XOG: Musharixiinta DKMG Dhexdeeda Iyo Amisom oo Waraaqo Cabasho oo Iska Soo Horjeeda u Diray Golaha Amaanka QM Iyo Midowga Afrika


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Musharixiinta u tartamaysa xilka madaxtinimada Soomaaliya ee DKMG ah ee waqtigeedu dhamaaday ayaa siyaabo kala duwan uga cawday faragelin ay sheegeen inay ku heyso AMISOM arimaha doorashada iyo loolanka u dhexeeya musharixiinta.

Saraakiil aad ula socda hawlaha doorashada ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in rayaul wasaaraha xukuumadda waqtigeedu dhamaaday C/weli Maxamed Cali Gaas uu warqad cabasho ah oo ka dhan ah AMISOM uu gaarsiiyey xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Mob iyo waaxda arimaha dibadda Mareykanka. C/weli Gaas wuxuu ka sheegtay in AMISOM aysan u madax banneyn musharixiinta inay si furan u qabsadaan ololahooda, gaar ahaan baarlamaanka cusub dhexdiisa.
Si gaar ah wuxuu C/weli Gaas u sheegtay in laga ilaaliyo isaga iyo rag kaleba inay fursad u helaan la kulanka iyo la socodka arimaha xildhibaanada cusub, waxaana warqadiisa uu kaga dalbaday in beesha caalamka ay arintaasi wax ka qabato.

Cabasho taasi aan ka yareyn waxaa isaguna diray Sheekh Shariif oo ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, wuxuuna Sheekh Shariif ka cawday in xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay UNPOS iyo AMISOM ay u muuqdaan inay hawshii iyaga la wareegeen oo ay wax walba deg deg ku wadaan.

Tusaale ahaan, wuxuu Shariifka dalbaday in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ay ahayd in waqti loo siiyo musharixiinta oo kediska laga daayo; taasoo la sheegayo in Shariif Axmed ay dhowr jeer isku maandhaafeen isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobay Danjire Mahiga.

AMISOM oo cabasho qabta

Dhankooda taliska AMISOM ayaa iyaguna waraaq cabasho ah oo lidi ku ah mida ay direen C/weli Gaas iyo Sheekh Shariif waxay u direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyagoo ku dooday in musharixiinta Dawlada KMG dhexdeeda ka socda ay rabaan in si gaar ah ay uga faa’ideystaan awooda xafiisyada ay joogaan iyagoo raba inay hareer maraan nidaamka iyo sharciga.

AMISOM waxay kaloo sheegtay in rag ka tirsan Dawlada KMG ay qalaanqal ku hayaan amaanka caasimada iyagoo sameystay maleeshiyaad iyo hub ay gaar u leeyihiin arintaasoo AMISOM walaac ku heysa.

Taliska AMISOM waxay si xoog leh uga qeyliyeen siideyntii 219 maxbuus ooh ore uga tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo maalintii Ciidul Fidriga ee 19-ka Agoosto uu siidaayey madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Sheekh Shariif. Waraaqda AMISOM waxaa lagu sheegay in dadka la siidaayey ay ku jireen xubno khatar ku ah amaanka magaalada qaarkood horey dilal iyo qaraxyo ay u geysteen.

AMISOM waxay si aad ah uga sheegatay in xulufooyinka ku loolayama awooda gaar ahaan Kooxda Aala Sheekh iyo Xulufada C/weli Gaas ay ku xadgudbeen nidaamka uyo shuruucda iyagoo sida qoraalka lagu cadeeyay “had iyo jeer ku dhexjira hawlaha baarlamaanka cusub”.

Ilo wareedyada Raxanreeeb u waramay waxay sheegeen inaysan weli jirin jawaab ka timid Golaha Amaanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo la filayo inay si rasmi ah u soo kala dhexgalaan dhinacyadan is eedeynaya.

Loolanka madaxtinimada

Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya loolanka ay isku hayaan saddexda sarkaal ee dawlada waqtigeedu dhamaaday hogaamin jiray ee kala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan. Waxaana loolanka uu hadda marayaa meel xasaasi ah kadib markii ay soo dhowaatay doorashada afhayeenka baarlamaanka oo ay ku xigi doonto tii madaxtinimada.

Si gaar ah Sheekh Shariif ayaa isku dayaya inuu u babac dhigo dagaalka kaga imaanaya Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo hadda raba in xitaa haddii uusan midkood ku soo bixinugu yaraan WADAADKA meesha la dhaafiyo, taasi bedelkeedana labada nin [Shariif Xasan iyo C/weli] waxaa xitaa ka go’an inay codka siiyaan ruux saddexaad oo beelaha Muqdisho ka soo jeeda oo xilka kaga haboon Sheekh Shariif, waa sida ay Raxanreeb ka soo xigatay qaar ka mid ah raga ololaha labada nin gacanta ku haya.

Tani waxay xitaa iswaafaqayaan dadka qaba inaan la lumin hanaanka awood qeybsiga ee beelaha eek u saleysan madaxweyne, raysul wasaare iyo afhayeenka oo ay kala qaadan jireen saddexda beelood ee kala ah Hawiye, Daarood iyo Digil iyo Mirifle.

Si kastaba wax badan oo saadaasha doorashada ah waxay kala caddaan doonaan illaa 26-ka Agoosto oo la dooranayo afhayeenka baarlamaanka markaasi oo ifafaalo muuqda uu ka soo muuqan doono tan madaxweynaha.

Kala soco Raxanreeb.com warbixino falanqeyn ah.
——————————————————————————————-
DIGNIIN: Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb. Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.

Share

4 Responses for “XOG: Musharixiinta DKMG Dhexdeeda Iyo Amisom oo Waraaqo Cabasho oo Iska Soo Horjeeda u Diray Golaha Amaanka QM Iyo Midowga Afrika”

  1. [...] Continued here: XOG: Musharixiinta DKMG Dhexdeeda Iyo Amisom oo Waraaqo Cabasho oo Iska Soo Horjeeda u Diray Golaha … [...]

  2. kibirdidd says:

    shaqsiga ilaa iyo hada indhaha ay kuhayaan soomaalida iyo beesha caalamka waa rugcadaaga weyn Dr cabdulaahi axmed cadow waa shaqsi ann soomaali dambi aan kagalin allow guuleey

  3. Asha Musse says:

    Raxanreeb dowladnimada waxa ay tahay soo barta. Faalladaan oo kale waa wax jahowareer ah oo u baahan in la editing-gareeyo si looga ilaaliyo inay ka hortimaado siyaasaddiina warbaahineed. Qoraalada dadka madaxda ah u direen UN Security Council iyo Amisom oo iyadana taas la mid ah dirtay, halkee ayaa ka soo xigateen. Sidee hey’ad amni sida Aminson oo kale, aad ka hesheen inay tiraahdo, Madaxda dowladda Soomaaliyeed nidaamka iyo sharciga ayay hareer mareen. Qoraal adag oo dhab ahaantii iska qor ah ayaad sameyseen, ee fadlan tipic-ka ka saara web page-kiina, intii wax taqaan si ay idin la yaabin.

  4. oday warfaa says:

    adeer waxan idin ka waninaya inaad kadaysan beenta iyo nin jeclaysiga aad labarateen inaad dhawanahan dadka war uga dhigtan warka aad qoraysana ha ahaado mid xaqiiqo ku dhisan faaf reebna lagu sameyey(laga ilaliyey aflagadhada shaqsiyadka siyasiinta ah) waxa bar yahan dambe caado noqotay dadka wariyayasha ah inay dagaal oogayal noqdeen bila xishood ah

Leave a Reply