Xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo la Canbaareeyey (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

WARSAXAAFADEED

Canbaareyn Xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil  

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan mudanayaasha Wakiiladda cusub ee soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada puntland Gar ahaan Gobolka Mudug ayaa la sheegay in uu u xiranyahay Taliyaha Hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha DKM C/laahi Gafow Maxamuud ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixinaya shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibada.

Meelaha kulamada lagu canbaraynayo xariga mudanahaas ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Gaalkacyo oo ay isugu yimadeen  Waxgarad, Nabaddoono iyo Siyaasiyiinta gobolka Mudug kuwaasi oo si kulul uga hadlay xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo muddo toban maalmood ka badan ku xiran magaalada Muqdisho.

Nabaddoonada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Mudug waxay
sheegeen in xariga Xildhibaan Cabdi Barre ay ka dambeeyeen
masuuliyiinta sar sare ee dawladdii KMG Soomaaliya, waxayna sheegeen in aysan suurta gal noqon karin in qof mas’uul ah la iska xirto iyadoon wax dambi ah lagu heysan.

Dhamaan xubnaha kulanka maanta isugu yimid waxay sheegeen in ay
madaxda dawladda federaalka ee wakhtigoodu dhamaaday ay u dirayaan
fariin ah in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo toban maalmood in ka badan ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xubnaha isugu jiray Nabaddoonada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta isugu yimid in ay cambaareeyaan xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa kala ah.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey
Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax
Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Mudane C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) Nabaddoon Xuseen Jaamac Cismaan ( Xuseen Dayl )
Nabaddoon Maxamed Cabdi Baalle
Nabaddoon Yaasiin C/samad Cumar
Nabaddoon Cabdicasiis Yuusuf Aw-xaarin
Nabadoon Mahad Yusuf Jibriil
Nabadoon Maxamed Husen (Kuli)
Nabadoon Abdirisaq Hure
Nabadoon Abdirisaq Gabal Qariye
Shiikh Cali khaliif

Xariga Xildhibaan ayaa kusoo beegmay xiliga diyaargarowga diyaarinta mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee soomaaliya iyadoo lagu wado in soomaaliya ay yeelato dowlad qaran oo loo dhanyahay.

Soo Dire
Dr Shirwa Abdisalan Maxamud
allpuntlander@hotmail.com

___________________________________________

Sidoo kale waxaa qoraal kale Raxanreeb soo gaarsiiyey ehelada Xildhibaanka Xiran Halkaan hoose ka Akhrista Qoraalkaas
___________________________________________

Beesha reer Bicidyahan oo digniin culus u dirtay Cabdullaahi Gaafow

Ku:  Agaasimaha Ciidamada Nabadsugida DKM, Muqdishu

Ku: Ex col. Abdullahi Gafow, Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Muqdishu

Ku: Odayaasha iyo waxgaradka beesha Murursade, Muqdishu, iyo Ceelbuur

Og: Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Muqdishu

Og: Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya

Og: Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland

Og: Danjire Augustine Mahiga, UNPOS, Muqdishu

Og: Saxaafadda madaxabannaan ee Soomaalida

Shir ay jaaliyadaha beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) ee ku yeesheen teleconference iyo wada-tashi lala sameeyey odayaasha iyo waxgaradka beesha ee ku dhaqan Gaalkacyo iyo gobolka Wardheer, isla markaasna iyadoo la tixraacaayo baaq ay shalay magalaada Gaalkacyo kasoo saareen waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland. Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inuu maanta na soo gaaray warar sheegaaya in ragga aftuubka ku haysta Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil oo uu hogaamiyo Cabdullahi Gaafow ay qorsheeyeen inay khaarijaan Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil. Sidaasi darteed, waxaan halkaan kusoo bandhigaynaa fariin culus oo ku socota taliyaha Nabadsugida dawlada Shiikh Shariif:-

  1. Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in hadaan nahay beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) in maleeshiyo beeleed uu hogaamiyo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud  ay si qabiilnimo iyo xaqdarro ah u aftuubteen Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.
  2. Waxaan madaxwayne Shiik Shariif la socodsiinaynaa inuu tilaabo deg deg ah ka qaado falka guracan ee laga afduubtay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil  isla markaasna haddii uusan tilaabo cad qaadin in markaas inuu asagu mas’uul ka yahay sharafta iyo badbaadinta nolosha  Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.
  3. Waxaan beesha Murursade ee uu kasoo jeedo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud aan si cad ugu sheegaynaa inay beel ahaan iyagu qaadi doonaan wixii dil am dhaawac loo gaysto Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil
  4. Waxay beesha reer Bicidyahan balanqaadaysaa in haddii aan muddo 24 saac ah uusan Gaafow, iyo xulafadiisu aysan afduubka soo fasaxin inay markaasi beeshu qaadi doonto tilaabo ciidan oo si wayn looga wada fajaco.
  5. Sidaasi darteed, waxaan Gaafow iyo xulafadiisa la socodsiinaynaa inaysan dhayalsan digniintan culus waayo taariikhda kama dhicin mana dhici doonto in qof beeshan ka tirsan inbaad, dulmi, cago-juglayn iyo af-duub lagula kaco, waxayna beeshu qaadi doontaa tilaabo culus oo ay waajib ku tahay inay ku badbaadiso sharafta xildhibaanka la afduubtay iyo tan beelaha Puntland.
  6. Madaxwaynaha Puntland waxaan ugu baaqaynaa inuu bayaan cad kasoo saaro arinta waxashnimada ah ee lagula kacay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.
  7. Ugu danbayntii beesha reer Bicidyahan waxay la socodsiinaysaa ciidamada AMISOM, IGAD iyo xafiiska UNPOS in nabadgelyada iyo nolosha Xildhibaan Cabdibarre ay  tahay mid khatar ku sugan isla markaasna aysan maanta Muqdishu joogin ciidamo Soomaaliyeed oo dhexdhaxaad ka noqon kara nolosha shacabka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdishu isla markaasna ay Muqdishu noqotay meel dad gaar ah sheegteen.

Gudiga ilaalinta sharafta iyo karaamada beesha Reer Bicidyahan

bicidyahaninfo@hotmail.com

Share

8 Responses for “Xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo la Canbaareeyey (Sawirro)”

  1. [...] View post: Xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo la Canbaareeyey (Sawirro) [...]

  2. somali says:

    XIldhibaanka xiran iyo sida Faroole uga aamustay | xilshibaan waa la xiri karaa oo sharciga kama weyna laakiin xildhibaan aan la soo eedeyn oo hade la iska xirtay wax sharciga waafaqsan maaha.Xildhibaanku iskama xirno ee cid baa ka dambeysa xarigiisa sidaas darteed hadii Gaafoow uu inkiray inuu isaga u xiran yahay beesha xildhibaanku ka soo jeedo maxey dhan kale wax uga eegi weysay tusaale ahaan lug maku yeelan karaan madaxda dowlada puntland iyo R/Wasaare C/Weli? waxaan sidaa u oranayaa mr faroole oo ah nin jecl in uu ka soo muuqdo warbaahinta sabab kasta ha uga soo muuqdee maxey tahay sababta uu uga hadli waayey xildhibaanka xiran ee ka soo jeeda degaanada puntland?muxuuse R/Wsaare C/wali oo isagu muqdisho jooga uga hadli waayey?maxeyse xildhibaanada kale ee la soo jeeda deegaanada puntland ee lu jira barlamaaka dhexe uga hadli waayeen? aniga waxaanqabaa xildhibaanka xiran in ey lug ku leeyihiin rag ka soo jeeda degaanada puntland cidii ey doonaan ha u soo mareen oo muqdisha joogta.beesha xildhibaanka ka dhashay waxaan ugu baaqayaa ineysan beel kale oo somali ah caro kala dul dhicin ee xariga xildhibaanka haka dhigaan mid siyaasad koox ugu xiran baaraana kooxdaas cida ey tahay iyo sababta madaxada puntland u doonayaan in xildhibaanku xirnaado.

  3. ssc says:

    Waa wareey…………………………………………..?

  4. farhan says:

    cadaalad maaha in xildhibaanka cusub la dhigo xabsiga ayadoon maxkamadi xukun mudo toban casho uu gudka ku jiro, waxay lahaan cudurdaar hadii mudadu ka yar yahay 24 saac. Fadlan dawladnimada iyo caasumada umada ka wada dhexeysa yaan loo isticmaalin xiritaan shaqsiyadeed xili umada soomaliyeed uu bug cusub oo dawladnimo iftinkeeda u soo muuqdo ku meel gaarnimdana laga baxayo. Haloo soo celasho xildhibaanka xoriyadiisa si uu danta dalka iyo dadka soomaliyeed ugu shaqeeyo xilkiisana u guto. Alow dalka noo nabadi dadka xilka loo dhiibtay balse aan xilka sida saxda u gudanayna kuwa ka khayr badan noogu badal. amiin , ASW

  5. Punt lander says:

    Bismi laahi waxaan rajeynaayaa xariga xildhibaanka Abdi bare Yusuf Jiriil in uu noqdo inshallah midkii looga xoroobi lahaa Muqdisho iyo magaalo madaxnimadeeda waa xujo aan meelna la saari karin waayo xarig xildhibaan aan wax dambi ah galin waa wax laga yaabo oon dhici karin Lana garowsan karin hadey dhacdana waa meel fawdo ah, meel fawdo ahna ma noqon karto Magaalo madax, dr gaas madaxwene faroole wasiirada Puntland waa in ay ka hadlaan, shacabka waa in ay ka hadlaan waa in aad loo buunbuuniyaa waa in qoraalo Baden laga sameeyaa waa in la xiraa gaafow isna casilaa sida ugu dhaqsiimo badan, hadey dhicina arintaas waa in Muqdisho ;;; laga tashadaa, ayagoo guurguuranaayey noo imaanayaan maanta Masha Allah Puntland waxaa ku nool 4.400,000 in ka badan dhaqaalaha yaal meel kale ma yaalo oil, gas, baad leedahey Somaliya baa u baahan Puntland, Lakiin Puntland uma baahan Somaaliya.

  6. Puntland boy says:

    Arintaan markasta waa laga hadlaa hadana Waa qabyo wax badana kama fahmin , Gaafoow Xagee kakeenay Awooda lasiinayo inuu Qofxirto ? Hadiise Qofka aanan Danbi lagu soo oogin See intaa u Xiraan karaa ? Puntland Maxay uga Aamusan tahay ? Wax badan baa Qaldane See Wax ujiraan, Hadeey Arintaas Jirto Oo Shaqsi Reer Puntland Xamar laisaga Heysto Xabsi Waa in Puntland Soodeysaa Shaqsigaa Dulmiga lagu Haysto Magdhowna looga Qadaa Waxii xoriyadiisa Ku Cayaaray , Viva Puntland & Soomaalia

  7. Kabo-weyne says:

    Aad ayaan uga xumahay xariga Xildhibaan Cabdi-barre Yuusuf Jibriil. Soomaaliyeey wax baan idiin sheegi arrinka Ex. Col. Cabdullahi Gaafow waa marka horee ayaan ummadda aan waxba galabsan loo dhibaateyn !! mana qabo inay Beesha uu ka soo jeedaa wax ka qaban karto ILLAAH oo ka soo daaya ma ahaa. Cabdullaahi Gaafow waxaan idiin sheegayaa inuu ka mid yahay dhowr nin ama shaqsi oo aqoon, Reer magaalanimo ( Heer Magaal) iyo masuuliyad maamul ugu noolaa magaalada muqdisho oo loo tirinayey inay wax kala garan karaan ama ay dadka indhahooda yihiin . Balse nasiib darro dadkii mooryaanta iyo reer baadiyaha ahaa ee magaalooyinka ku soo qamaamey ayay indho u noqdeen oo ay madax u yihiin dad iyo diinyaba ku laayaan waxna ku dhacaan ? Tusaale : markii dowladii AUN madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo R/wasaare Cali Maxamed Geedi la soo dhisay oo weli ayadoo aan muqdisho soo cagadhigan ayaa waxaa loo magacaabey Taliyaha Waxaada Socdaalka iyo Jinsiyadaha , Waaxdaan oo ahayd mid uu hore uga shaqeyn jiray waxaa dhacdey markii muqdisho loo soo guurey inuu Guri uu dego ka ijaartey Degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Kaasa-bobalaare dhinaca African Vilage, Gurigaas waxaa iska lahaa nin ganacsade soomaaliyeed oo la yiraahdo Maxamud Khaliif Shire oo waqtigii dowladu dhacdey ka soo qaxay balse mudooyinkaan danbe ku laabtey Muqdisho. Col. Gaafow muddo dheer oo ilaa ardeynimadiisa ahayd ayuu u yaqaaney odayga iyo Qoyskiisa. intaas ka dib Gurigii mudo ayuu deganaa asagoo waqtiyadii dhex uu joojiyey ama bixin waayey kiradii ama ijaarkii guriga , odaygii wuu baryey oo adeerow iiga bax guriga lacag ijaarna kaama rabee ii banee ayuu ku yiri anigaa ku noolaanayee. Oday Maxamud Khaliif iyo ilmahiisii wax u sare kaceen inay Gurigii dayac tiraan oo ay ku noolaadaan ileyn xoogaa nabad la mood ah ayaa soo iftiin taye ama soo baxdaye. wiil uu dhalay oday Maxamud Khaliif oo la yiraahdo Cabdixakiim Maxamud Khaliif kuna noolaa Qurbaha muddo 30 ka badan ayaa Aabihiis Muqdisho ugu tegay si uu u soo booqdo Gurigana wax uga dayac tiro, maalmo markii uu joogay ayaa waxaa u yimid dabley hubaysan waxayna ku yiraahdeen guriga ijaar ka bixi ama canshuurtii dhulka (“Koodhi , qaraamaad, madax-furasho”= waxaan laga qaadaa qofka aan u dhalan dhulka markaas uu joogo ), wuxuu ugu jawaabey war orda iga taga balse qadar rabi lama celin karee waxay ku toogteen goobtii asagoo Aabihiis arkayo. Dableydii dilka geysateyna waxay ahaayeen Askarkii ama Wiilaashii guriga deganaan jirey oo ilaalin jirey xiligii Col. Gaafow uu deganaa. waana ku cadahay inuu ka danbeeyey dilka wiilakaas AUN Cabdixakiim Maxamud Khaliif oo waxay ka qaban karaan Ugaaska iyo Odayaasha murursade midna ma jirto. ee waxaan ku talin lahaa maxkamad Caalami ah in loo gudbiyo lana soo taago Col. Gaafow iyo raga la midka ah sida taliyaha nabadsugida oo asagu ka danbeeya dilalka qorshesan ee loo geysanayo dadka wax garadka ah waana howl uu ku jiray laga soo bilaabi Usc ilaa maxaakiimta.

  8. kaalkacayo says:

    dadakaan xamar laga ilaalinayo ayaan la yaabanahay walee wax bay qodayaan dadkaasi ayagoo qaxaya ayay 22 sano marna joogeen puntland marna kasii gudbayeen waa nasiib daro dadkuu la rabay in ay isu keenaan dadka oo waxay sameeyeen ka xaal mariyaan ayaa wali wadaan caqli xumadii lagu ogaa iyagaa ka shalayn doona dulmiga waa bilaaabaan waana ku ba,aan hadhow

Leave a Reply