Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo Saaka Lagu Toogtay Garowe Iyo Hawlgalo Magaalada Ka Socda (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Dabley aan la sheegin heybtooda ayaa saaka bartamaha magaalada Garowe ku toogatay xildhibaan C/Salaam Sheekh Maxamuud oo ku magac dheeraa “Xildhibaan Sheybe” oo ka soo jeeda gobolka Bari.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Sheybe waxaa abaare 6:00 subaxnimo labo nin oo bastoolado ku hubueysnaa ku toogteen agagaarka masjidka Waalideyn oo ku yaalla xaafada 1-da Agoosto ee bartamaha Garowe halkaasoo uu marxuumka salaadii subax ku soo tukaday.  Goob joogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in ragii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kadib markii dilka ay geysteen inkastoo waqti maalin ah oo qorraxdu soo jeeday uu dilku dhacay.

Ciidamada amaanka magaalada Garowe ayaa saaka wada hawlgal baaritaan ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilka geystay oo weli la aaminsan yahay inaysan ka bixin magaalada Garowe dhexdeeda.

Lama oga sababta dilkan maalinimada loogu geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland iyadoo xusid mudan tahay in halka uu ka dhacay ay tahay bartamaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland oo masuuliyiinta amaanka horey u sheegeen in hub ka dhigis lagu sameeyay dadka isla markaana cida hubeysan ay tahay kaliya ciidamada maamulka.

Waa kuma C/Salaam Sheybe?

Allah ha u naxariistee Xildhibaan C/qSalaam Sheybe wuxuu baarlamaanka Puntland ku jiray mudo lix sanadood ah, isagoo ka mid noqday guddiyo dhowr ah oo baarlamaanku yeeshay.

Marxuumka wuxuu la dhashay gabyaaga caanka ah Allah ha u naxariistee Khaliif Sheekh Maxamuud oo gabayada Soomaalida si weyn loogu yaqaano.  Buug ku saabsan taariikhda iyo suugaantii Khaliif Sheekh Maxamuud ayuu dhowaan soo saaray marxuumka hadda la dilay, kaasoo uu si faahfaahsan kaga waramay taariikhda walaalkiis.

Sida dadka yaqaana u sheegeen Raxanreeb, marxuum C/Salaam Sheybe wuxuu ahaa nin degan oo aan hadal badneyn, aadna ugu dheeraa culuumta Islaamka iyo Quraanka.

Doodii kululeyd ee dhowaan ka dhacday baarlamaanka Puntland ee lagu dhaliilay siyaasadda maamulka Puntland ee ku wajahan gobolka Sool, wuxuu marxuum C/Salaam Sheybe ka mid ahaa mudanayaashii aadka uga qeybqaatay.  Dghowr jeerna si cad ayuu kulamo uga sheegay in dadka reer Sool la dayacay.

Allah ha u naxariistee C/Salaam Sheybe wuxuu deganaa magaalada Boosaaso. Wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo tobaneeyo carruur ah.

Dilkan ayaa noqonayaa kii labaad oo labo bilood gudahood ka dhaca magaalada Garowe.  Bishii hore ayay ahaydmarkii Garowe lagu dilay taliye ku xigeenkii hore ee booliska Puntland Col Nadalo, Sidoo kale Waxaa toddobaadkii hore weerar iskuday dil ka badbaaday labo wariye oo ka tirsan idaacadda Daljir.

Dhamaan dilalka ka dhacay Garowe iyo weerarka fashilmay ee wariyaashu ka badbaadeen ma jirto illaa hadda cid loo soo qabtay, xitaa hay’adaha amaanka Garowe kama hadlin.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

27 Responses for “Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo Saaka Lagu Toogtay Garowe Iyo Hawlgalo Magaalada Ka Socda (Faahfaahin)”

  1. Yaazir says:

    Inna Lilaahi wa inna ileyhi raajucun Illaahey ha u naxariisto Marxumka dhintay asagaba nasiib leh oo asago sooman la dilay kuwi dilayna illaahey idin so saar oo dadka ka dhex muuqda …subxaana laaah , familyki iyo qaraabadi iyo azxaabti uu ka dhintayna samir iyo iiman allaha siiyo marxuunka

  2. Afwalinji dr tagsiile ayaa ka danbeeya dilalka ka dhaca tuulada garoowe oo leg xaafad ka mid ah laascanood.
    Waa fal laga naxo runtii waana siyaasad dr tagsiile ku khaarajinayo dadka farta ku fuuqaya siyaasadiisa fashilmatay.

    Hore waxaa bartamaha tuulada garoowe loogu dilay taliye kuxigeenkii policeka col nadalo oo runta u sheegay dr tagsiile in uu faraha kala baxo degaanada khaatumo state arintii ka dhacday tukaraq habeenimadii ayaa la dilay.
    Waa mission uu ka danbeeyo dr tagsiile afwalinje. Waa spoiler( qaswade) waa burcad pirate.

    War tuulada garowe dadka ku nool waa la yaqanaa waana labo xaafadood wadajir iyo barxada. Afwalinje ayaa ka danbeeya dilalka lagula kaco. Bal ha la dilo kuwa taageera isaga maxaa loo dilaa kuwa ka soo horjeesta siyaasadiisa jar iska tuurka ah

  3. waa udhamaatay baqtiland iyo qudhunkodii, tuladii garoowe wataa dharar cad dadka lagu dilayo,kkkkkkkkkkkk, garowe waa laba xaafadood hadana waxay leeyihiin cidii dishay lama qaban,kkkkkkkkkk

  4. Amina says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajacuun,ilaah ha u naxariisto C/qaadir Sh Maxamud samir iyo iimaana haynaga siiyo dhamaan ehelkiisii oo dhan aamiin,waxan u tacsiyeeynayaa xaaskiisii Xaawo ciro iyo gabadheeda ismihaan Khaliif uuna adeerka u ahaa iyo dhamaan caruurtii oo dhan.

  5. Wiil-mudug says:

    Faroole iyo wiilashiisa ayaa dadka Puntland dhameeyay runtii, taasna waa mid cad, tuulada garoowe hadiiba dadkii lagu dilayo maxaad moodaa Magaalooyinka ka waaweyn, war waxaan waa ku fashilmay sugida amniga ee jagada haka dago, Road Map buu niyada iskugu dhisayaa meeshuu ka yimidna barqadii baa la isku qalanayaa. Adeerow Amaanka dadkaa masuulka u tahay sug, koley wax kale qaban mayside.

  6. alle ha u naxaristo marxum sheebe shiikh mohamud oo aha ruug caada siyaasi ah dalkisa iyo daadkisana wax badan u qabtay umada Reer Puntland na samir iyo iman alle haka siyo inkasto Garowe tahay magalo qabiil balse waxan sugnaba wa ninki dilay inkasto wararku ay shegayan in ninmanki dilka geystay ay kaso jedan isla magalada walina ku sugan yahin hadise la keni wayo wa iska cadi mid ama waasir ama xildhiban aya la Cuni dona daadkuna si fican bay isku yaqanin tarikhdana way qoran tahay nin walba meeshi kaga jiro balse ciidanka puntland howsha ay wadan ee baritanka ah wan so dhooweyneyna

  7. EYL says:

    alle ya arxamu raximin jaanadi fardowsa alle haka warabiyo daadki dhibka geystayna alle umda haka so qabto dowladana howshas xilweyn ha iska sarto awal bay reerku wax badan tabanayen oo ay ul boocle
    ku tukubayene waxa la shegaya maleeshiyo beeled garowe kuso wajahan alle sidi khyr haka dhigo dowlada howlaha socda il gaar ah haku hayso xilweyna ha iska sarto

  8. dhab ahaantii aad ayay u dhacdaa falka nocaan ookale ah waxana lugu dilaa masuuliyiin aad bulshada dhex deeda oga muuqda mana ahan garoowe oo kaliya inta puntland ka taliso waa lugu layaa dadka misna wax lagama qabto ha,yada amaanku waxad modaa in ay ayadu ka dambayso dilaalka qarkood waayo kama hadasho waxna kama qabato

  9. Cade yare says:

    Magaca marxuumka iska saxa waa c/salaam sh.Maxmud .
    Allah u naxaristo xildhibaan sheebe.

  10. Khaatumo says:

    Asc ale haw naxariisto marxuunka aamiin aamiin samir iyo iimaana haksiiyo ehelkii iyo qaraabadii uukatagay aamiin aamiin anaga ale hanoogadaba naxariisto aamiin aamiin

  11. muuse says:

    Garoowe waa lagu jiraa ee la hurgufo.

  12. Sayid cumar says:

    Ascw
    ina lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.allaha uu naxariisto marxuum sheebe sh.maxamuud

  13. mohamud egal says:

    INNAA LILLAAHI WA INAA ILLAAHI RAAJICUUN.ALLE HA U NAXARIISTO MR ABDULQADIR SH MOHAMUD XAASKII IYO CARRUURTII IYO EHELEDIINA SAMIR IYO IIMAAN ALLE HA KA SIIYO AAMMIIN.

  14. NINA says:

    ilaahay haw naxariisto marxuumka
    @khaatumo state magacaad sidato yaa kuu siiyay fasax inaada wax ku caydo oo aadan xataa tacsida ixtiraamin isma lihi inaad reer khaatumo tahaye magaca noo dhig adeer

  15. mohaa says:

    Inaa ilaahi wanaa ilaah raajicuun allaha u naxariistee marxuun Sheebe oo runti ahaa bulshda halboowladeeda ee reer puntland.wxa mooda in la ciribtirayo dhamaan wxgaradka oo la bartilmamsanayo guud ahaan dalka somalia. taasoo keentay in maalin cad lagu dilo puntland iyo waliba meelo xaafado kooban ah sida Garoowe oo kle. laamaha amaanka ayn mid oranayaa hdi faroole uu maanta jeebka idin buuxiyo ogada birito idinka ayaa nila hayaa oo waa wareegto.hdi aan nahay bulshda reer puntland nagama dhadhaceyso garoowe oo aan naqaan inta ay ka goobantahay malin cad aya wax lugu dilikaraa ,faroole masiibo umada loosoo diray ayaa ku dhex noqotay kadag xilka xabaalaha lagu kee wa bil soone bulshda rer puntland waa ku karaahsadeen

  16. Runsheeg says:

    Allah u naxariisto Marxuumka Bisha barkeysan lagu diley oo ay dileen koox abaabulan ee uu horseedka ka yahey ninka ======== isku dhiibey Faroole iyo wiilashiisa iyo Dhoolawaa ayaa ka danbeyey dilka qorsheysan ee lagula beegasanyo dadka aan waxba galabsan waataa dhamtey Puntland oo ay isku rogtey Warta dhiiga Land dhamaan shacbka somaliyaeed waa iney u tafa xeytan sida loo qaban lahaa meesha ay qabiilka maamulo oo dadka kale waxba aan loo ogaleen

  17. Puntland. Boy says:

    Inaa lilaahi wa inaa raajicuun Ilaahey janadii ha geeyo sheebe Waxuu dumaalay oo caruur badan u dhashay xaskii uu ka geeriyooday halyeygii Qaliif Alaha unaxariistee waa Ina (Ciro)oo markaa wada tay gabar uu dhalay Halyeygii Qaliif janadii alaha geeyee ,waxaa dishay gacan ka xaqdaran Aamiin Aamiin, Samir & Imaana alaha kasiiyo Xaaskii & caruurtii uu ka tagay , Sheebe si fiican baan u aqaanaa Waxuu ku dhashay Qardho Aabibiina nin caanuu ahaa Shiiq maxamuud . Sheebe waxuu ahaa nin ehelu diina jecelna wanaaga & walaal nimada, Raxanreeb tariiqdaa ka qorteen Marxuumka wax yaalo badan baa ka qaldan sida xiliga uu ku biiray Puntland Parliament & Buuga laga qorayo Halyeeygii ladhashay alaha unaxariistee Qaliif, Parlamanka waxuu ku biriiray xiligii la aasassey Puntland 14 sano kahor Buugana waala wadaa howshiisa oo ninkalaa wada dagan (Agosta Ga Usa) Puntland Raga amaanka Qaabilsan Hadeydaan Sooqaban Raga sheebe ku maqan yahay Xilka iska casila waa Garowe police & nss labada Hadiiba ragii Qiimaha lahaa ladilayo Maalin cad oo waliba lagu Dilayo capital citygii , Walala yaaloow Xilka dhiiba Balaa yadu maahan shaar la gashtee , Viva Puntland & Soomaalia

  18. Samsam says:

    horta marka Shariif uu xanaaqoba maxuu dil uga dhacaa Puntland? cajiib!

  19. Khaatumaawi says:

    Faroole wuu dhameeyey reer Pintland Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa iminka ka amni xun Xamar iyo Baydhaba waar doqonkan iimaan laawaha ah meesha ka qaada inta afarta aqoonyahan ee nool uunan ayagana khaarajin

  20. waa xildhibaankii 6aad ee ladilo intii faroole says:

    Dilkan qorshaysan maaha mid ka yimi qolyihii lagu tuhmi jiray …waa mid uu ka danbeeyo maamulka jooga…liiska raga ku jira waxaa ka mida xildhibaano kale oo wali lala sugayo bil ama laba danbe.
    Waa laga dharagsan yahay in ragii xasaanada dawalda hayay ay noqdaan hal qalafle habeenba mid la yiraahdo waa ladilay tacsina loo soo mariyo hawada …adeer colka galay ee waxa laynayaa waa mid leh awood aan lagu baarayn cidii ka danbaysay.
    ogooow saddex Eelay ah bay dusha ka saarayaan hada oo loo qabanayaa ama reer koonfureed.
    Ruwaayad aan cidna tikidkeeda rabin inay daawato ayuu jilayaa faroole iyo ciyaalkiisu.

  21. zack-london says:

    Ninkaan Faroole Garoowe ayuu sugi waaye amaankeeda……markaa maxaa laga sugayaa…Ninkaan hala casilo………..aad iyo aaad uga naxey dilkii ,ilaah ha u naxariisto C/qaadir Sh Maxamud samir iyo imaan ilaahey ha ka siiyo Family ga…………………..Faroole hala rido Faroole hala Rido

  22. cali says:

    Ruunti waxan Caaqli gal ahen tuulada yar ninki dilka geystay malinta Caad lama yaqan wa shactiro dilku wuxu aha mid qorsheysan sababto ah isbedelada so socda aya loga baqsana inu wax iftimiyo hase ahate mudo 14sano ah ay puntlandi jirtay inta qof oo tuulada garowe daad lagu dilay xisaab maleh hadana waxad wax ku fahmaysa nin kaso jeeda tuulada garowe oo lagu dilay ma jirto Amase lagu dhawacay daadka kaaso jeeda Bari Mudug Sool Sanaag Hayland intaaso kaliya maxa lo baartil mamedsada oo daadka garowe ku abtirsada iyaga naaftoda lo save gareya wa in u caqligu shaqeya daadkuna wax fahma mahadsanidin inti ila fikir ah thanks

  23. B Jameeco says:

    Ilahay ha u naxariisto Shaybe inta aan indhaha iskuhayno Dilkaan qorshaysan o somalidii lagu dhameeay xirfad iyo aqoon ma u waayeen Mas-uuliyiinta u xilsaara amiga. Kahortagga iyo maamulka qatarta aaan ka liidanaa
    IIlaahow nasii masuuliyiin xirfad sare lehkuwaana na dhafi

  24. Mus kismayood says:

    Inaa lilaahi wa inaa ilaah raajacuun, alah u naxaristo abti shaybe sh maxamud saciid fay dhamanaanteedn samir iyo amaan alaha naga siyo, isaga janadii fardowsa ahayd alaha ka waraabiyo amiin.

  25. Canbaradegen says:

    Sc Rabadaanu kariim
    Samir jamiila dhamaan reer khlaaif iyo xaaska iyo Caruurta
    Saaxibayaasha ,nafkastaa wey dhadhamin mowdka
    Waxaase liibaney axad sooman Oo gacan ka xaqdarani Dishey
    Maxaa mas’uuliyiinta aan reer garooowe aheyn loo layaa??
    Sheybe Waxaa lawada leeyahay waxii diley waa layaqaan
    Yaan la waayin,,hadii kale ceebtaas dowladaa yeelAn!

  26. Moxamed says:

    Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun…Allaha u naxariisto shaybe ummadda soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka iyo dawladda puntland , iyo ehelkiisaba sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo,,, aamiin

  27. ali says:

    Nina xataa ka qaylisay kan Khaatumo isku sheega ah, horaan idiinku sheegay dadkan in badan oo waxaa ka mid ah cadaw iskusii diraya oo doqontoodhan goortaa kaba kashleynayaan. qofka islaamka ah dhiigiisu maaha wax isku tuurtuur gala iyo dhayalsi iyo ciyaar ciyaar ee dadka qaarkii waa ramadaane haka fogaadaan. tan labaad marxuumkan allaha u naxariisto waxaanna ilaahay uga baryayaa inuu ilaahay ka xoreeyo cadaabtiisa, jannadiisana ugu bishaareeyo. ASC.

Leave a Reply