Xildhibaan Waqaa: Odoyaasha Dhaqanka Ee Baarlamaanka Cusub Laga Sugayo Waxaa Ku Jira Odoyaal Al-Shabaab Ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo haatan lagu howlanyahay soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya eedeeyo loosoo jeedinayo qaabka loo soo xulayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud C/laahi Weheliye Waqaa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah odoyaasha soo xulaya mudanayaasha baarlamaanka in ay yihiin kuwo Al-Shabaab ah.

“odoyaasha dhaqanka ee haatran ku howlan soo xulida baarlamaanka qaarkood ayaa ka tirsan kooxda Al-Shabaab, siday xildhibaano u soo xuli karaan marka Al-Shabaab, waa arin layaab leh” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Waqaa.

Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku eedeeyay Ugaas Cabdi Daahir oo haatan matalaya ugaaska Beesha Cayr in uu yahay Al-Shabaab rasmi ah haatana anaanan loo dayn Karin talada umada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in Beesha uu ka soo jeedo Ugaas Cabdiu Daahir in ay tashatay oo ay ka soo horjeesatay ninkaas isla markaana ay isku raaceen in ninkaasi uusan xiligaan matali Karin beesha.

Maxamuud C/laahi Weheliye Waqaa ayaa mudooyinkaanba wuxuu dadaal badan uu ugu jiray inuu ka soo midnoqdo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, laakiin waxaa la sheegay in uu arintaasi uu ku guul dareestay.

Waxaana Qaylo dhaanta Xildhibaan Waqaa ay timid ka dib markii Ugaas  Cabdi Daahir uu gudbiyay liis uu ugu horeeyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, isla markaana uu gabi ahaanba liistaan uu iska dhexwaayay.

Ugaas Cabdi Daahir waxaa loogu yeeraa Ugaaska dhanka siyaasada ee Beesha Cayr, haatana wuxuu ku jiraa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Ugaaska howlahaan ka hor wuxuu si aad ah ugu dhowaa Xasan Daahir Aways oo haatan ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa ku soo daray odoyaasha dhaqanka oo Muqdisho kaga yeeray wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud kaasi.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

6 Responses for “Xildhibaan Waqaa: Odoyaasha Dhaqanka Ee Baarlamaanka Cusub Laga Sugayo Waxaa Ku Jira Odoyaal Al-Shabaab Ah”

  1. [...] View the original here: Xildhibaan Waqaa: Odoyaasha Dhaqanka Ee Baarlamaanka Cusub Laga Sugayo Waxaa Ku Jira Odoyaal Al-Shab… [...]

  2. Cadaado says:

    ASC, walow aan aqoon u laheeyn ninka meeshan magaciisa ku qoran ee waqaa, hadana waxeey ila tahay in uu doqon adoon ah yahay oo aan fahamsaneeyn siyaasada iyo waxeey tahay, iyo in dadka aad matasho iyo waliba dhamaan shacabka Soomaliyeed loo adeego. Tuugyahaw, xildhibaana uma qalantida faashil baad tahaye iska aamus, oo ugaaskaaga ka xishoo iyo Wasiirka beeshaada matalo hadii eey wax soo xulayaan. Waa in dadka Soomaliyeed fahmaan, in nimankan xildhibaanadii hore iyo waliba siyaasiyiin isku sheega eeysan runtii u ordeeyn in eey reer ama Somali guud wax u qabtaan, ee waa danahooda shaqsi. Laakiin, Soomalida runta iskuma sheegto waana daciifnimo in aadan dhihi karin nin ama gabar, ama so called siyaasi/xildhibaan reerkaada ah ood u jeedo in uusan wax dan ah dadka u wadin, waa daciifnimo/dulinimo in aadan dhihi karin, get the fuck out of here, you piece of shit. marka meeshaas waa meesha nalaga galay, Somaliyeey, yacni, in aan adooman u nahay qabiilka uu qofkasta ka dhashay. Bye now.

  3. abdulkadir says:

    SCW X-XILDHIBAAN WAAQAA SXB WADANKA WAX KADHIS HADAA WAX SOOBARATAY WADANKA WAA UU KUUBAAHAN YAHAY WALI LAAKIIN HADAADAN WAXBARAN OOD MOORYAANIMO KUJOOHTAY MEESHA WAA LAGA TAGAY WARKAAS EE FURDADA U XAMAALTAG
    JAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAW

  4. Puntland boy says:

    Soomaalia waxay u baahan tahay Revolution Sidii jano iyo raxmo alaha siiyee Halyeeyadii Soomaalida (SYL) Wahadii Wadan keenii Hooyo Aan Rabno inaan badbaadino , Shabaab & Musuq maasuq, Shabaab kan dukaanka gadaya waa iyaga , Kan Guriga dhisaya , Kaba caseeyaha , Ganacsadaha , Xildhibaan ku sheega ,Kabdhaha kuwa Labana maanta guursada laba kalana beri fura, Madaxda qayb kamida, Waa xisbi sidii shuuciga ama Istaaliin ninkii la oran jiray Madaxda u ahaa, Qofkii aan
    Xisbigaa ku jirin waala dilayaa, Xagee lagu arkay Qof masaajid Salaadii subax kutukaday Kabacdina Quraan Aqrisi galay Oo Markii uu kasoo baxay masaajidkii Dhexda lagu Dilayo , Soowtaan Meesha masaajidka loo maro laga ilaalin jiray in waxlagu tuuro , Ufiirsada waxay dilaan Qofba qofkuu ka fiican yahay oo waxaa umalysaa in lagula dar daarmay Inta Wax gara neysa dhameeya Sidii Istaaliin , Soomaliyey Nimaankaa waxay rabaan Soomali inta kahartay Ineey Israaciyaan ,Musuq maasuqu waa uwada jeednaa waxuu na dhaxal sii yay , Waa qabyaalad waxaana isticmaala Qofmarkaas Raba inuu wax dhaco Oo wax isdaba mariyo Waa waxa Marwalba Qofba qofkuu ka Liito Rabo inuu nahogaamiyo, Maxaa nalooleeyahay Qabyaalad wax ku qaybsada? Waxaa la og yahay waa meesha Soomaligu ugu Nugul yahay, Imasaa Qofood oo fiicanbaa taqaanaa Hadana aan rabin ineey Siyaasada galaan Diidana ineey dhexboodaan Qashinka meesha lagu hayo & Reebhebel IWM, Waa nahay qabiilo lakiin maahan inaan Kadhigto Shaar & Surwaal, Musuq maasuqu waa layareeynkaraa amaba waa lasuulin karaa Hadii nin danleh oo Raba Xoolo Umad masaakiina inuu dhaco Adiga kaa dhigto jaranjaro isagoo ama Iyadoo ree hebela, Hadal & Dhamaad Soomaliyeey Kafogaado Qabyaalad Si aan u helno Madaxfiican Oo Qofwalboow run ka sheeg Kankugu jira oo Aan Wadaniga aheyn Ama Tuugana ah, Viva Puntland & Soomaalia

  5. kkkk MA SUU U QEYLINAYEY bey u bixiyeen WAQAA,, WAQAA, mayee QALAAD hadaad doonto, LAAKIIN sxb QOFKII la doonaba hala geeyo meesha ee ADIGA QAAB xildhibaan ma lihid WAX JAGO ahna UMA QALANTID, haduu UGAASKU yahey ALSHABAAB adna waxaad aheyd ISBAARIISTE, marka sow ALSHABAAB TOOBA KEENEY KUMA DHAAMO, tan kale ALSHABAAB waa laga tooba keenaa sida SHARIIFKA, laakiin ISBAARO lagama tooba keeno sida M,DHEERE.

  6. muuse says:

    WAA XAYWAAN, nin markuu kursi waayey ugaaskiisa ku leh wa argagixiso. yaab

Leave a Reply