Xisbiga UCID oo weeraray Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xisbiga UCID oo ka tirsan Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ka jira, ayaa cambaareeyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu taageeray ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya oo toddobaadkii hore Muqdisho lagu meel-mariyey.

Xisbiga UCID waxa uu sheegay in dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelatay ay ku jiraan qodobbo lid ku ah jiritaanka Somaliland, isla markaana sheegaya in gobollada Somaliland ka mid yihiin dalka Soomaaliya. Waxaana sidaa sheegay Xoghayaha arrimaha dibedda u qaabbilsan UCID Maxamed Haaruun oo galabta war-saxaafadeed soo saaray.

“Todobaadkii tagay ee bishan ogosto 2012 ugu horreeyay, waxa jiho-wareer xooggani ka jiray Wararkii is burinaayay ee ka soo baxaayay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland, oo sida muuqata ay ku adkaatay mawqifkii ay ka qaadan lahayd distoorkii dhawaan loo sameeyay waddanka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga UCID soo saaray.

Waxaana war-saxaafadeedkaas oo sii socda lagu yiri; “Sida la wada ogyahay, distoorka kowdii bishan August Muqdisho lagu ansixiyay wuxu si badheedh ah u sheeganayaa gabi ahaanba dhulka Somaliland, waxaanu ka digayaa in la kala qaybiyo dhulka Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya! Sabab ugu wacnayd-ba. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar ayaa 2-dii ogost, 2012 soo saaray mawqifka rasmiga ah ee Somaliland isagoo dastooorka la ansixiyay soo dhaweeyay, sheegayna inay tahay tallaabo nabad u keeni karta Soomaaliya.”

“Isla dhawr maalmood kadib, oo ah 6-dii isla bishan ogost, Wasiirku wuxuu sii daayay war mawqifkiisii hore burinaya, waxaanu si kala dhiman u cambaareeyay dastoorkaas, isagoo sheegay inuu qaybo dhulka Somaliland ah sheeganayo, halka uu dastoorku gabi ahaanba dhulka Somaliland wada sheeganayo.” ayaa lagu yiri qoraalka UCID.

Waxa warkan ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID lagu soo qaatay qodobbada ay sheegeen inay ku jiraan dastuurka Soomaaliya ee qeexaya in dhulka Somaliland maamusho lagu raaciyey Soomaaliya, waxaana lagu yiri; “U fiirso qodobka todobaad ee Distoorka, gaar ahaan faqradaha 1aad, 2aad, iyo 5aad, oo si waadix ah u astaynaaya tilmaanta dhuleed ee Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya:- (1) Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo. (2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan, lamana qaybin karo. (5) Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Waqooyi: Gacanka Cadmeed; Waqooyi Galbeed: Jabuuti; Galbeed: Itoobiyia; Koonfur Galbeed: Kenya; Bari: Badweynta Hindiya.”

“Sidda kor ku xusan, dastoorka Soomaaliya wuxu ku qoranyahay ereyadaas cadaanka ah, mana aha wax qofnaba u dhuuman kara. Sidaas darted, Xisbiga UCID iyo ummadda Somaliland-ba uma muuqan wax dastoorkaas loogu sacabbeeyo iyo sabab mawqifyo is burinaaya looga soo saaro toona, waana wax aad looga xumaado.” ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga UCID, waxaana lagu sheegay inay Soomaaliya Somaliland ula mid tahay dalalka Itoobiya, Jabuuti oo ay jaarnimo wadaagaan maamulka Somaliland.

RBC Radio

Radio Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

13 Responses for “Xisbiga UCID oo weeraray Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland”

  1. zack-london says:

    Aan ooye Albaabka ii xidha

  2. [...] View the original here: Xisbiga UCID oo weeraray Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland [...]

  3. Axmed yare says:

    Faysal Waraabe mee isbuucaan ma hadline, ma xanuunsanayaa?

  4. Sandoon says:

    guuleysta xisbiga UCID.

    dastuurka somalia waa mid cunsuuri ah oo uu gaar ah beelo gar ah maana aqoonsana wax dastuur laa yiraadho. Hadday dowlada Somaliland noqotay dabo-dhilif laa saaxiib ah cadoowgeeni shacabka Somaliland ayaa heegan ah mana dhici doontii dadkii 50 sanno xaqeeni cunayeey in aan durbaan uu tuno damiirkeyga ii siin mayo.

    dastuur ogolow waa 4.5 iyo qashinkaas ay reer Konfuur sameyeen ogolow. Waan in meel walba wefdiyo loo dira dowlaada somaliyeed ee Xamar loma dhaama waa labo beelood oo afduub ku heysta dadka Somaliyeed.

  5. ssc says:

    Sandon@@@ UCID guulayso kulahaa? Xagee buu ku gulaysanayaa guul daro ayuu idinku wadaaye!! Nin Somali inteeda kale kaa saaraya ama subcadaada ku tumanaya ama jeebkiisa Ka fekeraya ayaad u sacabtumaysaa? Bal dadka somaliyeed ee ku dhegaysanaya U SHEEG SABAbTa aad ku taageeraysid in somalia lakala jaro? Hana u hadlin sidii qabiil maxaa yeelay MAGACA SOMALILAND ayaad qoorta sudhatay!!. Aniga oo kale run ahaantii magaca somaliland ayaan soo geleyaa laakin somaliland ma ihi.haddana somalia kala goeeda dhimasho ayaan Ka xigaa!! HABEEN kasta waxaan ku ducaystaa in aan ILlahay I tusin somalia oo laba ah.haddii ay dhacaysana in illahay aniga I oofsado, maxaa yeelay ma marabo in aan Somali ceebteeda arko ama iyagoo sidii laba dal xuduudo ku dagaalamaya.markaa walalkay waxaan jeclaan lahaa adoo Ka fiirsada waxa aad taageeraysid iyo waxa Ka dhalan kara.tusaale bal hadda Fiiri waxa Ka dhex socda isaaq iyo dhulbahante misa wiil ayaa ku dhimatay ayaad u malaynaysaa? Bal Ka waran somalia oo laba kala noqotay, sidee ayay u eekaandoontaa fuyuujarka? Run ahaantii haddii isaaq Somali wax la qaybsanlaha waxaa noqon lahaa ninka ugu horeeya ee somaliland taageera.laakin hadda wax kale ayaa ii muuqda!! Dhalinyarada waxaan kula talinlahaa Ka fiirsada inta aydaan qoriga qof kale u qaadin,silaanyo faroole sheikh sharif iyo ahmed godane intuba dan ayay leeyihiin laakin adiga ayaa Awrka lagugu kacsanayaa!!!!?illahay Somali beerkooda burcad haysu mariyo Amiin Amiin illahayoo waa ramadaane

  6. qadar says:

    war somalilandi maxay kafilaysay in dastuurka lagu qoro,war umadan aqli xumaa maxay rabaan inaan dhahno dhulka ayaa idin la go ay oo waan idin aqoon sanay,wadanka waa la idin ladaganyahay ee xishooda.

  7. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk dadka reer waqooyi hanbalyo walaayaal dimuqoraadiyada adkeeya 4.5 ha ogallanina somali waxaad kula midoobi karttan wax xalaal ah xamarna xalaal mattal dadkii 60 kii afduubay soomalia ooxuriyada sida xun umaamulay , ayaa wali jooga meesha,anigu xitta reerwaqooyi ma ihi lakin waxxan ahay reer kuufur waan aarkay waxay ku shaqaysanayaan dadkii adoonka oodhan baa layaban,xilkii dawladaba 3 qabiil baa kala qaatay, dawladba mamarabban waxay rabban qarniga 21 naad in ay qabyaalad ku noolaadaan,khayr umaada soomaliyeed meel kastoo ay joogaan

  8. Ali Soomali says:

    ku: Sandoon, walaal waxaan ku leeyahay cadow aan jirin adigu ha sameysan.

  9. mudug matale says:

    Xaaxa xaaxa xaaxa,,, xaaxa ucid,
    Ina waraaabe haduu raja leeyahay SNM
    AYaa doranlahayd
    afkaga qoyan ayuu u hadlaa .

  10. qabqabsey says:

    Soomaaliya hada ayay ka bilaabantay sheekadii 1991 oo kale qabiil bay isku dileen,maantana halkay nabaradoodii dawayn lahaayeen qabiil bay doonayaan in ay dastuur ka dhigtaan markaa waxa ka soo socda wax ka wayn tii 1991.markaa waxa aan qabaa sidii uu ninkii somaliyeed hore u yidhi waar ” YAA HARAGEEDII NAGAGA CELIYA”DJAVU

  11. Abdi says:

    Are Sandoon soo gal garoonka aan labaas beelood iska dhicinee, adiga xanaaqaaga maha keenay lamadaan beeloode

  12. Afdhub says:

    Markii xuduudaha marka la xiro by gaajo baqti foo aan is soo dhiibi doonaan kala qaybintana joojin doonaan

  13. Rashiid Soomaali says:

    soomliya waamid burburtay waxaa kuwaajiba qofkasta oo soomaaliya inuu raadiyo xal sidii laysgu imanlahaa loona wada hadlilahaa soomaaliya haday sheganayso soomaalilaand iyo butlaanba wahal in lakala jarona waa cadawga soomaaaliya dantiisa

Leave a Reply