XOG: Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo Dhacaysa Sept 05, 2012 (FAAHFAAHIN)
Muqdisho (RBC) Sida uu Raxanreeb u xaqiijiyey xildhibaan aad ugu dhow arimah doorashada madaxtinimada Soomaaliya, waxaa la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha ee dawlada cusub ee Soomaaliya ay dhacdo Bisha September 5-teeda.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay aqbaleen in doorashada ay dhacdo waqtigaasi ka horna la sii dhameystiro xildhibaanada ka maqan baarlamaanka isla markaana la dedejiyo doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo labada ku xigeen oo loo qoondeeyay inay dhacdo 28-ka Agoosto oo ku beegan Talaadada soo socota.
Diyaargarowga musharixiinta
Waxaa muuqata in doorashada afhayeenka iyo tan madaxweynaha dib loo riixay kadib markii musharixiinta dawlada dhexdeeda qaarkood ay ku doodeen inaysan heysan tiro ku filan xildhibaanadii ay rajeynayeen inay codka siiyaan- gaar ahaan musharax Sheekh Shariif oo aad uga cawday in taageerayaashiisa badankood ay weli bannaanka jiraan.
Sheekh Shariif wuxuu beryahanba dadaal ugu jiray sidii uu u jebin lahaa shuruud ay guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka hordhigeen taageerayaasha Aala Sheekh oo badankood laga horjoogsaday inay soo galaan baarlamaanka, hase yeeshee wuxuu Sheekh Shariif ku guuleystay in toro soddomeeyo ah uu geliyo baarlamaanka, iyadoo illaa soddomeeyo kalana uu filayo inuu soo geliyo maalmaha soo socda.
Musharixiinta kale ee banaanka ka jira saddexda dawlada dhexdeeda ka saraxan ayaa iyaguna raba inay ka faa’ideystaan waqtigan dib u dhaca ah maadaama ay gorgortan hoose kula jiraan xildhibaanada iyo odayaal beeleedyo ay ka rajo qabaan inay taageero siin doonaan. Waana sababtaasi mida keentay in rag lagu tirinayey xulufada C/weli Gaas inay saacadihii u dambeeyay u wareegeen musharax Shariif Xasan oo illaa hadda ballanqaadyo waaweyn bannaanka soo dhigay.
Sidoo kale waxaa si aan la fili karin ku soo baxay musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo loolanka ugu weyn uu kaga imaanayo Sheekh Shariif kaasoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inuu helay xildhibaano kor u dhaafaya 24 mudane.
Dhanka kale, waxaa iyana la filayaa in musharixiin ay ka mid yihiin C/weli Gaas, Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay sameystaan isbahaysi ka horjeeda Sheekh Shariif iyo Maxamed C/laahi Farmaajo oo iyaguna isu soo dhowaansho muujiyey saacadihii u dambeeyay. Isxulufeysiga noocan oo kale ah ayaa keeni kara in isbahaysi kasta uu hal musharax codadka oo dhan ku taageero marka la gaaro wareegyada dambe ee doorashada.
Faahfaahino kale oo la xiriira doorashada la soco Raxanreeb.com
_________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











ninka sakiin daba socda waa nin somalia in la beec geeya raba
kkkkkkkkkkkk ar maxa kalahaysta nimankan war wadadka iskagga daya
CAWAALE REER BAADIYE HADA AYAA SIYAASADA KU BARAARUGTY IN KHAATUMO OO DHOWR DEGMO AH AH LAGU YIRI WAA MAAMUL WAR DADKAA SAA LOOMA DABA DHIGTO KOR U BAX XANUUN HAKA QAADIN SIYAASADEE DADKAN DADKAA HOREEYAY AYAA KU WAREERARYE SIDA CALI KHALIIF AYAAD NOQONAYSAA MARKUU TABAR KALE WAAYAY HABAAS LAGA CELCELINAYO OO GALGALINTA DAMEERAHA KKKKKKKKKKKKKKKKKKK LEH WAA FARIISANAYAA ISAGOO SHEEGANAYA MAGACA DAAROOD OO LA OGYAHY MEESHAY KA JOOGAAN SOOMAALIYA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK