Xisbiga Tala wadaag ee Puntland oo Baaq soo Saaray
Baaq
Gudoomiyaha Xisbiga Tala Wadaag ee Puntland
Maxamed Cilmi
Xisbiga Talo Wadaag ee Puntland ayaa wuxuu soo saaray baaq ka kooban dhowr qodob oo uu kaga hadlayo xaalada deegaanada Puntland iyo maamulka Faroole.
Qodobada uu soo saaray xisbigaan ayaa waxay u qornaayeen sida tan
1. waxaan canbaareynaynaa degmooyinka gobalka Bari ee sida xaqdarada ah lagu baabi’iyay .
2. waan ku baaqaynaa in shacabka Puntland ay ka dhiidhiyaan qabyaalada iyo sharci darada ka socota magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
3. waxaan ku baaqaynaa in la sameeyo banaanbax looga soo horjeedo qorshaha Faroole uu ku doonayo in uu Halsano uu ku sii darsado xukunkiisa.
4. waxaan ugu baaqaynaa ardayda jaamacadaha, iskuulada, ururada haeyna, culumo udiinka, inay sameeyaan kacdoon isbadal doon ah, oo la mid ah kii Maser ka dhacay, kaa oo lagula dagaalamayo, eexda, musuqmaasuqa, boobka hantida ama ku taadlaynta, isimada, saxaafada, iyo siyaasiyiinta lagu xir xiro maalin walba xaqdarada.
5. waxaan cadaynayaa in baarlamaanka Puntland waqtigiisu uu ku egyahay bisha Tobanaad ee sanadkaan, dowladana ay ku egtahay, 1/1/2013. cidii wax ka badashaa iyada ayaa qaadanaysa mas’uuliyada wuxuu ka yimaadaa.
Waxa uu ku soo adayaa baaqaan iyadoo deegaanada maamulka Puntland ay isaga carareen siyaasiyiin, suxufiyiin, iyo aqoonyahano badan kuwaasi oo ka baxsaday maamulka Puntland.
Baaqaan ayaa waxaa ku saxiixnaa oo soo saaray gudoomiyaha Xisbiga Tala wadaag ee Puntland, Maxamed Cilmi.
Raxanreeb
Muqdisho Soomaaliya













slaam all .
ar belo. Puntland ma muqdisho baa laga xukuma mise Garowe. Puntland se maka jiraan Xisbiyo siyaasadeed oo sharci ah. intu ba waa maya. go,aan ama baaq ka soo baxay meel aan ahayn Garowe oo aanan soo marin labada gole ogayn kama socodo.
baqaan wuxuu ka midyahay sida ay uga go,antahay cadowga Puntland in laburburiyo Dowlada puntland maxamed cilmi iyo siyaasiyiin badana waxay ka midyihiin toolska loo isticmalayo si ay uga hadlaan ama ficil u mujiyaan . ma dhici kartaa inay jiraan dadbadan oo ku dabo gabanayaa ninkaan xisbiga shegayaa. haa waa 100% sure. marka waxaan oranlahaa dadka reer puntland waa mid waxna looma yeriyo iyaga isku filan garowena iyaga ka dhigta caasimad wixii kadhexayana iyaga dhamaysanayaa. siyaasi caada qaate ah boos ugama banaana. waa sida aan qabo aniga. firkirkaga. waad mahasanitiin raxanreeb.com my favorite web.
[...] Originally posted here: Xisbiga Tala wadaag ee Puntland oo Baaq soo Saaray [...]
kkkkkkkkk
War ninyahow balaa ku sidata, max’ed walaal meeshadii minneapolis baad ku fiicnayd, Faroole doqonimaa ku haysaa dalka wuxuu ka yahay waxaadan adiga iyo xisbigaaga midna ka ahayn, waayo wuu soo kifaaxay, sax iyo khaladna waa leeyahay waliba waxaa lagu ammaanaa inuu yahay nin ka soo dhalaalay xilkii loo dhiibtay.
Marka intaad iska timaado inaad hanjabaad ku bilowday adigoo aan waxba ku sheeganayn ummadda shar iyo khayr midna waxay muujinayso un inuu yahaynin mas’uul ah oo ay ciyaal suuq xagxagnayaan, kuwa ciyaal suuqa ah aad hoos joogto ee muqdisho kula jooga ee muuse cali jaamac iyo tuugo kale oo aan ognahay inay ku qaraabtaan masaakiinta adigoo kala ahna waxba ummadda uma hayaan, maeka ninyahow dadka walaalaha nabad habeen ku kala seexdaan ee ha isku dirina beestayn ma gooysaane.
Faroole ceeb kasta oo uu leeyahay adiga iyo kuwa kula socda ee isku magacaabay is-bedl doonka uga roon dadka iyo dalkaba, marka been maanta laysuma sheegi karo, yaan lagu khaldan, waa iga talo.
ninkan waa maan gaab waana mid caqli aahn u liita haduu isbedel iyo wxa ka badalan wxaa meesha ka jira hayo muu la yimaado puntlan inta xamar uu la wareegayo puntlan garoowe kaliya maaha waa balaarantahy mid waa ku sax sanyahy rakaab xumada faroole iyo doonida biyaha berkeda garoowe ku jira lagu wado ee uu wxa mayaaanka faroole naakhuudaha ka yahay runtii doonidaa siyaasad xumada la ciir ciiraysa wxaa dajiyay faroole kaliya maaha waa dhamaan umada wxa garadka ka ah ee reer puntlan kuwaasoo faraha ka laabtay waxaa ka socda meesha wadanka siyaasad xumo wxay keentay maahee wxa kale kama jiraan awalna kama jirin waa mida kowaad kalsoonida oo aad u yarayd mudadii danbe beelaha puntland ay ku qabeen wxii wxay horay u wada samaysteen markii hore hadaan taas faah faahsho mxaa iska badalay wxaii lagu wada heshiiyay wxaan oran karaa wxaa ka muuqatay meesha in cid gaara ay say doonto ka yeesho ama talada ay gacanta iskaga hayso iskuna babadsho sida wxa boqortooya ku salaysan oo kale wxaan tusaale u soo qaadanayaa maamulkii kan ka horeeyay ee cade madaxda ka ahaa wxaa muuqday wxayaalo ofka indheer garadka ah qoyaasi karo kuwaasoo markaas bilow ahaa ama soo socday in ay kalsoonidu soo yaraanaysay dhanka beelaha dhexdood ah hase maamulku watigaaas jiray ee cade madxda ka ahaa uu runtii si fiican arikaas uga foojignaaday ama soyaasadii ugu fiicnayd ka ciyaarty taasoo oo uu ku saleeyay maamulkii wxqtigaas dabacsanaan wayn oo dhanka beelaha ama dhanka odayaal dhaqameedka am isimada oo kaalinta ugu wayn ku lahaa puntald ama aan oran karo waaba dastuurka ama marjaca kaliya ay tiirka u ah jiritaanka puntland runtii siyaasadas maamulkii kan ka horeeyay uu la dhqmay intuu xilka hayay wxaan orankaraa waa tan badbaadisay wxa hada muuqda kalsoonidii yarayd mxaa iska badalay markii maamulkan fashilmay meesha ka bilaamay wxaan oran karaa faroole wxaa heshay aqoondari ama xog ogaalnimada oo saabsan wxii ka jiray meesha taas oo asal u noqotay dhamaaan wxa hada muuqda oo daldalllooyinka ah wxuu laaly ama fududeeyay xoogaagii kalsoonida ahaa ee ku tukubaysay ulaha booca ah in ay isla markiiba meesha ka bxado mxaa wcay arinkaas wxaa dhuntay ama uusan xil iska saarin maamulkii cusbaa kaalintii waynayd ee oda dhaqameedyada oo ahyd dunta isu haysay beelaha runtiina inta nool am intii dhimatay wxay ahaayeen geesiyaal guul dhaliyay iyo indheer garadnimo ay wax fahmeen oo caligoodu sameeyay taas markay dhcday mxaa xigay wxay asal u noqotay dhibaatooyin markaas sababay wxa dadku ay hada arkaan ama nin walba meel saarayo intaas wxaaa xigay dadkii meesha yimid shaqsi ahaan waa sidee golaha wasiirada golaha baarlamaanka faalisada ah haayada fulinta ama madaxtooyada cusbayd xiligaas tusaale faroole waa ni caynkee ah waa nin aad moodo sida uu wxa u arkay markan sidii ugu xumayd ee wxa loo hago ama wxa loo kharbudo ani kama hadli karo haduu kas ama aqoondari u samaynayo wxa yaabaha qaar socda ama horay u dhacay markay dhuntay xiriirkii odayaal dhaqameedka mxaa fududaaday in nin walba uu meeshuu soo gaaro wxa ka bilaabo haday cida xilka qabatay noqoto iyo bulshada inteeda kale ama hadan si kale u dhoho beelihii intii kale ama
bulshada dhankeeda wxaa dhuntay dantii guud iyo wxii loo socaday oo la hiigsanay mudo dheer wxay noqoaty nin walbow dantaada iyo gurigaag dib ugu noqo ilay waa lama huraan dhulkaaga hooyo kkkkkkkk runtii wxaa muuqda oo dhan wxaa sal u ah sida ay u dhaqantay dowladii cusbayd ee faroole madxawaynaha ka noqday wxaa walba ka dhsheen xiriirkii wxa garadka iyo maamulka markuu meesha ka baxay maxaa yeelay wxa garadku am odayaal dhaqameedku waa tooshka ay wxa ku arki jirtay dowladihii soo maray puntlan tooshii hadii la damiyay mxaa dhcay in maamulka faroole uu qudcur indha ku cadeeyay isagoo waliba isku dayay in uu si andha adayg ah uu uu mugdigaas wxa uga arko waana socdaa mugdigii weli oky sidee tooshii dib loogu daari karaa ani wxaan oran lahaa waa adagtahy markaan ku xisaabtano wxaa jira
War heedhe oday faroole dadkii sow kan qaarna xir xiray waxna carareen, ma washay duqu ?,muxuu ka damcay mesha? ma wuxuu rabaa inaan gacan bira wax kaga qabano ? Haduu sii wado qaabxumadan Reer mudug ayaa lawareegaya mesha taladeeda wayo marjaca p/l loola noqdo waa mudug .
kaasi baaq baaha ee waa hadal xanbaarsan cadowtooyo iyo waxash nimo forole hadii aanu ku kacno xagee u guurnaa soo adiga oo kale nagama horeeyo waxa aad ku baaqayso iyo waxa aad kadigayso bal isku eeg adiga ayaaba wada dhib qabiil iyo dagaal sokeeye baaq nabadeed sida loo qoro soo baro
Dr mursal runta hadaaan kuu sheego Faroole punt land waa baabiyey, hadaad uhaysato inay jirto punt land waa riyoonaysaa meesha maalinkasta laysku dilaayo maanta Xamar baa ka nabad gel yo fiican Cilmi baaqiisa waa soo dhowaynaynaa, waxaana ka hadlay xqiiqada Iyo cadaalad darada meesha ka jirta.
maxamed cilmi xisbigii starbucks ee fadhi ku dirir miyaad xamar moodaa markaa ka soo qaylinayso =========== ===== yaan la gu eryinee hadii kale xamar waa lagugu dilayaa sababtoo ah reerkii faroole uu ka dhashay ayaa jooga xamar ee… is ilaali waxaa lagugu xukumay dil sidii salemaan rushdi ]]]]]]]][[[[[ ogow is ilaali…..
Asc.
Ninka kor taagan ee haysta micro-phone-ka isagoo wali cusub buu bilaabay iska hor keen iyo khilaaf abuurid.Saaxiib ma waxaad maqashay dad mucaaradaa dawladooda wax ka sheega.
Waxaad sheegaysaa waa in ay noqdaan wax an dhib hor leh keenin oo socon kara.Ma aha in aad haddiiba ku boodid dadka wadanka maamula.
Erayga ah dadku waa in ay kacaan oo banaan baxaan waa calaamadaha lagu yaqaan ====.Ugu dambeyn saaxiib adigoo an dadweynaha soo jafin oo an cidna ceebayn noqo mucaarad muctarifa.Tan kale dadka ad isleedahay waxbay qaldeen inta adan banaanka soo dhigin axwaalkooda ayaga la xaajood.Markii ay kaa diidaan wada xaajaysi bay kuu furmaysaa dacweentoodu kuwa falka xun falay.
Ninkaan mesha uu jogaa waa Maqaaxi Amse Biibito ay leedahay Gabar maskiina, Mana uu matali karo Puntland iyo aayaheeda, Mana ahan Muwaadin reer puntland ah sababtoo ah kama uu san hadleen qabyaalad. Puntlandna waa Dowlad leh nadaam iyo shuruuc Dastuuriya, oo ku dhasan Talada shacabka,M/weynaha Puntlana sharciga ayaa u ogolaana in uu sii joogo xafiska, Waxa uuna ninkaan ka talinayo Waa bur burka iyo baa,ba,a Puntland. Taasna horay ayuu shacabka puntland u diiday.
Ninkan Magaciisa ku sheegay Maxamed Cilmi Iskadaa Xisbi uu furtee waxaa la horkeenayaa Maxkamad shaci ah Isaga oo lagu qaadayo fidnada uu dhax dhigayo shacabka walalaha ah ee puntland., waxa uuna u shaqeeya Gacmo-shisheeye oo u diyaara in ay puntland bur buriyaan.
Puntland waxa ay u baahan tahay hor- ukac iyo in ay kasara marto meesaha ay hada jooga.
Talo-soo jeedin.
Waxan shacabka walalaha ah reer Puntland kula talinayaa in ay dhagaha ka furaystaan danaha shisheye la lagu bur burinyayo Dalkooda.
Lana shaqeeyan dowladoda, Puntland malahan m/weynaha talada haya ee dadka reer puntland ayaa iska leh masiirkooda iyo waxii dantooda ah.
Wabilaahi Towfiiq
waa run faroole nadaamkii reer puntland wuu ku ceeb booy waana ku fashilmy axdigii iyo nadaamkii p.land u oolaa ee waa iga talo ha iskaga tago
waa sax waxaan faroole u arkaa habar nin ceebta reer p.land usoo jiida ya usagoo kaleex nadaamkii u oolaa dadka reer p.land lamataabtaanka eeduubabka iyo oday dhaqameed looga damayn jiray waa wax beri meel uyaal usaga iyo wixii laqaba oo lug kuleh khalad uu reer p.land keliya kagaly
waa dameer qayliyey hadalkiisuna qabad maleh .
Mr ilmi waa gesi u bareeray kaligii taliyaha faroole waana sax inuu ugu baqo shacabka inay iska dhacshan faroole
war ceebtaada iska aamus intaad le,egtahay iyo waxa aad ku hadleysaa isma leh oo orod camal carada ilaahay uraadso adoo kale waa layaqaanaa labo shilin inta cadawga kasoo qaatay muqaayadaha fadhi ku dirirka ku daacaya asagoon kafiirsan waxa uu kahadlayo qiimahooda .p/land mucaarad uma baahna ee hadaad wax tar iyo wax toosin wado welcome to p/land.faroole hadaan erinoo ku kacno yaad dhaamoo u haysaa p/land anaa reer muduga raga dhahaayo reer mudug baa wax tari lahaa waxaad taraysaan maa hore loo arko hadabase waad kabuuxdaane natusa waxaad wado oocusub hadey jiraan maxayse kala yihiin mudug iyo nugaal wax kala qaadqaad iyo iskala gurgur meeshaan loogama baahna dadkaana waa walaalo p/land ayagaa dhistey madaxdeedana udoortay kuna kalsoon meelay uga daldoosanaayaana majirto ,faroole xukuumada ka waxqabadka badani xagee ayay p/land kasoo martey ? war dadyahaw meelbaa laydiin wataaye orda aada meesha aad kusocotaan hana dhaafo doqonoo dhan iyo indho ku garaadloo dhami markuu soo daalo asagaa dan usoo noqondoona oo oron doono hala rooraan run moodey.waxba nin qurbaha ku dharagdhacsanaya oomaangaaba p/land laga weydiin maayo ee adeer raali naga ahaw .
mohamed cilmi maqaadkii baa kayaraaday oo xaley baad riyootey han jabaada xagee xooga ka keenaysa yaad is maqashiinasaa puntland mategi kartid minneapolis is kaga noqo garaabadaada waa helaysaa
@ Puntlnader
Adeer wax weyn baa kaa khaldan, runtiina adigaa u baahan in lagu saxo, Faroole wax kasta oo kale ku eedee laakiin haddaad nabad gelyada ka hadlayso Faroole sida ay hadda tahay shaqo wanaagsan bu run ahaantii ka qabtay, waxaanse qiyaasiyaa adiga wax kalaa kuu cad.
Dadku waxay yiraahdaan xilligii Cabdullaahi Yuusuf dalku nabad buu ahaa, laakiin waxaa run aha in waqtigaas iyo maanta aysan isku mid ahayn, xilliyadii Max’ed Cabdi Xaashi, iyo Cadde Muuse xataa sidaan way yara dhaameen, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in maamulka Faroole ay runtii dadaal weyn ka sameeyeen xagga ammaanka waana tan suuro gelisay in lagu qabto shirar calaami ah, waayo, anigu ma aqaan sidaad wax u qiyaasayso laakiin marka la fiiriyo xaaladda ammaan ee guud ahaan dalka ka jirta maashaa Allaah ammaan buuxa baa Puntland ka jira.
Mid waa wax la ogyahay, waxa Mudug ka socda, ma aha wax lagu qiimayn karo nabad gelyada Puntland, mid waan ka xumahay oo Faroole inuusan gacan adag ku qaban arrimaha Mudug ka dhacaya, laakiin waa arrimo gaar ah dadka deegaanka ay si ula kac ah qaarkood ugu jiraan kana dambeeyaan, in wax laga qabtana ay u baahantahay taxaddar badan marka laga fiiriyo meesha gobolku ku yaal iyo waliba dadka deegaanka ka midka ahee lugta ku leh arrimahan ammaan darrada ah.
Marka adeer haddii aad ninka si kale u dagaashantihiin waa meesheeda, laakiin maamulka Faroole adiga iyo ninkaan meesha isku soo sawiray waxba laydinka weydiin maayo, mana fiicna in qofka adigo dano kale oo kuu gaara leh inaad meel cidla ah ka dhaleecayso, Faroole shakhsiyan khaladaad waa leeyahay laakiin kuwa aad sheegaysaaan adiga iyo ninkaan Talo Wadaag la baxay waa hadal aan xaqiiqo ku fadhiyin.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
ilma adeerayaalow bal ila eega maciishadii baa kacdee dowladu cashuurta hanoo khafiifiso lagaray lakiin waxaan kale .kkkkkkkkkkkjjjjjjjhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhaaaaaaaaaaaaaaaahaaaaaaaaaaaaahaaaaaaaaaaaaaaahaaaaaaaaaaaaa.aaaaaaaaahaaaaaaaaaaaaaaa muxuu yidhi ninkii reer xamar cimrigaagoo dheeraada hee …………………………….dadweynahaa udaayey
waa far ku fiiq fiiq