Xisbiga UDUB oo Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ku doortay Hargeysa
Hargeysa(RBC):- Shirka golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah oo maanta si rasmi ah uga furmay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaasoo Ergooyinka Shirku ku doorteen Musharraxa jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ugu tartami doona doorashada madaxtinnimo ee Somaliland.
Shirkan oo ay aqlabiyadda golaha dhexe ee xisbiga UDUB maanta ku yeesheen Hoteel Ambassador ee Hargeysa oo uu Guddoominaayay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin. Waxaana shirkaa lagu doortay inuu musharraxa Madaxweynaha tartanka doorashada 2015 haddii xisbigu soo baxo doorashada dawladaha hoose uu noqdo Cali Maxamed Warancadde, Madaxweyne Ku-xigeenna Axmed Xaaji Daahir Cilmi.
Afhayeen u hadlay UDUB Saciid sulub ayaa BBC u sheegay in xisbigu go’aamiyay in la ballaadhiyo golaha dhexe iyo in la buuxiyo hogaanka xisbiga jagooyinka ka banaan. haseyeeshee gudoomiyaha gudiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo shir jaraa’id ku qabtay isaga iyo koox kale Hotel Crown ayaa ku dooday in kooxi afduubtay xisbigii UDUB.
Khamiistii toddobaadkii hore ayuu Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ahaana Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland waxa uu iska casilay xilka uu ka hayey Xisbiga UDUB, iyada oo khilaaf xisbigaa kala qaybiyey sababay inuu Musharraxii bilawgii bishii Janaayo ee sannadkan jagada Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen iyo Garab uu hoggaaminayaa ku biireen Xisbiga UCID markii la isku fahmi waayey inuu musharraxa Madaxweynaha UDUB ahaado.
Dhinaca kalena , Xisbiga Mucaaidka ah ee UCID ayaa isaguna hore musharraxa madaxweynaha ugu dhawaaqay Jamaal Cali Xuseen , madaxweyne xigeenkana Cabdirashiid Xasan Mataan. Waxaana doorashada Madaxtinnimada Somaliland u tartami doona hadba saddexda Xisbi ee ku guulaysta codadka ugu badan ee doorashada dawladaha hoose.
Doorashada dawladaha hoose ama golayaasha deegaanka ayaa Somaliland ka qabsoomi doonta 28 November 2012. Waxaa ku tartamaya sagaal xisbi oo saddexda ugu sareeya doorashada deegaanadu ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarllamaanka , lixda kalena hadhi doonaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.










