharif Xasan Sh. Aden oo xaqiiqdii ka soo qayb qaatay dagaaladdii sokeeye iyo kuwii danbe ee marin habaabinta ahaa ee Dowladda lagu bur burinyey uu qayb weyn ka qaatay, isla markaasna uusan haysan aqoon ku filan, sida Dugsi Sare iyo wax kale oo la mid ah, uu waayo xubinimaddiis
waxaan ugu mahad celinayaa raxan reeb in ay tahay web ka kaliya ee maanta arima somalia si qota dheer oo xaqiiq ah uga hadsha iyadoon muujisa dhex dhexaad nimo. waxaan raxan reeb ku guubaa binayaa in ay sii wadaan dadal kooda. waxaa hada jira Tv yo Afsomali ku hadal lakiin nasiib daro kama falan qoodaan siqota dheer sida raxanben.
Uma arko Raxanreeb wax macna leh inay qortay warkeeda oo dhan waa kutirikuteen wax rasmiya oo meelo rasmiya oo loo raad raaco ama reference leh ma soo qorin dadka laab lakacyada ah ee qurbaha iska xoonsan ee isaga wada naaxay ee aan waxba la socon un bay maaweelisaa xaqiiqda Somalia taalna nina ugama ay war dhaanto waxaana u dheer wixii ayaga u dan ah un bay qoraan dan iyo runna isma galaan ee laab la kaca iska daaya, Qoladan Khaatumoseeg waxaan iyana u sheegi lahaa war idinka farxiya Muqdisho idiinma yaal idiinkana imanmayo ee maxaad ka doonaysan warkeeda.KKKKKK.
waxaan aad u jeclahay wararka raxanreeb waa webka aan ugu jeclahay webabka Somalida inkastoo aan bari dhexe ka niyad jabay taas oo ahayd shaqaaqadii Galkacyo oo ay xogaa webka raxan reeb isku dhex yaaceen waligiin sumcadiina kor u qaada waxaad u adeegtaan Somali oo dhan warar xaqiiqna waad ka sheegtaan viva http://www.raxanreeb.com
Bedel khayr qaba Alloow keen,oo baaruuddaan naga qaad,
dalkii waa dufoobaye, Alloow dawlad wacan nasii,
daryeel iyo daawo ayaan daayimoow rabnaa,
ducafadaas dunida meertaan qayb kaqaadanaa.
Waar dalkaan degiwaayay,iyo dawladnimo la’aantaan,
dulmi horoo la’gaystaa layska jaryaaye,
Ilaahoow nasii barwaaqiyo khayrka badankiisa [aamiin].
Ilaahoow nabad nasii adaa daayinoo jira’e
Dulmigii lagalay waa lagu dufoobaye,
Aakhiro meel roon Alloow gogosha noo daadi [aamiin.
waa sax runtii kuwaasoo dhan waa in la geeya alanbaqa oo halkaa lagu wada fugaa waa kuwa reerkaan na dhigee
Horta Walaahi aad baan ula dhacay habka wax loo xulayo. Marba hadii screen la marsiinayo, qaarkoodna loo diido waa horumar cusub ee Somalida u tilaabsatay. Haday sidaan ku wadaan, waxy u badan tahay in 90% noqon doonaan Xildhibaano heer sare ah, una Qalma jagadooda. Taasina waa guul kale.
Waxaan maqlay in Prof. Ali Khalif Galeydh ka mid yahay barlamanka cusub, arintaas ma runbaa ?
Teeda kale Farmaajo ma ku jiraa liiska xildhibaanada mise banaanka iska sharaxay.
[...] shalay lagu daabacay Raxanreeb.com [Akhri] ayaa muujisay illaa 165 mudane oo kaliya in illaa hadda la ansixiyey kadib markii kala shaandheyn [...]
waxaa nasiib darro ah in Qanyare loo diido in uu xubin ka noqdo baarlamaanka,labada shariif iyo Gaasna aan raali ka noqono in ay isi sharaxaan.
manshalah waxaa ficaan baad soo bandhigteen raxaanreeb jasakalh
[...] shalay lagu daabacay Raxanreeb.com [Akhri] ayaa muujisay illaa 165 mudane oo kaliya in illaa hadda la ansixiyey kadib markii kala shaandheyn [...]
Faroole ha noolaado.