Xasan Daahir Aweys oo Markale Ku Baaqay Dagaal Ka Dhan ah DKMG ah
Baraawe (RBC) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabadda Ciida oo uu kaga qeybgalay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ku baaqay in la sii wado dagaalka ka dhanka ah DKMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka jooga.
Xasan Daahir ayaa hadalkan ka sheegay fagaare ku yaala degmada Baraawe oo salaadii Ciida ay kula tukadeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in hadda la joogo waqtigii la laba laabi lahaa dagaalka lana sii xoojin lahaa weerarada uu sheegay in lagu qaadayo goobaha ay joogaan wax uu ku sheegay “cadawga ummada”.
Sheekh Xasan Daahir wuxuu dadweynaha ku nool deegaanada ay ka taliso Al-Shabaab ka codsaday inay gacan ku siiyaan dagaalka isagoo qabiiladana ka codsaday inay dhalinyaro keenaan si ay ugu dagaalamaan Al-Shabaab. Wuxuu aad u dhaliilay dadka ka niyadjabay dagaalka ee u heysta in Al-Shabaab ay jabtay, sida uu yiri.
Baaqa dagaalka ee uu jeediyey Xasan Daahir wuxuu ku soo aaday sanaakan iyadoo Al-Shabaab laga saaray degmooyin iyo gobolo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay sanado ka hor wada maamuli jireen.
Munaasabado kale oo Ciidul Fidriga loogu dabaaldegay ayaa ka dhacay degmooyinka Marka, Kismaayo, Baardheere, Jowhar iyo Buuloburde halkaasoo saraakiisha Al-Shabaab khudbado ka jeediyeen iyagoo ku baaqay in dagaalka la xoojiyo.
RBC Radio











Daahir Aweysow doqon baad tahoo duni u laabneyne
Dagaal oogenimo waa waxaad u dibjireysaaye
Waa waxa dadkaagii ku dhalay uga dideysaaye
Oo dulinimada aad diinta u khaladaane
Doofaar ma daahiro oo adiga iyo Daahir kala dheere
Duliyahow dagaal kumaadan galin ceelashii biyahee
Waa adigii sidii duufaan xaagaa dafta sii yidhiye
Iminkana inaad dagaal baafintiis dad ugu yeedheyso
Waa wax aan dani ugu jirin dhalinta diifeysan
Ee idinkuba dagaalkaad diideysaan dhalinta ka daaya
Waligey ma gabyin laakiin tixdan Yar waxaan u tiriyey dagaal ooge Aweys iyo horjoogayaasha al shaydan shabab oo marka dagaal dhacana dhuumanaya sidii haweenka hadhowna ku baaqaya dagaalo horleh marka lasaaray oo dhalinyarada raba iney gaashaan ka dhigtaan