XOG: Hub Aad u Farabadan oo Laga Helay Guri uu Muqdisho Ka Deganaa Aadan Saransoor iyo Muran Ka Dhashay oo Amisom Gaaray
Muqdisho (RBC) Baaritaan ay sameeyeen ciidamo ka tirsan nabadsugida qaranka ayay ugu suurtagashay gelinkii dambe ee shalay oo Jimce ahayd in gacanta lagu soo dhigo hubkii ugu badnaa ee meel qura laga helo gudaha magaalada Muqdisho kaasoo ay hadda la wareegeen ciidamada nabadsugida.
Hubkan oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu tegay guri ku yaalla degmada Wardhiigley oo dhowr tallaabo u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo uu deganaa hogaamiye kooxeedkii Aadan Saransoor. Guriga hubka laga helay ayaa beryahanba waxaa ka taagnaa dood ku saabsan lahaanshihiisa kadib markii qoyskii iska lahaa oo mudo dheer dibadaha ku maqnaa oo dhowaan soo laabtay ay u dacwoodeen in gurigooda la siiyo. Waxaana ugu dambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in guriga laga saaro rag hubeysan oo ilaalo u ahaa hogaamiye kooxeedka Aadan Saransoor oo guriga ay dejisay dawladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf laguna wareejiyo qoyskii iska lahaa.
Hawlgal labo maalmood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada nabadsugida qaranka ayaa ugu dambeyntii ay ku suurtagashay in guriga oo u dhow safaaradii hore ee Yemen laga saaro dadkii ku jiray, waxaana qoyskii iska lahaa ay dalbadeen in la baaro guriga si loo hubiyo wixii qalab ah ee ay dadkii hore u deganaa guriga iska leeyihiin si aysan dacwad kale uga imaanin, waxaana baaritaankiisa uu sababay in qeybo dhan oo guriga ka mid ah laga helo hub noocyadiisu kala duwan yihiin oo ku keydsanaa.
Noocyada hubka iyo tiradiisa
Saraakiil ka qeybqaatay hawlgalkaasi oo Raxanreeb oo Raxanreeb u waramay ayaa faahfaahin naga siiyey tirada hubka iyo noocyadiisa, kuwaasoo kala ah sidan;-
- Qoriga DHSK = 25 Xabo
- Qoriga BKM= 50 Xabo
- Qoriga RPG = 50 Xabo
- Qoriga AK47 = 300 Xabo
- Qoriga Hoobiyaha = 12 Xabo
- Bambooyinka gacanta (F1) = 1,200 Xabo
- Rasaas aad u fara badan isuguna jirta noocyada kala duwan.
Muranka ka dhashay hubka
Sida saraakiisha u sheegeen Raxanreeb, intii hawlgalka hubkan lagu soo qabtay uu socday waxay ciidamada nabadsugida la kaashadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan cutubka Uganda ee ilaaliya madaxtooyada, waxaana su’aalo la weydiiyey qaar ka mid ah ilaaladii hore ee guriga u joogtay intii uu deganaa Aadan Saransoor iyadoo hubka iyo rasaastii loo daabulay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu hayo illaa hadda.
Dood xoog leh ayaa arintan ka taagan illaa hadda kadib markii taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Aadan Saransoor oo wada socda ay u dacwoodeen AMISOM iyagoo sheegay in hubka lala wareegay uu ahaa hub beeleed lana soo celiyo, arintaasoo AMISOM ay ka biyo diiday.
Madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha booliska Gen Sheekhuna Maye oo aad isugu dhowaa ayaa iyaguna hadda ku kala tagay arinta hubkan laga helay meel u dhow madaxtooyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in madaxweynuhu amaray in xilka taliyaha booliska uu sii wado taliye ku xigeenka booliska illaa inta doorashada madaxtinimada ay ka dhacayso oo dawlada cusub xilka kala wareegeyso. Saraakiisha Villa Soomaaliya waxay kaloo codsadeen in la baaro halka hubka uu ka yimid markiisii hore iyo ujeedada loogu keydiyey guri ku dhow madaxtooyada.
Raxanreeb waxay isku dayday inay arinta hubka wax ka weydiiso saraakiisha sare ee AMISOM hase yeeshee way ka cudurdaarteen ka hadalka arintan maadaama weli muran uu ka jiro hubka lala wareegay. Arinta waxay u eg tahay in muranka ka dhashay hubka lagu xiriirinayo loolanka doorashada ee hadda u dhexeeya masuuliyiinta hore ee DKMG ah oo dhamaantood ah musharixiin.
RBC Radio












warkaas waa loo guyaaloobeeyin
Gen Shariif Sheekhuna Maye hala ruqseeyo — argagixisaduu hoosta kala shaqeeyaa
waa kaas dadka u shariif wato ee uu khasbayo umada in lagu daro barlamaanka
dhibta waxaa keenay inay rerka iska afgartaan bay ahayd intay guriga ku qabsanayaan aysn lahayn hadana waa lasocelinaya hubkaas faraha badan insha allah
ACUUDU BILAAHI.. balaayo XAMAREEY ku degtey,, HAL NIN baa waxa intaa le’eg heysta WALIBA,, GURI ISLAAMEEDNA WUU TAABSADEY, WAANA QABQABLAYAASHA KII UGU MAGAC YARA, maxaad u maleyneysaa GURIGA QANYARE,, waxa DHEXYAALA,, KAN m,SUUDI, kan M,DHEERE, KAN ,C,FINISH, IYO KAN C,CAATO?????? waliba DAD BAA USII DOODAYA KUWAAS INEY BAARLAMAANKA GALAAN AMA DOWLADA,,,, waxaan ku faraxsanahey DOWLADA soo socota INAY TAHEY dowlad FEDERAL AH!
Raxanreen meesha ay kala dagaashan tahay Taliyaha Booliska waan fahmayaa, laakiin waxaa habboon inaan halkaa uga haro , waxaanse kula talin lahaa in saxaafaddu ay anshaxa dhowrto oo war xaqiiq ah bulshada u soo gudbiso, dadka afkaarta dhiibanayana waxaan kula talin lahaa inta aysan dambaabin oo aysan talax tagin inay hubsadaan, HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA. waa kee taliye xigeenka shqada sii wadaya ma kiinaa mise reer RAXANREEB mise waa ku kale?
Taliye xigeenka Booliska ee Raxanreeb leedahay waxaa la amray inuu shaqada sii wado sow tii la lahaa anshax xumo iyo aqoondarro ayaa wiilka yar shaqada looga fariisiyay, kadib markii madaxda dalku ay ogaadeen inay ku qaldameen magacaabistiisa mimkan aad haatan sida qabiilka ah xayeysiinta ugu sameyneysaan. Allow soomaalidan juhulada maskaxdooda ka saar qabiilka ay sida illaaha u caabudaayaan.
kkkkkk war reer baydhaboodku ma madaxtooyada inay qabsadaan ayeey ku talo jireen kkk lol
SOO CELI DAAYE WAA IN XABSI DHEER LAGU XUKUMAA AADAN SARANSOOR IYO MALASHIYADDIISA LANAN WEYDIIYAA WAXAY HUBKAN KU QABANAYEEN
arintan waa arin siyaasaday san marka lajoogo xili doorasho wax yaabo badan oo la isla ogaa ayaa la isku qarxiyaa tan waa biloow ee waxad maqli doontaa dhibaatooy badan oo kale xili kalaguur iyo dad qabiil duulooday isu daranaa allow caqligii lumay dib u sooceli dadkii waa idlaadaye dabkan baxayee cedna daminayn waa ku daalaye u doc nagamaro.