Xasan Abshir Faarax: Markaan Arkay Rag Beeshayda ah oo U Sharaxan Madaxweyne Ayaan Anigana Goostay Inaan Isu Sharaxo Gudoomiyaha Barlamaanka
Muqdisho (RBC) Siyaasiga Xasan Abshir Faarax oo dhowaan sheegay inuu u tartamayo jagada madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta markale ku dhawaaqay inuu ka baxay doonista Madaxweynanimada balse uu rabo inuu u tartamo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
“Mudanayaal iyo marwooyin markii hore waxaan idiin sheegay inaan ahay musharax madaxweyne ummada Soomaaliyeed, laakiin markaan arkay in rag beeshayda ahi ay u tartamayaan jagada madaxweynaha waxaan aniguna goostay inaan isu sharaxo jagada afhayeenka baarlamaanka.” sidaasi waxaa shirkii baarlamaanka ee maanta kaga dhawaaqay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo sheegay inuu hadda kadib yahay musharax afhayeenka baarlamaanka.
Xasan Abshir wuxuu sheegay inaysan suurtagal ahayn in isaga iyo musharax kale oo ay isku beel yihiin ay xilka madaxweynaha wada doonaan, taasi bedelkeedana uu ka doorbiday inuu u tartamo jagada afhayeenka baarlamaanka.
Wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeyn doono baarlamaan mideysan oo shuruucda dalka ilaaliya kana hortaga caddaalad darrada, sida uu ku sheegay khudbadiisii uu maanta ka jeediyey kulankii baarlamaanka ee ka dhacay xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Sida hadda muuqata tirada musharixiinta afhayeenka baarlamaanka waxay gaarayaan illaa lix (6) musharax kadib markii uu tanaasulay Prof C/risaaq Cismaan Juriile oo sida uu sheegay tartanka uga baxay rag kale oo isaga kaga haboon, sida uu yiri [Akhri Juriile oo tanaasulay].
Bishan horaanteeda ayuu Xasan Abshir magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, waxaana shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku dalbaday in musharixiinta kale ee beesha Daarood ay isaga u tanaasulaan, sida uu ku sheegay shirkiisii hore [Halkan ka akhri isa sharixidii Xasan Abshir].
Inkastoo uu Xasan sheegay in sababta uu uga baxay tartanka madaxweynaha inay tahay kadib markii rag beeshiisa ay tartanka soo galeen, ayaa waxaa haddana xusid mudan in tartanka jagada afhayeenka baarlamaanka ee uu maanta u soo wareegtay ay ku jiraan sidoo kale rag ay isku beel yihiin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Viva Prof Cali Khaliif Galeydh Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda inshalah
waryaa khaatumaawi ma waxaa tahy dadka laga tirada badan yahy oo ==== kaga yaal meesha sayntu kaga taal geela caadifad badnidaa mise waa ku qaraabataa ====s xb nin ===== ah is ka dhig iska caadifada hoose buuhoodle taleex xudun iiyo sool oo lagu la dagy ayaad nagu wareerisay nagdaa caadifada mise reerbaadiye ayaad tahy oo geel jire ah oo ah qabyaalad miiran ah kala caday intaas adoo mahadsan kkkkkkkkkkkkkkkkkk
Xasan abshir “”"Markii mid aan isku qabiil nahay uu madaxweyne isu soo sharaxay. anigana waxaan isu sharaxay gudoomiyaha parlamaanka” marka aniga iyo ina adeerkey na wada doorta aan idin xukunee “”"
Waxaas buu ka hor yiri 211 xildhibaan
Waa iska YALAXOOW kale
Galeydh yaa dooranay, ma cid indhala baa meesha joogta, Virus baa ku jira Galeydh siyaasadana waa ku saasaqay
xasan abshir iyo galayr waxkale meesha uma joogaane waa bahdil iyo ceebayn beelwaynta ====, kursiga uu shariif sakiin quursaday inaad adoo ===ah naf ka raadisid waa liidnimo
waaa arin wanaagsan waxaana rajaynayaa in uu ku soo baxo jawaari ama qof kale oo ka soo jeeda beesha [[[[[ ama ;;;;;;;;;;;; waa han ka yar hanka [[[[[[[ cali khaliifna waxaan ileeyahay isaga tanaasul jagadaaaaa yaaaaaaaaaaaaakh
cali khaliif saado cali baa dhaanta inta cali khaliiif aad gudoomiyaha la rabto saado cali u codee
War Xasan Abshir waa iska guulwade walluusan waxba u soo kordhinayn e ee Dr, Cali Khaliif Galaydh buu xaasidayaa, oo is leeyahay ka ciidee waa la hubaa inuusan cidna cod ka helayn,
adeer xasan ma kula taliyaa ha isku dayin inaad ======= cadkooda ka ciidaysid ,sharaf ka tanaasul musharaxnimadaada si aadan sumcad xumo ugu dhex noolaan.Aloow gun hanaga dhigin aamiin dheh adeer.
Ina Abshir Isku dhexyaac ayaa kamuuqda,Jihaddii ayaa ka luntay, waana sababta uusan u arkaynin Galaydh iyo Xidig Oo labaduba musharax ah Beel ahaanna ay is xigaan. Waxaa uqurux badan, isagoo sabab kale sheegta. Viva Prof. Cali Khaliif Galaydh, Guulayso Idanka alle.
nimanka cali baba galaydh viva ku haya hays daalina hamiga ””’ ka weyn gudoomiye barlaman,waxaan leeyahay viva gaas iyo farmajo halyeeyada ======.
Qoofii ay daacad ka tahay islaanimada iyo soomaalinimda WAA OGYAHAY MARXALADA LAGU JIROO IN Cali Galayr cdaalada intii karaankiisa ah fulinkara waraaabayaal badan oo baqti sugayaall aah ayaa soo noolaandoonoo hadii shaqsi aan ahayn Cali khliif la doorto kuwaasoo ku caan baxay qaswadayaal hadii uu sshaqsigaas ka horyimadana dagaalka iyyo nabadiidnimada halkii ka sii wadi doona
war xasan abshir waa miskiin daciif ah usaga iyo cali khaliif maanta somalia waxaa fara mroorsaday beel keliya nimanka dabadhilafyada ah ee cali khaliif iyo xasan abshir ´dadka ka fariista ayan leenahay hadan nahay shacabka somaliyeed ee xalaasha ah .
waxaa ay tariikhdu xuseysaa prof .juurile waa nin karameed karti iyo aqoon isku darsaday waxaan leeyahay noolow juurile sida aad cadquureedka u diiday
Hayooooy imaanlaawe
Warlord weeye waa qaabqaable dagaal
Jaamacadee ka soo baxay ?????? Kk
Waa muuse suudi yalaxoow iyo danyare waa culufadisii dadkaas buug madow ayaa somaliya lagu qoray.
Go GO GO prof cali khalig geleydh hopeful speaker
21 sano ayuu jaamacad marakeyanka dhigayey
Mida labaad dad reer pintiland ah ayaa halkan profka ku aflagadeeya hadaad iniku xishoonweydaan wiilasha aad abtiga u tihiin ee galeyr dhalay ayaa leyni soo dirayaa haynila caytameene ilaa dumar ayaad tihiine pintiland
Sida guska Galeyr inii galay ayaa siyaasadiisuna inii galaysaa kkkkkkkkkk.
Viva khaatumo state viva somaliya
xasan abshir caqligii ===== madaxwaynaha aniga udoomiyaha baarlamanka aniga raysulwasaraha ani wax kasta aniga soomaaliyee udaaya
Cali iyo xasan abshirba horey ayey u fashilmeen sidaas darteed labadooduba hana dhaafaan
cali yio xasan abshirba wey fashilmeen sidaasdarteed hayna dhaafaan looma baahnee
huhaa
asc, musharixiinta gudoonka baarlamaanku markay qudbadahooda jeedinayeen nin walba waxa uu qabanayo sheegay ,laakiin XASAN ABSHIR waxa uu sheeegay in uu xilka gudoomiyaha baarlamaanka isu soo taagay markuu arkay rag beeshiisa ah oo usharaxan xilka madaxweyne nimada ,markaa miyaanay rag beeshiisa ah usharaxnayn xilka gudoomiyaha baarlamaanka ,XASAN ABSHIR waxa uu baarlamaanka kahor cadeeyay inuuu yahay murashax ku xumaynaya DR CALI KHALIIF GALAYDH , FAROOLENA dabada ka soo cabeeyay ,CEEBTIIS MAHA EE WAA CAADADII in XASAN ABSHIR uu marwalaba jagada DR GALAYDH isu sootaago inuu yiraahdo ana musharax ayaan ahay ,horayna uu ugu fashilmay hadana wuu fashilmi doonaa ODAY XASAN.
aflagaadada inta iska deysaan wuxuu waa tartan kii alle ku guuleeyo ayaana soo baxaya maaha wax uu qof kuu hayo ee allaa haya taas ogaada iska daaya aflagaadada madaxweyne buu u sharaxan yahay nin aan isku reer nahay oo hadaad barlamaanka ku guuleysato soow ina adeerkaa waayi maayo madaxweyne ujeedada cadee xasanoow warka shaaca ka qaad faroole ayaad u hiilineysaa jurilihii uu watey c/weli waa baryey waana ka aqbaley adna wiilka aad adeerka utahay uga deg oo siyaasada inta iska deyso dhankii ciidamada aad ahaan jirtey u beyr siyaad ayaa kaa wareeriyee.
alla dadku maxay wareereen dunidaan,
Xasan Abshir ma aha nin xishooda.
Waar ninkan yaa la taliya. Isaga oo da’ ayuu ku darsaday xin qooq.
Yaa rabbi salaaamah
Xasan abshir wuxu yiri xamar anaa abuuray markaa anaa kuwan uga xaqleh cajiib!!!!!!!!
Oday xasan inta faankii ka batay buu ilaaway in taariikhda muqdisho in ay qorantahay.
xasanow xamar caasimadii boqortooyadii soomaliyeed ee ajuuraan bayahayd 700 ka hor pershiyanka ka horeeyey ooy ka caydhsadeen.
ugaasyadii hiraab baa ajuuraana ka dhaxlay. boqortooyadii cumaan baa ku xigtay talyaaniguna waa kala wareegay dhismihiii ugu badnaana waa ka dhisay inkastoon ladafiri karin qalcadihii ajuuraan iyo daarihii carabta..
adigu dameeraha juuni dabada lagaga xidho baad keentey taasina dameerihii bay bawaasiir ku keentay kkkkkkkkk
faroole ood ilmadeer 4aad tihiin baad ushaqaynaysaa soomalina waxay dhahdaa warlaqabaa xiiso maleh.
KKK Waxa hore loo yidhi ilawshiiyo dhawaa ma nxcxxxxxxxx.Beeshii madaxda ka ahyd dawladii soomali aakhiro iyo iftiinba seejisay ayaa maanta marlabaad doonaysa in ay somali dab galiso walee hadaad madaxwayne ka noqotaan somaliya in beesh sheekh shariif iyo sheekh sakiin ay ibna gumeed bilaa damiira yihiin.Sidaan Anigu qabaana waxa ay tahay beesha faroole barlamanka ha la siiyo,beesha sheekh shariifna madaxwaynaha,beesha Shariif sakiina raysalwasaaraha.waa hadii la rabo in ay nabadi dhacdo.kolay waa gacan ku rimis a mar hadaad masaabiirtii iyo wajiyo xuntiiba meesha isugu keenteen,
dameeraha ayuu u naxariisab jiray waa nin naxariis badan wjigiisa bal fiiraya war xamar oo xamar ah intaan aysan dagaaladu bur burin ayuu duqa ka haa kudar xisaabta dhisideedana wxa buu kala lahaa taariikhda xooga hadaa ka hayso hasoo koobin buug wayn ayaa xaafada ii yaala baalkiisa labo qof ayaa lagu rogaa marka la rogayo see kaa noqotay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk