XOG: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo Ka Hormari Doonta Tan Madaxweynaha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Xog lagu kalsoonaan karo oo Raxanreeb ay ka heshay ayaa sheegaya in doorashada afhayeenka baarlamaanka oo markii hore dood ka dhalatay inay ka hormarto mida madaxweynaha ayaa hadda la isku raacay in la soo hormariyo doorashada afhayeenka.

Dooda ka taagneyd labada doorasho mida hormareysa ayaa waxaa lagu soo afmeeray kadib markii qaar ka mid ah saxiixayaasha qariirada roadmap-ka oo isku qabtay arinta laba doorasho ay isla garteen in dastuurka cusub ee KMG ah uu qabo in doorashada afhayeenka la soo hormariyo.

saraakiil ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweyne Shariif uu qabay in doorashada afhayeenka baarlamaanka la soo hormariyo hase yeeshee uu diidanaa arintaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka rajo qaba in uu u tartamo madaxtinimada wadanka. Hase yeeshee suida hadda muuqata Shariif Xasan wuu ku guul dareystay inuu ku adkeysto go’aankii uu qabay.

Shirkii u dambeeyay ee kooxda saxiixayaasha qariirada “roadmap” ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa khilaaf xoogan uu ka dhashay kadib markii Shariif Xasan uu soo jeediyey in doorashada afhayeenka la dib dhigo arinkaasoo sababay in Sheekh Shariif uu shirkaasi ka soo baxay isagoo diidanaa dalabka Shariif Xasan.

Sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah, waxaa ay tahay in baarlamaanka cusub uu doorto gudoomuiyihiisa iyo labo ku xigeen kadibna la doorto madaxweynaha cusub, kaasoo isaguna soo msgacaabi doona wasiirka koowaad.

Saameynta arintan

Dadka la socda arimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya in isbedelkan uu saameyn xoog leh ku yeelan doono tartankii Shariif Xasan uu ku doonayey in marka hore uu ku tijaabiyo kursiga madaxweynaha kadibna haddii uu wax ka waayo uu dib ugu tartamo kursiga afhayeenka baarlamaanka oo uu horey u hayn jiray ka hor intii aan laga casilin bishii Disembar 2011.

Dib u dhaca waqtiga doorashada

Sida horey loogu cadeeyay qorshaha ka bixida kalaguurka ee horey ay u dejiyeen saxiixayaasha iyo Qaramada Midoobay waxay ballantu tahay in doorashada madaxtinimada iyo tan afhayeenka baarlamaanka ay ku dhacdo 20-ka Agoosto, laakiin illaa hadda ma muuqdaan ifafaalo muujinaya in doorasho ay ka dhacayso Muqdisho mudadaasi la cayimay.

Xubnaha guddiga xulista baarlamaanka cusub ayaa sheegaya in weli aysan dhameyn tirada 275 mudane ee baarlamaanka cusub oo ay ahayd in lagu soo dhameeyo ka hor Arbacada maanta ah iyadoo dhanka kale weli uusan jirin guddi doorasho oo loo xilsaaray doorashada iyo diiwaangelinta musharixiinta.  Waxaana ay u muuqataa in doorashada ay u dhici doonto illaa aakhirka bishan Agoosto.

Xubin ka mid ah guddiga xulista baarlamaanka oo Raxanreeb arintan maanta wax ka weydiisay ayaa carabaabay inuusan jirin cadaadis dhanka waqtiga ah iyo wax shuruud uga dhigaya in 20-ka Agoosto ay wax walba ku gabagaboobaan.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

7 Responses for “XOG: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo Ka Hormari Doonta Tan Madaxweynaha Soomaaliya”

  1. horta waa khayr lkn hadii arintaa shariif sakiin aqbalay talow maxaa loo balan qaaday

  2. somali says:

    Shariif Xasan markaan G/baarlamaan wuu kasoo tilaabsaday wuxuuna hada quudareynayaa inuu isagu noqdo madaxweyne ama R/Wasaare C/weli madaxweyne noqdo isaguna R/wasaare u noqdo si meesha looga saaro beesha madaxweyne shariif oo eysan labadaa korsi midkood helin waana qorsho isla wadayaal ka yihiin Mr faroole Mr mahiga iyo shaiif Xasan iyo C/Weli marka Shariif Xasan iyo C/Weli waa isku doon hadii midkood madaxweyne noqon waayana labadooduba daaqada ayey ka baxayaan.

  3. Huduraawi says:

    Warka aad qorteen waxba kama jiraan. Sharif Xasan na wax hami ah kama laha speaker of parliment. Speakernimadana waxaa ku tartami doona Prof. Jurila vs Cabdulahi sh. Xasan o === & === ka kalasocda (======).

    Runtana waxay soo muqan doontaa wareega hore ee doorashada. Sharif Xasan na waa madaxweynaha Soomaalida cusub. U diyaargarooba isbedel loo aayo Inshaa Allaah.

  4. cali says:

    @Huduraawi. Ma qabiilnimo ayaad utaageereysaa mise waa kaa daacad? Ma waxaad rabtaa inuu dalka hogaamiyo nin aan xitaa dugsi sare dhameyn? Hadii Shariif Xasan madaxweyne noqdo, waa taariikh xumo usoo hoyatay umada soomaaliyeed.

  5. Sirmaqabe says:

    shiikh shariif juu shari f sakiin jini wa sakiin ala somali caqli xuma ninkan sakin wuxu raba labo shinbirod inu dhagax kudilo elay ka caqli badan waligay ma arag waxan filaya manta wa marki ugu danbey say

  6. The somalian says:

    @cali
    cali saaxib dugsi sare waa weyn yahaye 2+2 ninkaan maqori karaa hadana inda adaygiisa madaxweyne buu doonaa ileen belaayo hore looma arag waxay calaamad u tahay jahliga lalarabo in soomaliya lageliyo.

  7. Bakool iyo baay says:

    Waxaad moodaa in qabaailka soomaaliyeed ay kujiraan kuwo aan wax fahminba
    War sanadkaan waa sanadkii digil mirifle ee saa ula socda
    Hadaysan saas noqon soomaali dambe uma daacad noqondoono in uu i xukumo saa ula socda
    Aan ku xukumo imana xukumaysid waa sheeko ubaahan in laga gudbo
    Madaxwaynihii soomaali soomara kii ug fiicnaa siyaad bare ma shahaaduu idiinku dhaqay
    Waamaxay riwaayadan hada naloo dhigaayo ……

Leave a Reply