Xasan Abshir: Waxaan Ahay Musharax Madaxweyne, Waxaana Ka Codsanayaa Musharixiinta Beesha Daarood In Aniga La Ii Tanaasulo
Muqdisho (RBC) Xasan Abshir Faarax oo sanadkii 2003 mar raysul wasaare ka noqday dawladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa galabta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqayinuu u sharaxan yahay tartanka madaxtinimada dalka ee doorashada dhacaysa bishan 20keeda.
Xasan Abshir oo shir jaraa’id ku shaaciyey musharaxnimadiisa ayaa sheegay inuu goostay inuuxilkamadaxweynaha u tartamo kadib markii, sida uu sheegay uu arki waayey cid ka damqaneysa dhibaatada heysata Soomaalida.
“Waxaan u taaganahay inaan dalka, dadka iyo qaranka ku hogaamiyo nolol iyo nabad, waxaana ballanqaadayaa haddii talada wadanka la ii doorto inaan dhaqaale idinka rabin” ayuu yiri Xasan Abshir oo sidoo kale wasiir ka noqday DKMG ah iyo maamul goboleedka Puntland.
Wuxuu Xasan sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay masuulwadani ahoo daacadnimo ugu adeega dalka sibuu yiri, loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed ee labaatanka sano ku jiray dhibaatada qaarkoodna qaaradaha adduunka qoxootiga ku noqday.
Xasan Abshir wuxuu kaloo ka hadlay tirada faraha badan ee musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Soomaaliya gaar ahaan kuwa beesha Daarood ee ku jira tartanka.
“Waxaan ka codanayaa musharixiinta kale ee beesha Daarood inay aniga ii tanaasulaan markan. Hadey diidaana waxaanleeyahay soo dhowaada wiilal iyo gabdho inta isa soo sharaxday”ayuu soo jeediyey musharax Xasan Abshir Faarax.
Xasan wuxuu noqonayaa musharixii 32aad ee shaaciya inuu ka qeybgalayo tartanka madaxtinimada doorashada lagu wado inay dhacdo bishan Agoosto 20keeda. Waxaana sidoo kale shalay musharaxnimadiisa ku dhawaaqay raysul wasaarihii hore ee DKMG Cali Maxamed Geedi oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Tartanka madaxtinimada wadanka ayaa maalin kasta waxaa ku sii biiraya dad hor leh iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay tirada sii kororto.
Dhanka kale waxay musharixiintu dadaal ugu jiraan sidii uu mid waliba u soo dhoweysan lahaa xildhibaanada ku guuleysta liiska baarlamaanka cusub, maadaama baarlamaanka uu yahay kan dooranaya madaxweynaha, sidaasi darted ayaa maalin kasta waxay musharixiintu mashquul ku yihiin la kulmida odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada la xaqiijiyey inay heleen kuraasta baarlamaanka cusub.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View article: Xasan Abshir: Waxaan Ahay Musharax Madaxweyne, Waxaana Ka Codsanayaa Musharixiinta Beesha Daarood In… [...]
faroole waa in uu tageeraa xasan abshir iska dayaa gaas wayo gaas waa ninkii shalay u yeertay —- iyo —- oo had iyo jeer u diiday —- garoowe in ey taliyaan iyodoo —- garoowe tan iyo ssdf ey daba socodeen —- gaas iyo dadgaalkii sogeeye ee galkacayo oo ey rer garoowe kaalin mugwayn kulahayeey iyo —- gaas oo aan wax abaal ah u galin —– garoowe —- gaas dad iyo jeer waxay jeceliyihiin in uu fashimo mamulka faroole shalay markii dagaalkii garsoor ee sokeeye dhacay rer gaas tv-yada waxay ka lahayeen garsoor iyo israac waa walaalo ee garoowey naga dhex bax
bala ku dagtay war kana manoolaa adeer yaan lugugu qosline waad qarsoonayde qarsoonida ayaad ku qurux badantahay
ee xubin baarlaman xataa heli maysid ee oradoo rabigaa u cibaadayso oo masaajidka kal aakhiral cumri ayaad maraysaaye
Xasan Abshir soo dhawoow, waana ku taageereynaa, waayo waa hubaa inaad wax cusub ku soo kordhineyso siyaasada. Waxaad horay Soomaaliya, weliba Muqdisho ugu soo kordhisay in daameerada wasaqeeya bilicda magaalada danbiil dabada loogu xiro, si aysan ugu saxaroon wadooyinka Muqdhdisho
Arrintaas waxay mid muujineyso inaad tahay nin wax abuuri kara, oo wax ka fekeri kara, waxna keeni kara, waayo marna ma dhicin in fikirkaas qof Somaali ah keeno. Waa hubaal inaad Siyaasada Somalia wax badan ku soo kordhineyso.
kkkkkkkkkkkkk ahmed maxaa tirih boowe faroole hee bal iigu celi allah maxa doqon aduunka joogta war adiguna ma abuurantaheey oo cuqdad baa kugu jirta orod xasbahale ariga ku raaco habaryaheey aduun garoowe baa ka taqanaa ,faroole iyo ============ .faroole garsoor ma tagi karaa xabad baa ============ adiga iyo isagaba.
….,kkk Dadbaa u qaba inay rag badan oo isi soo sharraxaya ka dhab tahay.
Rag Ninkaan iyo Geediyo leh waa aalad musharraxiinta qabiilkooda ah u adeegaysa. Waxaa hagaya qabyaalad iyo ganacsi wada socda. Waxay rabaan inay codka iyo labada ay baarlamaanka ka helaan musharraxa qabiilkooda ka iibiyaan. Waaba hadii ay ka helaan e . Ayaguba way ogyihiin in aysan ciduna dooraneyn ee meesha waxaa ugu jira ganacsi iyo habarteey habarteey.
Maadaama ay horay siyaasada ugu soo jireen, waxay quud darreynayaan armaad mid aad bari abaal ku laheyd cod ka heshaa deedtana hal dhagax laba shimbirood ku dishaa ( Musharraxa qabiilkaagaa codka sii, lacagna ka qaado).
Hadii aad u fiirsato musharrixiinta, ugu yaraan kala bar baa Shariif ku hayb ah. Dadkaas ay Shariif isku haybta yihiin ee is sharraxaya waa dad uu Shariif ka safay lacagtii uu xaday si ay xildhibaanno asaga ugu soo iibshaan ayagoo musharrixiin iska dhigaya.
Ina Abshir kuwiisaas inuu dhexboodo un buu hada isu soo sharraxay oo uu isna sida Geedi ku nasiibsado bal inuu dhagaxiisa labo shimbirood u dilo ( Waaba haday helaane).
Jj
kaas axmed qortay. waa run garsoor iyo israac waa walaalo dagaalkaas sokeeyana waa laga heshiiyey mana haboona inaa ku halqabsato waxyaabaha xunxun ee aad sheegayso. tan kale xasan abshir iyo gaas inaa dagaalsiiso maaha. meeshaan waa somaliya qofkii ilaahay xilka u doorana waa qabanayaa. ta kale faroole pl buu hada xukumaaye maxaa taageeradiisu dadka kaga duwan tahay. ruuxa qayb ahaan daarood xubintiisa qabanayana daarood isimadiisa wax garadkiisa bay u taalaa. illaahay ruux daacada somali xukunka ha ugu dhiibo…
Mansha allah xasaan abshir farax wa muwadin somaliyeed o in badan siyasada ku sojiray xaqna wa uleeyah inu is sharaxo lkn waxaa ficnaan lahayd inu wiilka u adeerka u yahay u daayo sikastay ahataba labaduba wa wiilasheeni dadka yaryarka ahna oo caytamayana haiska dawadeen raga tartamaya hadikale ha is sharaxeen
Anigu uma codeey leheeyn xiligan nin reer Pintland ah….sababto ah, siyaasiyiinta Pintland waa laga dharag sanyahay wadaniyad nimadooda……waa in eey janis siiyaan Musharaxiinta kale ee darod…….
is jiid jiid meelna lagu ma gaarayo….intaad wax kharibi kartaan kharibteen…..Dowladii aan hor muudka ka eheeyn baad bur-bur u hor seedeen kam dibna cadow ku soo hogamiseen marka waa inaad xoogaa Nasataan oo sumcad abuurataan, wadaniyad nimana la timaadaan
hadii aad diidaan in aad taageertaan idinkana la idan taageeri mahayo, marka sheekado waa ijiid aan ku jiidee………
Waxaan u codeeynayaa Musharax reer jubaland ah ama Khaatumo.
Farmaajo haloo codeeyo…hana la taageero…..pintland hadeey u codeeyn waayaan maanta , anaguna uma codeeyneeyno bari hadeey cod na weeydiistaan…….Nin kaligii meel gaari kara ma jira
iskaashi….Midnimo iyo isku tanaazul ayaa xukun lagu hantaa ee aan isjiidno meel nama geeyneeyso waxaan marqaati ii ah 20 sano ee lasoo dhaafay xaalada dalka seey ku sineed.
xasankaafi abshir waa nin adag oo hal abuur leh. lkn maxaa xiligaan ka hadalsiiyay mawaxuu arka inaan garoowe cidi ka sharaxnayn
Axmed Allaha ku cafiyo meesha lo dartamayo iyo mesha tagan tahay jahilnimadada ka tarjumeysa garowe garowe kuye wa waxa puntland hoosta dhigay e Allaha ku cafimadiyo gaasna adiga u horeyey inta garowe joogta inta micr u qadato ha tagerina dheh
War ninkaan soo midkii NIIC niicda u hadli jirey maaha ? Lol
War adeer waa nawaalay ee bal noo kaadi Orod haddaad wax qaban karto Tuuladii Caasimadda la idiinka dhigay dadka Daaroidka ah oo daily lagu laynayo
Mooryaantiinna ka qabo. Damn
Ma daaroodbaa dhintay marka adiga lagaa dhigay madaxwayne? Lol
@Axmadoow ilaahay ka cabso, intaad is leedahay laguma arkyo ogoo in ilaahii ku uuntay uu ku daalacanayo.
kkkkkkkkkkkkkkkkkalamaxaa kabash kabash iyo iyo marba masgaraato la soo xidhay dawacaa tidhi walee reer aan ogahay ma guuro
AAR LIBAAX HADALKAAN DHIHI LAHAA ADAA DHAMEEYSTIRAY
Hassan soodhawow waxbaad soo kordhin kartaa dadkii baa u baahan in dabada laga xiro iskadaa dameerihii lkn waxaan umaleynayaa in aadan adigu wax Rabin ee aad Ali mahmed geedi u buusaysed siyaasiyiinta darood ee tartamaya
Inuu iska amusay eheyd
Darawalkii Siyaad Barre —- adeer xitaa mayorka garowe ma is taahishid . cidna wax kugu fali maysee. iska seexo
hhhhhhhhhhhhhhh/war odayaga soo dhoweye oo doorta waayo wa cimri bal mar madaxwayne ka dhi odayaga meesha darood waainaad doortaa odayga o kursiga ku fariisasaa sababta ah waaa taan ku fariisanay cabdilaahi dorood.isaq waa tay ku fariisiyeen ina cigaal.inaga hadii aan nahay wa inaa ku fariisa xasan abshir oadyag mar madaxa wayne/thank u
ASC, dhamaantiin qaasataan Raxanreeb Media oo dadka u saamaxday bal in eey rayigooda iyo caqligooda meeshaan keenanan. Xasan Abshir aniga walow uu oday Somaliyeed yahay misana waxaan xasuustaa siduu uu Abdiqaasim oo nin jilicsan ahaa oo siyaasad faashil ah oo aad u qaab daran ku dhaqmay, waxaan xasuustii markii Nairobi inta la geeystay si fiican baalasha looga rifay waxuu ahaa Xasan Abshir ninkii Ra’iisal wasaaraha u ahaa Abdiqaasim, waxuuna xasan abshir raacay oo uu qabiil ahaan hoosta uga galay Marxuumkii Cabdulaahi Yusuf, madaxweeynihii hore, allaha u naxariistee. Marka, Xasan Abshir waa qabiiliista Xamar u yimid danaha qabiilkiisa, taasna ma xuma waa hadii uu xubin baarlamaan oo dadkiisa matalaayo ahaanayo, laakiin Madaxweeyne iyo Ra’iisal wasaare waa shaqo qaran oo loo baahan yahay nin maslaxada umada dhamaanteed oo eey ku jiraan reerkiisa iyo Somali oo dhan ka shaqeeynayo. Marka uma qalmo asaga iyo cid alaale cid ka timid bintiland, maadaama dadkaan eey ka waantoobi karin qabiilkooda. Saas Somaliyeey ogaada. Farmaajo, Abdikariin Jaamac (Wasiirkii warfaafinta ee teamka Farmaajo) iyo dad badan ayaa laga helayaa beesha, dadkaasoo ah dad runtii nadiif ah, oo aan aniga dooran lahaa. Labadeeyda kumi waa kaas. Thanks
Xasan Abshir ma wuxuu doonayaa madaxweyne Daarood mise madaxweyne Soomaaliyeed?
Shariif muxuu doonayaa madaxweyne ]]]]]]]]]]] mise soomaaliyeed ?
aarlibaax_3 bal haday ============= ka celin karaan xasan abshir madexweyne janadana waad ka celin lahayd ogoow xasan abshir ============= …..lol
Sc and Rabadaanu kariim,
Aduunooow xaalka ba ma xasan a warabe baa yiri madaxwenaan rabaa
Waxaan maqli jirey Aabow ariga ma raaci karee geela ii dira.
HASAN waqtigii siyaad Barre NA waa la yaqaaney booska uu ku jirey
Iyo magacyada uu lahaa markii uu yimi 1990 garowena tuu ku sameyey
Mahamed Abshir hamaan, Waa la ogaa
2008kii markuu Puntland fAroole kula tartameyna waa la ogaa.
Hassan Abshir faarah waraabe garoonow adeer alaha ku
Dhowro iska fariiso xildhibaan ma istaahishid ,
Reer Puntlandta dhexe qabyaalad iyo hadal niic ah soo kama dhamaato?
Odeygaan cimriga ku jira wuxuu doonayaa madaxweynanimo wuxuuna ku doonayaa qabyaalad.
Wuxuu yiri Daaroodoow booska ha la ii daayo, bal ma Daarood kaliyaa Dalka iskaleh, mise dadka kale dugaag buu u arkaa? Muu yiraahdo soomaaliyeey bal maanta aniga kursiga ha la igu sharfo Ileen sidaasaa u dhaami laheyde.
Mida kale odeygaan 90ka sano soo noolaa ma hada markuu dan yeeshay buu soo xasuustay in Daarood la isku yahay? Hadii maanta la waydiiyo, Xasanoow aan ku dooranee Sagaashankii sano (90) oo aad nooleyd hal arrin oo aad Daarood ku biirisay ma jirtaa? Indhuhuu ka mirigmirig siinayaa.
Allow Yaa dhaha sheegashada aad Daarood ku qaraabanaysid iska daa adiga iyo Puntlandta dhexe iyo tan fogba. Dhulka ma kala aqaane Puntlandta dhexe iyo tan fog waxaan ka wadaa laga bilaabo xaafada Israac, Gaalkacyo ilaa Boosaaso.
Xassan Abshir Faarax.
Qalbi adakaa oo samir la`aa.Wali ma maamul buu u ciil qabaa.21 sano buu M.S.Bare qashin la qasanayey.War ka bax meesha damiir laawe yahoow.
Wax dambe soomaali kugu aaminimayso.Waxaadna istaahishaa in maxkamad deg-deg lagu saaro.
Xasan abshir waa siyasiga ugu ricorka fiican dhanka sumcada waana uu istaahilaa madax wayne waayo waa muwaadinka kali ah ee maanta musharaxiinta ku jira ee waxuu qabtay wali muuqdaan lakiin nasiib daro intiinan afkaarta dhiibanaysa waxaad u badantii labo qaybood qayb bililiqa ku kor ah oo laga yaabo inaydan waxaan reer hebel iska celi ahayn aqoon iyo qayb qabta kansar waayadan somalida qaar haleelay oo layiraaho puntland tariikhda ayaa dadkan lagu kala yaqaan waana nasiib daro wayn inay maanta caayan xasan abshir mooryaantii wadooyinkuu hagajiyay haleeayay waxaan maqli jiray xasadkaa xumaantana waa kugu caayaa wanaagana kuuma quuro qolada kastuumo waxaan u sheegayaa inaysan dhaafayn waxay ahaan jireen oo ahayd madiidin reerod runta yaan laga fogaan hadaan hooyadin dhaga adkayn nama dhasiigteene inaynu isku dhiig nahay waxbaa nooga kiin dhimane siyaasiyiinta somaliyeed ee aan ahayn kuwa qaba kansarka puntland ee tartanka ka qaybgalaya waan soo dhawan lakin farmaajo iyo c/karin kastuumo state ogaada inaydan istaahilin waxaad ku hamiyaysan taageeradayduna waa dr gaas guul iyo gobanimo
KU.Suul Cawro.
Miskiinyahoow xog badan baa kaa maqan.Waxa kaa maqanna waxaa ka mida oo adan la socon 4.5.
Four point five-na xiligaan ma heli karaan jagada madaxweynaha ama RW.Insha Allaah hala gaaro marka la qaban doono wood (vote) loo wada dhan yahay.
xasan dacas ma noolaa
xasan hadii uu oday wayn oo gaboobay yahay meesha wax looga heli karaa waa puntland ee garoowe geeya oo faroole waxaad ku dhahdaan af hayeen hakuu noqdo jagadaas ayaa banaanayd oo ay sheegayeen ciduye
meel kale wax looga raadinkaraa marto
Xasan Abshir waa ruugcadaa,siyaasi ah ee ha loo codeeyo,maxaa yeeley,ma’aha tuugada dalka iyo dadka gadanaysa iyagoon,bilaba haysan xukunka,balse waxaan oran lahaa waa xilligii dhalinyarada ee dhalinta cuslaatay ha baneeyeen booska,kkkkkkkkkkk