Xilliga KMG Ah Oo Dhamaaday Iyo Baarlamaanka Cusub Oo Maanta La Dhaarin Doono
Muqdisho [Radio RBC] Waxa saacadaha soo socda lagu wadaa in dugsiga tabbobarka ciidamada General Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ee Muqdisho uu ku furmo kulanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Guddiga Farsamada ee soo xulaya xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in maanta la dhaarin doono ilaa 225 xubnood oo ka mid noqon doono baarlamaanka cusub.
Kulanka maanta sidoo kale waxa looga dhawaaqi doonaa xiliga ay dhaceyso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa xigeennadiisa. Iyo xitaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxa ay xubnaha baarlamaanka ku dooran doonaan shir guddoon kaas oo noqon doona qofka ugu da’da weyn oo ah nin General ah oo jira da’da ilaa 73-sanno.
Guddiga farsamada ayaa sheegay in xubnaha dhiman dhawaan la soo dhameestiri doono.
Magaalada Muqdisho waxa ka socda olalihii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxtinimada, taasoo dhaceysa marka la soo dhameestiri doono xubnaha baarlamaanka kaddibna la doorto guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.,
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxana lagu arkayaa saaka magaalada ciidamo Boolis ah, oo ku sugan wadooyinka muhiim ah ee magaalada Muqdisho.
Wixii warar ah oo ku aadan kulanka baarlamaanka ay maanta yeelanayaan waxa aad had iyo jeer kala socon kortaan Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











generaalkaas armuu noqdaa muuse xassan wa malahayga.
Garaad Pintland isagaa ku xad gudbay magacii iyo sharaftii garaad lahaa.Waayo garaadnimada waajibkeeda ma uu mariyo.Sababtoo ah waxuu la coloobay ummadihii ay Aabihiis iyo awoowayaashiis ay garaadada u ahaan jireen oo ah dadka reer puntland.Garaad dile cidna maanta garaad uma tihid.U noqo garaad Cali Khaliif iyo Shariif Jawhar