Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta. W/Q Liibaan Axmad
Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta
Liibaan Axmad
Libahm@gmail.com
Agoosto 18 2012
Heshiiska nabadeed oo ay Saleebaan Ciise Axmed-Kaar ( Xaglatoosiye) iyo wafdigii la socday la gaadheen maammulka Somaliland wuxuu dhacay dhowr toddobaad kadib markii Xaglatoosiye lagu tilmaamay nin wada howlgal uu ku burburinayo Khaatumo. Xaglatoosiye wax xil ah looma dhiibin kaddib markii Khaatumo beddeshay ururkii SSC oo Xaglatoosiye uu hoggaamiyaha u ahaa. Inkastoo markii hore uu ka horyamid go’aankii doorashada madaxweynayaasha Khaatumo, Xaglatoosiye muu samaynin loollan siyaasadeed u diidayay madaxda Khaatumo inay ka howlgalaan Buuhoodle. Wuxuu kula kulmay Imaaraadka madaxweynaha Somaliland Amed Maxamed (Siilaanyo), kulankaas oo dhabbaha u xaadhay shirar ka dhacay Oog, iyo Hargeysa, shirarkaas oo keenay in la soo daayo dhammaan ” maxaabbiistii Khaatumo” oo lagu qabtay iska-horimaadyo ka dhacay tuulooyin ku yaalla Nugaasha iyo Hawdka.
Xaglatoosiye muu ku guuleysan oo keliya sii daynta ragga xidhnaa, wuxuu ku guulaystay inuu kala hadlo maamulka Somaliland in la qaado ciidamadii joogay tuulooyin aan ka fogayn degmada Buuhoodle sida Sool-joogto. Xaglatoosiye markii lagu soo dhoweeyay Buuhoodle wuxuu u sheegay dadka: ” collaaddii way dhammaatay.” Wuxuu reer Buuhoodle u sheegay inuu ku guulaystay “nabad shuruud la’aan ah.” Guusha nabadeed oo Xaglatoosiye gaadhay waxay keenaysaa in taladii Buuhoodle ay dib ugu soo noqoto gacanta reer Buuhoodle oo qaar ka mid madax-dhaqameedyadooda loo geystay meel-ka-dhac kaddib markii la isku dayay in la duudsiiyo xaqa ay u leeyihiin inay magaacabaan Xildhibaanno. Tusaale ahaan Caaqil Maxamuud Cumar Camay, oo walaalkii xildhibaan iyo wasiir ahaa lagana soo dooran jiray Buuhoodle ka hor afgambigii militariga, ayaa la isu bahaystay si kaalintiisa hoggaamiye dhaqameed looga dhigo wax-kama-jiraan.
Shaqada ugu wayn oo sugaysa Xaglatoosiye waa inuu waxqabadkiisa ka ilaaliyo curyaamin kaga iman karta xoogagga u arka dadaalkiisa nabadda mid wiiqaya danaha siyaasiyiin u garnaya Xaglatoosiye cadowgooda siyaasadda. Ardayda danaysa nabadaynta iyo furdaaminta ismaandhaafka ( peace-making and conflict resolution) wax badan bay ka korodhsan karaan dadaalka Xaglatoosiye u galay nabadaynta ka sokow aflagaaddada loo geystay isaga. Shaki kuma jiro in reer Buuhodlle muujiyeen dulqaad badan kuna guulesyteen inay aayahadooda siyaasadeed ka tashadaan. Xaglatoosiye wuxuu keenay guul nabadeed oo siyaasiyiin ka mid ah maammulo cusub iyo kuwo muddo dheer jiray ay keeni waayeen. Waa inuu xoogga saaro adkaynta nabadda iyo raadinta xaqa horumarineed ee reer Buuhoodle. Way caddahay Xaglatoosiye inuu baahnaa inuu ka madax-bannaanaado talada qurbo-joogta iyo maamullada si uu wax wanaaagsan ugu kordhiyo nolosha guud ahaan dadka wada dega gobolka Togdheer iyo gaar ahaan dadka reer Buuhoodle.
Liibaan Axmad
Liibaan Axmad wuxuu qoraallo kala duwan oo ku saabsan ururkii SSC oo Xaglatoosiye uu hoggaamiye ka ahaa:
1: (2009) Sool, Sanaag and Cayn Leadership: Some challenges and opportunities:
http://wardheernews.com/Articles_09/Oct/31_sool_sanaag_liban.pdf
2: (2010) Reconciliation for Sool, Sanaag and Cayn stakeholders matters http://wardheernews.com/Articles_2010/June/Liban/22_Reconcilation_of_SCC_stakeholders_matters.html
3: (2011): A fresh start for Sool, Sanaag and Cayn :
http://wardheernews.com/Articles_11/April/Liban/25_A_fresh_start_for_SSC.html
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] Read the article: Xaglatoosiye wuxuu dhigay cashar ku saabsan nabadaynta. W/Q Liibaan Axmad [...]
Reer Buuhoodle(Cayn) waxay ka midyihiin reer Khaatumo State of Somalia(Dhulbahante). Haybadda Xaglotosiye waxa si kama dambays ah ugu xidhantahay tan dadkiisa(Dhulbahante) waxaanna filayaa inuun taas ogyahay. Midnimada dad,diin iyo dal ee Khaatumo state of Somalia sir iyo caad cidina kuma kala dhantaali karto. Dhulbahante wax faragelin ah kuma hayo qabiil kale deris iyo mid fogba,mana aqbali karo in xaqiisa iyo dantiisa cid kale faraha la gasho.
Xaglatooisye, in uu nabad keeno wey fiicantahay. Waxaa lakiin su’aal ah, muxuu ku dari karaa? Mar haddii reerkii sameystey maamul la yidhaahdo KHAATUMO STATE of Somalia oo aan soo noqon nihin. Waxaan u malaynayaa in uu Saleebaan lahayn aqoon sida dadka loola heshiiyo (Conflict resolution). Waayo Khaatumo/reer buhodle ayuu la heshiin laha. Inta u isku maaweelinayo sidii u meel uga bakh bakh leenlaha u raadiyo. Waxaa haboon in u ninku horta gogashiisa saxo awalan. Marka uma jeedo mustaqbal dheer oo Saleebaan haysto illa iyo inta uu ka soo hor jeedo reerkiisa iyo Maamulka Khaatumo oo hada ku leh samayn weyn bulshada SSC. Hadiikale, a sameysto maamul cusub oo la yidhaahdo Buhoodle waayo meelihii kale wuu ka tanaasuley.. Somali/land heshiikeeydo bilo badan ayuu diyaar aha, ee Maamulka Khaatumo ayaa ku xidhey heshiis aan dhameyn oo Lasanod ka maqantahay in uu nan ahayn heshiis dhab ah. Marka Saleebaan waa shakhsi Gamble ama dan gaar u ah ka go’aan. Marka nin qoyani biyo iska ma dhowro ayaa horey loo yidhi.. Ee qoraalah wardan ma garanayo baan umalaynayaa waxa ay SSC u taagantahay. Saleeban ma Sooljoogto ayuu dhulkii oo dhan siistey… Waa tulo cidla ah… Maamulka Somali/land dhibaatada ay ku hayso deegnnada SSC ayuu illaawey durbaba, miyaa?
All the best,waa fikradeyda.
D
haglatosiiye is brave to have taken THE PEACE THAT WAS ON THE TABLE .. by doing so,
he has put his people on the right path to reconciliation and truce were every body will
reap the bounty that peace has to offer. Somaliland was wise to prove to the people of
Buhoodle that they are and always be a part of our nation by not putting any conditions
on the mutual peace accord . Buhoodle was deceived by Glayrd, G 10, G 6, Karash etc…
Has any one asked where is Khatumo-seeg are these days, Let me tell you that they are
picking the left over’s that alla’Sheiks left behind, and to add insult to injury, their previous
boss Faroolee is hunting them down in Mogadisho . I heard that the traitors ( DIR ) ect..
are getting more respect than the people who are crying for the BLUE FLAG ( khatumo-seeg )
Sool and Sanag are and always be a part of Somaliland, even Puntland does not want to
tarnish the relationship we are working on. Its high time for peace and prosperity for all Somalis
where ever they hail from.
As far as Somaliland and even some areas in the south, this transition from the
TRANSITIONAL FEDERAL GOV. to INTERIM FEDERAL GOV … is a complete farce.
I am looking forward to see Buhoodle take their place in the up coming elections on November,
were the real democracy is played out,.
For every person will get their vote.
Happy coming Eid !!!
Faarax Nuurbaa Laga Hayaa (Maanaa Mindiyo Lay Qarshaa, Laygu Qali Doono), Markaa, Waxba yaan Nabad aan Haabkeed Lahayn Shacabka Lagu wareerin, dadkana loo qarin mindidii lagu qali lahaa. Ina ciise wuxuu Buuhoodle kadegan yahay xaafad, buuhoodlena waxba kama aha oo waxaa si dhab ah uga shaqaysa maamulka Khaatumo, oo canshuurtiina kaqaadda, difaaca Dalka waajib kasaaran yahay, ina ciise ahmedna cidkale iska daaye xitaa walaaladii lama socdaan. Buuhoodle bannaan cidlo ah mataagna oo ma aqbalayso Qaybi Oo Xukunta aad u ordayso, Inta ay Laas-caanood Maqan tahay majiro wax wada hadal ah. Buuhoodle hal Isim Oo ah Garaad C.laahi Garaad Soofe oo hadda muqdisho Jooga, kuna hawllan Arrimaha xamar kasocda iyo dhicinta xaqa Khaatumo. Waxaa maqaalkaaga Laga Dhadhasankaraa Sida ay Kuugu Fogaatay Qadiyadda yar Ee aan meelna gaadhayn oo Gooni Ugoosadka ah, waxaadna kuhamidaa bal in somaliland mar un ay Reer Khaatumo raacaan, taas madhacayso, inta halqof naga nool yahay waayo majirto sabab aan uga go,no Dalka Intiisa Kale. Waxaad Maqaalkaaga Kuxustay In Xaglo Markii Khaatumo wax looga diiday uusan bhdle kasamayn wax loolan kadhan ah Khaatumo, Taas waxaan Kaa Idhi Naftiisa Qiil Qiil Gashay saa waaba loolan Khaatumo Kadhane . Fadlan Hakala Gurin Bulshadda Reer Khaatumo, Jooji Aabbiga, Si maqaaladaadu Qiimo Uyeeshaana Runta Kusoo dhawoow oo Xaqiiqadda Qor. Bal waxaad Qiraysaa In xaglo Uusan xil hayn, Haddana waxaad taageeraysaa Nabad shakhsi lala galay. Bal maxay kuusoo kordhin. Midnimadda Somalia Waa Muqadis, Inta Taako Carro Khaatumo Lajoogana Iga walaysan Nabadi Udhacayn. Marba Shakhsi Meehanaabaya Oo Meel waayey, Tolkiina Dayriyeed uyeedha. Ninkii Nabad Doonaya Dariiq Bay leedahaye hasoo maro. Viva Khaatumo.
Waxaan Maqli Jiray Islaanta Odayga Wax Loo Saar, Taasoo lamida Liibaan, Reer SSC/KHAATUMO Wax loo Saar. Saa haddaadba Intaas Oo Sanno Bulsho Ladulmiyey Oo Duulaanna Lagu Soo Qaaday Oo aan Cidna Dulmiyeyn Qoraallo Weec-san Kaqoraysay, Yaab ayaad leedahay. Anigu Ma aqaan waxa Reer Khaatumo Lagaa Siiyo, Malab ayaa Dushooda Laguugu Daadiyey, Ee Ka Guro. Liibaanoow Ninka Nabadda Doonaya Waa inuu wax nabad geliyaa, ee SNM Usheeg in ay Qalalaasaha Kadayso Waqooyiga Somalia, Si ay Nabad uheshana ay Reer Khaatumo Nabad-geliso.
Dad yaroo iska Xaqiiriin ah ayaa isku dayeya inay sameeyaan sheekayaroo Local Politics ah oo layidhaa reer Buuhoodle reer Buuhoodle. waar reer Buuhoodle waa reer Laascaanood, reer Laascaanoodna ama reer Taleex, Xuddun, Kalbaydh, Widhwidh, Boocame, Fiqifuliye IWM waa reer Buuhoodle waana Khaatumo State.
Ninkii doonaya inuu reero kale u shaqeeyoow lagaa yeeli maayo ee gura alaabtaada ,Garnaylka inta laydin la dhicin gura alaabtaada , Ina Cameyga aad sheegasana Caaqilba maaha ayaa lagaa yidhi.
WAR HADEE IN LA HESHIIYO MA XUMEE MAXAA LAGU HESHIIYAY? MA IN DALKA LAGA GO’O?
Salebaan waa Shaqsi Reer Buuhoodle & Dhamaan Beesha Dhulbahante waxa Mateela Khaatumo State, Saleebaan Daadkaga Dhinaac Karaac intaad tariikhda baal madoow kaa gali laheyd.
Xaglotoosiye wuxu dhaamaa kuwo Garaado sheegta iyo kuwo pro sheegta oo Xamar iyo Nairobi iyo Soomaaliyaba iska fadhiya isagoo Wiil da’yar ah ayaa caqligiisu siiyey inuu Buuhoodle isbitaal u dhiso hadana uu Wiilal yar yar oo masaakiina oo xabsi ku dhiman lahaa ka soo daayey,uuna ciidankii Somaliland ka raray aaga buuhoodle,anigu waxan oran lahaa waa siyaasi weyn dadka ka soo jeeda Khaatumo markaan saa ku iraahdo waxay dhahaan wuxuu rabaa sidii laascaano oo kale buu rabaa inuu gacanta u geliyo S/land Buuhoodle, waxay ila tahay nin damiir lihi inuusan saas yeelayn waali iyo miyir qab toona ,waxan ka yaabay say waxaysan ogayn u sii saadaalinayaan,horaa loo yiri Nimaad dili nimaad dagi nimaad dabin u qoolaysid waa laysku kala daadiyaa yuusan kaa didine.ha cayaaro super Goolka siyaasada.
War horta waxaan idin waydiiyay, ninkan Liibaan ee aadka wax uga qora dhulka khaatumo, waana nin aan shaki ku jirin in uu ka soo horjeedo aayaha iyo madaxbanaanida shacabka reer khaatumo oo waxaa cadaynaaya qoraaladiisa, waa nin iska dhiga in uu u naseexaynaayo reer khaatumo, hadana ay muuqato in uu hoosta ku wato mindiyihii lagu wanjali lahaa, oo waxaana arimihiisa kashifa xog la’aanta dhulka khaatumo iyo dadkeeda ka haysata iyo sida caadifidaysan ee uu u taageero labada maamul ee hareeraha siiba kan snm, webab badan baan qoraaladiisa ku arkay oo u badan kuwa u shaqaya maamulada hareeraha sida taleexmedia iyo holhol,hadaba qoraalkiisan jaah wareersan wax macna ah oo laga hadlaa kuma jiraan ee, ee anigu su’aasha aan jecelahay in aan idin waydiiyo waxay tahay, ninkan liibaan ee meesha wax ku xarxariiqay xagee isaga laga leeyahay waa su’aal ee? bal si aan isugu dayno inaan cudurkiisa furdaamin karo, ninkan waxan u arkaa nin iska qoraaya waxaanu xogba ka haysan oo aanu kala aqoonba, ee uun ay ka muuqato in caadifad uu labada maamul ee hareeraha u hayo iyo necayb ku gaamuray oo uu uqabo dadka khaatumo ay dabada ka riixayso, ee ninkan xagee laga leeyahay?
Yaab!!.
Ala ninka maqaalka qoray daba dhilif sanaa ,”””””””””’ .wuxuu isku dirayaa dhulbahante, teeda kale markuu leeyahay xagla toosiye khaatumo uma diidin buu hoodle, xoolow what is khaatmo, miyanay reer buuhoodle ahayn iyagu, war waxaas hala soo aadin dadka calooshiis u shaqayste xun ayaad tahaye , beelaha wada dhashayna hayska horkeenin fidmayahay laysu soodiray. Waxbaa la qoraa ayad maqashaye waad lakuftay kan abti .
Xalaatoosiya waxaa loo aqoonsaday Geesi marku Arinti dagalka ku ku bedeelay nabad, soona dayeey maxaa bisti reer buhoodle iyo cayn laga xidhay, halkasna waxaa uku heelay sumcad aad uweyn oo lagu tageertanyahay, siidas awgeed waa gesi soomaaliyeed, noolow bay dhaman reer sool leeyihiin
YASAKA, walaal fikrada uu qoraalahu dhiibtey af-Soomali ayaa lagu qorey, marka waxaa haboon in af-Soomaali jawaabteedu noqoto. But regardless, I think you got it dead wrong buddy. The Word reconciliation is drived from the latin word of reconcili?re… it roughly translates to Bring TOGETHER. Bring what together is the question here… Bring together two opposing sides and to put differences aside by forging a new course of action and frindship. Has that happened? No,no my friend. Instead we had the entire Somali—-lnd.. Cabinet prading with one man whose time is up. So this fantasy of Buhodle becoming part Somali..lnd (North-west Somalia), which I adore, is a day dream and ludicrous. Please don’t tarnish the poor BLUE FLAG for no apparently reason. STATE your hatered towards it. Reer Buhodle will be as BLUE as you can imagine at tomorow’s sunrise and forever. The Irony is amazing, you critize Somalia but unable to say one thing wrong Somali…lnd…It is percisely this attitude of hatered that has pushed KHAATUMO community away from the north administration.
I pray for a prosperous Somalia that does not include seccession… Love, peace lots of Caano from Buhodle..
Nabad iyo cafis… forgive for all personal attachs, if any.. Didn’t mean any… I love my people everywhere.. But rightous. all the time…
waxaan hubaa hadii ilaah idmo inay muqadas kutahay xaglotoosiye iyo shaqsi kasta oo kasoojeeda khaatumostd in uu kadheregsan yahay asbaabta loodhisey khaatumostd QOFKAAN OGAYNA HA OGAADO khaatumostd waxaa wada dhistay oo wadaleh dhamaan bulsho waynta deta gobolada sool sanaag iyo cayn oo magaalo madax utahay buuhoodle markaan intaas uga gudbo dadka wadadhistay khaatumostd oo ah dad ama umada soomaaliyeed oo katashaday aayahooda xorna u ah fekerkooda iyo maamulhoosaadkooda sida maamulada hareeraha waxaan uga digayaa dhamaan shaqsi ama koox ama maamulo kale in ayan fara gelinkarin maamulkayaga iyo dawlad goboleedkayaga kooxdii ama qofkii iskudaya faragelin waxaan u aragnaa danbi iyo xaqdaro laga geleyo dadkayaga iyo dalkayaga? waxaanuna balan kuqaadnay in aan gacan bira iyo awood dhaba ugaga hortegi doono waayo waxaan leenahay maamulhoosaad goboleed oo hoostaga dawlada dhexe ee somaliyed mahoostegi doono mana aqbali doono shookooyin iyo mu aamarado qabiil ama maamul goboleed kale oo u dhistay in uu metelo gobolkiisa iyo dadkiisa mana aqbalayno oo waa habeen kii xalay tegey in uu noo dawladeeyo mamul hoosaad qabiilkale leeyahay haday soobaxaan boqol xaglotoosiye oo ay kaleexdaan majaraha iyo maamulka ssc ama khaatumostd oo metela ama utaliya gobolada SOOL SANAAG IYO CAYN KAAS OO SOOMAALI OO DHAN OGTAHAY WAXAANA UDAADINAY DHIIG WAXAANA U DAADIN DOONAA DHIIGKALE HADAAN NALOOGA BIXIN GOBALAAYADA IYO DEEGAANADA LAGUSOODUULAY EE WELI KUJIRA GACMAHA SNM IYO SSDF WABILAAHI TAWFIIQ VIVA KHAATUMOSTD OFSOMALIYA
WAXAAN LEEYAHAY DAKA AMA SHAQSIGA U ARKA AMA AY KAQARSANTAHAYOOW OGOOW BUUHOODLE IYO LAASCAANOOD AMA YAGOORI WAA CARO KHAATUMOSTD OO WAXAA LOO DAADINAYAA DHIIG HADII SIDHAQSA LOOGA BIXIWAAYO DHULKAYAGA YEELINA MAYNO MID BIIDHI QAATE AH OO USHAQEEYA CALOOLSHIISA IYO CAADHKIISA AMA ILKAHIISA WAANA XAARAAN MAQDACA IN AAN YEELO WAX KAYAR SOOMAALI MIDNIMADEEDA IYO WADA JIRKEEDA EE TAAS QALBIGA HAGELIYO SHAQSI KASTA IYO KOOX KASTA OO BEEN IYO HUU HAA ISKUMAAWEELIYA SOMALI WAYN WAX KAYAR OON OGOLAANAANA WAA KHAATUMOSTD ofsomaliya VIVA KHAATUMOSTD OFSOMALIYA
Ingiriis Lix Qolo ayuu la saxeexday heshiis ilaalin,ganacsi iyo is dhexmar,Dhulbahante,Arab iyo Ayuub iyagu kumay jirin. Dal la yiraahdo Somaliland marnaba ma jirin waxaa jirey qabaa’il degaankooda Ingiriis heshiiska kula galay oo la iska odhan jirey Qaybta Inigiriis ilaaliyo ee dalka Somalia iyo Qabaa’il deeday oo aan ilaa dhalashadii Qaranka Somaliyeed aan gumaysi wax heshiis ah la gelin.
Beentii Iidoor ee socotey ilaa 1961 soo af go’day waa kuwan Xamar u soo kala dhuumanaya iyaga oo socda Habar Habar.
DR: salebaan ciise Ahmed kaar ( xagletoosiye ) aad Ayaan u soo dhaweeney nabada uu u soohoye reer cayn.waxaan u rajeynaayaa siyasiinta reer sool ee jooga muqdisho in ee ku soolaabtaan dhulkooda. Eena kudayadaan. Xagletoosiye hormarkuu jawado gcayn.
@RUNSHEEG : Xaglo hadduu nabad wax katarayo ama go,aaminkaro markuu Hoggaamiyaha Noo ahaa ayuu wax katari lahaa, saa waa hadduuba cidna metelin. Bulshadda Reer Khaatumo, wax lakala qaad-qaado kaweyn, sool iyo cayn hal beel oo walaalo ah ayaa degan, lehna maamulkooda Khaatumo. Garaadada iyo Siyaasiyiinta Reer Khaatumo ee xamar jooga waxay joogaan caasimaddii dalkooda hooyo ee somalia, xamar/muqdisho. Haddaadse nabad rabtaan maxaad marinkooda umari waydeen oo aydin lahayn idin dhigay, wallee miidaamo dhega maleh hadduu malag dhawaaqaayo, Khaatumo hakasoo Farxalato arrimaha Dublo-maasiyadeed Ee ay Xalka dadkeeda kuraadinayso, hana soo dhamaato arrimaha wadanka Dowlad Qaran loogu dhisayo markaasuu waryaallaaye, haddaan inbadan Hargeysa iyo Burcadda Dulmiga lagu canqariyey Baroori kayeerin, aysanna afka furan sheekh iyo caamadda hadda dulminta iyo ku adyadoonta reer khaatumo kumidaysan iyagoo leh khaatumo lahadla. Mana Kartaan Magaca Khaatumo Kheyr Ee Haddaynaan Kutasbiixsan Waxaan Sheegaa Been ah ee maalmo isuga.
markan ciyaalka ahayn ee aan kubadda ciyaari jirnay kooxda tamarta daran markay gool dhaliyaan waxay jeclaan jirtay in ay ciyaarta ka baxaan si ay ula tagaan guul iyagoo ka cabsi qabay haddi ciyartu sii socoto in lagala noqdo guushii guul darrona la bado! xagla toosiye haduu intaas ku joojiyo siyaasadda deganka ama ta uu la lahaa somaliland waxaa inoo muuqda in uu dhaliyay goolal qurxoon oo uu billad ku hanan karo hadday tahay maxabisti la soo dayay , cidanka inyar dib u ruqansaday aagga buuhoodle , balse waxaan wadnaha farta kaga haynaa in xaglatoosiye u xumeeyo xafadooda iskuna dayo in rerka uu u afgaliyo s/land isagoo eeganaya dano hoose halkasna uu ku waayo sumcaddii mudadan dambe sii duugoobasay ee uu horay u kasbaday tallaabo kastoo uu qaado ama ha qarribnaato ama ha qumanaato eh haddaysan rer tolkii (khaatumo) kula socon waa nin tooxsi keeni karta aafo siyaasadeed
qoraagu waxan usehegaya xaaji cumar camey horta wa oday caaqilna mahan tan labaad isaaga khaatumo doortay oo saxiixay waxan hayna video waxa kalo ku sheegaya qoralada aad so qorto aad ban ula yaabay xata xagle toosiye waa kaso horjeeday marku ssc asaasay waana aqriistay waxa nasiib dara ah waxa manta u tageertay haddaba isimka iyo isimada reer buhoodle wa khaatumo state waxana cadeeyn kugu filaan garaad claahi soofe suldaanka buuhoodle iyo mdaxdhaqameedyada waa reer buhoodle waxa kalo ku sheegaya shacabka buhoodle wa ay khaatumeysanyihiin canshuurti snm iyo ssdf qaadi wayeen ayay qaada khaatumo diid ama ha diidin marka waxa ka codsanaya cadifadda inaad joojisiid iyo munafaqada haddi kale somahaa walagu qaban sida dad badan oo aan ogahay marka cago dhigo ayaa ku leeyahay camal kale yeello beel tashatay haku daaline dad badan ayaa ku akhiro seegay inay jaaiifeyaan shacabka khaatumo isku diraana shacabka buhoodle lama heshin snm silaanyo wuxu la heshay wa xaglo toosiye qura ciidanki khaatumo iyo snm waxay wali isku horfadhiyaan sooljoogto iyo maygaagle waxadan aqoon ulahayn ayaad so qoraysa marka ka fiirso ilahayna ka cabso maalinta qiyaame wa lagu waydiinaya waxayalaaha aad qoraysiid
Qoruhu wuu ku mahadsan yahay qoraalkiisa. Nabadi waa door. Xagletoosiyow reer Saaxdheer ka hano hambalyo. Dagaal kula geli mayno aan , nabadna wax naga weydii isku helimayno. Garaadyadow dhaafa xumaanta haddii kale maahmaahdii astaadhka xusuusta. Ciid mubaarak.
qoraaga waxaan odhanayaa iska hadlow ina iggare
hadaynu nabada dhalanteedka ah ee snm bixinayso ka hadalo dee awalba snm alow yaa kaa kaxeeya meeshay ku jirtay 10 km uun bayna dib u guratay oo meel fog ma aadin ta kale dee soomaaliyaa meesha maraysa oo snm riyadii yarayd waa soo xidhantay. ta keliyee xaglo toosiye guusha ku dhaliyey waa in nidaamka garowe iyo snm oo sirdoobka reer galbeedka hada ka hor u gudbiyey in xaglo uu argagixiso yahay uu xaglotoosiye intuu garowe iyo hargaysa tegay soo gubiyey sawiradii sida loogu soo dhaweeyey labada nidaam ee awal beenta ka sheegay iyadoo hada reer galbeedku ogaadeen in labadaa sidaam ay been ka sheegeen xaglotoosiye
Hadal meel waayay dheh. Erayo yar yar oo aan micno badan samayn ayuu ninkan magac beenaadka la baxay isku soo toos toosiyay. Magacani waa pernname. Rag Saleebaan markii hore lugaha gooyay markuu SSC ahaa yaa maantana lugaha goynaya. Saleebaan ha is waydiiyo. Shalay kaa jire maanta kula jire beri ??????
XAGLO TOOSIYE OO MIN HALGOOL KUTUSAY SSDF IYO SNM LABADUBA WAXAY C I A iyo am 5 AY USHEEGEEN IN IYAGA MOOYEE CIDKALE XALAAL AHAYN OO IYAGU UFATAALAAN IN GIRIIS MARAYKAN IYO AXMAAR KADIB MARKAY KUHESHIIYEEN IN LAGUBEEN ABUURTO WAA ARGAGIXISO IYO BEENABUUR MAANTA WAXAA FASHILMAY BEENTII IYO XAARAANTII ? EE EEBOOW MAHAAA OOBOOW MAHADAA EEBOOW MAHADAA WUXUUNA GOOLKAASI NOQONAYAA KOOB KII UGU HOREEYEY EE UU QAADO NIN SOMALIYED OO KADHEX BAXA QIYAAMO IYO MASIIBO DHEXDA KUGASHADAY OO BEENAALEYAALA ILAAHAYNA UMADASOMALIYED HA KAQABTO MUNAAFAQIINTA AMIIN
xagla toosiye isagaa isu shaqaynaya oo wuxuu rabay inuu reer galbeedka tuso in labadii maamul ee argagxisada ku sheegtay uu la heshiiyey FBI ayuu rabay inuu tuso proof ah in madaxda labada maamuluu la heshiiyey tan nabadana maaha nabad buuxda oo dee ciidamadu snm waxy dib u gurteen 4km oo qura hayadaha daneeya danaha soomaaliyaana cadaadis kaga yimi snm ta oo marmarsiinyo ay ku kacaan bay rabeen
heshiis iyo nabad galyo waxa ummaddiisa ama reerkiisa u keena geesiga, waxse jira waxa qudha ee xagletoosiye ka dhigi karta in uu geesi ku si foobo ee uu noqdo nin hunguri qaadayt waa haddii uu ka yeelo Siilaanyo in uu ka midnoqdo maamulkiisa aqbalana kala go’a ummadda soomaaliyeed