XOG: Raxanreeb oo Heshay Saadaal Hordhac ah oo Muujineysa Tirada Codadka Ay Heystaan Labada Shariif Illaa Hadda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa markii ugu horeysay heshay saadaal hordhac ah oo laga dhexsameeyay xildhibaanada cusub ee illaa hadda la ansixiyey ee ka midka ah baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelaneyso kaasoo lagu rajo weyn yahay in dhamaadka usbuucaan la dhaariyo.

Warbixin shalay lagu daabacay Raxanreeb.com [Akhri] ayaa muujisay illaa 165 mudane oo kaliya in illaa hadda la ansixiyey kadib markii kala shaandheyn lagu sameeyay liisaskii faraha badnaa ee ay soo gudbiyeen odayaal dhaqameedka beelaha ee ku saleysan habka 4.5 (afar iyo bar). Waxaana weli socota hawshii xulista baarlamaanka oo ay gacanta ku hayaan guddiga farsamada ee xulista.

Haddaba ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Raxanreeb u sheegay in illaa hadda saadaal hordhac ah oo laga dhex sameeyay liiska mudanayaasha cusub ay muujineyso tirada codadka ay kala heystaan madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo ka mid ah musharixiinta ku jirta tartanka doorshada, si aad ahna loogu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin magacyada ay odayaasha dhaqanka soo qoreen ee xildhibaanada cusub.

– Shariif Xasan wuxuu heystaa 58 cod (Tirada mudanayaasha la filayo inay ugu jiraan baarlamaanka cusub).

- Sheekh Shariif wuxuu hadda heystaa 48 cod (tirada xildhibaanada u gashay baarlamaanka)

- C/weli Gaas wuxuu heystaa 26 cod (Tirada xulufadiida ku leedahay baarlamaanka)

Saadaashan waxaa dhici karta inay isbedesho maalmaha soo socda maadaama xulista baarlamaanka ay weli socota isla markaana laga yaabo in taageerayaasha musharixiinta qaar ay sare u kacaan ama yaraadaan halka musharixiin kalana ay soo bixi karaan dad iyaga u codeynaya.

Wararkii ugu dambeeyay ee xulista baarlamaanka

Maanta oo Talaado ah [14/08/2012] waxaa weli sii socda hawshii xulista iyo baarista ee ay wadeen xubnaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka, waxaana galabta kulan wada yeeshay xubno ka socday bulshada rayidka iyo guddiga farsamada inkastoo aan la ogeyn waxay ka wada hadleen.

Sida xubnaha guddiga ku jira Raxanreeb u sheegeen, waxaa aad u yar waqtiga u haray dhaarinta baarlamaanka oo illaa toddobaadkan la fili karo inay qaadato.  Waxaana weli lagu dadaalayaa in ugu yaraan 184 mudane oo ah meesha uu kooramka [kalfadhiga] baarlamaanka ku furmi karo la gaarsiiyo beryaha soo aadan haddiise ay dhici weyso waxaa adkaan doona in kulan baarlamaan uu qabsoomo.

Waxaa muuqata in guddiga xulista ee farsamada iyo saxiixayaasha ay isku maandhaafsan yihiin sida hawsha xulista loo wado kadib markii qaar badan oo ka mid ah dadkii odayaashu keeneen oo ay siyaasiyiintuna rabeen la diiday magacyadooda.  Guddiga xulista ayaa si rasmi ah u fariistay xerada AMISOM ee Xalane sababo la xiriira dhanka amaanka iyo hanjabaado dil ah oo loo jeediyey odayaasha iyo xubnaha guddiga qaarkood.

Dhanka kale tiradii 30%ee loo qoondeeyay in la siiyo haweenka ayaan weli la gaarin, waxaana sida xubnaha gudgiga noo sheegeen la dhaafi la’yahay 15% oo kaliya halka korjoogtada beesha caalamka ay diidan yihiin in wax gorgortan ah la geliyo koontada haweenka.

Madasha kala xulista baarlamaanka waxaa iyana ku soo biiray illaa 7 xubnood oo korjoogto ah oo kala socota Midowga Afrika, UN, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka “O.I.C”, ururka wadamada Bariga Afrika EAC iyo ururka IGAD. Waxayna shaqada xubnahan yahay inay xoojiyaan shuruudaha lagu kala xulanayo xildhibaanada cusub oo laga dhex raadinayo qabqablayaasha dagaalka, qaswadayaasha, burcad badeeda iyo Al-Shabaab.

 

 

RBC Radio

——————————————————————————————————————————
DIGNIIN:
Shabakada Raxanreeb waxay u digeysaa website-yada caadeystay inay xatooyada ku sameeyaan warbixinada Raxanreeb.  Raxanreeb iyo RBC Radio waxay weli ku guda jiraan baaritaan lagu hayo kuwa xatooyada ku caanbaxay iyo kuwa ku been abuurta warbixinada.

Share

Tags:

55 Responses for “XOG: Raxanreeb oo Heshay Saadaal Hordhac ah oo Muujineysa Tirada Codadka Ay Heystaan Labada Shariif Illaa Hadda”

  1. aarlibax says:

    walaahi saadaashaan haday run noqoto hoog iyo ba somalida waa usoo socdaa shariif sakiin markii 3 xaad somali haku soo noqdo waa wax mucjiso lugu tilmaami karo
    wadankaan dad maleh uganda ayaa dad unoqon doonta sida muuqata

  2. PUNTLANDER says:

    SOMALI WAXBA YAANA LAWALWALIN WADANKAAN ALLE AYAA FIIRSANAYA , SHARIIF SAKIINA ALLE AYAA UJEEDA. ALLE NAGUMASOOCELIYO . AAAMMMIIIINNN//////////////////////////

  3. mudug-hero says:

    Somaliya waa udhamaatay mar hadii shariif sakiin yimaado
    maxaa yeelay waxaa ladhahay
    ”’ hadii uu Taliyo nin aan Talinjirin waxaa taga nin aan tagi jirin”’
    sxb bayaal somaliya waa finish

  4. cawaale says:

    waxaan maqlay cabdi wali iyo faroole ayaa wada

  5. Bashir says:

    Shariif Xassan walaal waa isdaalinaa xataa Baarlamaanka masoo galaayo maxaayeelay Shahaado mahaysto, Haduu bugsoo samaystay suu ku dhaaranaayay, guddigu waa inay kasaaraan hadii kale biljirimayso Dawlada lasoo dhisayo,

  6. Canbaradegen says:

    Sc Wey u badatahay Waayo duul Markii la ragayo,
    Dadkii talin jirey baa macna beela,Oo waxey noqdaan dad aan dadka
    Kale Waxba u ogoleyn,koodii caqliga lahaana Wey hormareen.
    Marka waxaa soo baxaya dad aantalin jirin Haloo dulqaato,
    Soomali rageedii waxey noqdaan waxaad u jeediin mana isdhamaan
    Shariif xassan Waxii diidoow iyo Kii jeelow somali Isma dhaamto!

  7. Ali baari says:

    Raxanreeb Soomaali ha u saadaalina ba iyo hoog.

  8. ali says:

    waxaas waa dhibaato kale

  9. jama says:

    warkaas xageed ka hesheen raxanreeb waxad rabtaan inaad musharaxiinta dadka iyo dalka wax u qabanaya aad af kiina ku niyad jabisaaan waligiin ba saad jeceshihiin ayaad qortaaan lkn go ahead ayaan leenahay madaxwaynaha mustaqbalka cusub

  10. Haashim says:

    asc wr wb Ninkaan Qoro Raxanreeb sxb aan runta kuu sheego nin class 6 school ku dhacey yaad lee dahay 58 cotd buu heystaa, waxaana kuu sheegaya Nexxt Somali President waa Dr Cabdwali kana cilmi badan kana waxtar badan labadan nin aan aqoon laheyn. asc wr wb

  11. sool-Man says:

    Walee Somali waa u dhamaatay hadoo shariif Hassan (sakiin) madaxwene naqdo, waa ninki lahaa shahadooyin baan u iibanya ragan wato si aay barlamanka ku galaan…. Aloow shariif sakiin naga qabo.

  12. xoghaye says:

    aarow aragtidu waa midnoosimane
    arin ninkii lahaa hanankari wayay
    in loo ikmado oo lagu amro soo
    kuma haboona aayadii inan lihi qaadan kariwaayo soo
    inlagameersadaa sookuma haboon
    aanin nin arkaya oo tuugu ugahaboonyahay soo inuu eedaah kuma haboona
    soo inagaa arkaynana alow soo nagumahaboona

  13. Kilwe says:

    Saadaashan qaab noocee ah ayaa lagu sameeyey maadaama aysan jirin xildhimaano meel ku uruur San oo cod uruurin laga samayn karo!!!!! Mise arinta waxaa lagu saleeyey Reer walba inta u gashay Parlimaanka ilaa iminka.

  14. abdirahman-laaso says:

    Saadaashan Waa Halaagii Soomaaliya Ee Alle Run Kama Dhigo, Waayo Shariif Sakiin Loogama Baran Wanaag Soomaaliyeed,waana Qaswadaha-koowaad Iyo Fidno-wadaha Uu Dalku Kadegi La,yahay. War Inta Kaleba Hasoo Baxaane Naga Ilaaliya Shariif Sakiin. Wallaahay, Ninkaas Oo Soo Baxa Waxaan Kajeclahay Salaad Cali Jeelle Ama Waxmatarayaasha Kale, Markuu Hadlayo Iyo Qaabkiisaba Mid-Dulman Ayaad Mooddaa Waase Hoosta Kamunaafiq. Aabbaha Isdaba-mariska Iyo Xadhko Xidhayaasha Wadanka Kuwa Ugu Weyn Ayuu Kamid yahay.

  15. cadaani says:

    alow run hakadhigin waa saadaal halisteeda leh meel sakiin kusareeyo waameel lagu ba,ay

  16. Said says:

    Illaahey naguma soo celiyo laba shariif oo waddankii dhacay oo welina u sii ciilqaba. Allow waa ramadan ducadaas naga yeel. Illlaahow nin caadil ah oo waxna dilin, dhicin, boobin ama u sacaba tumayn xasuuqa dadka noo keen.

  17. maroodi says:

    kkkkkkkkkkk Anigu wxy ila tahay in uu ninkan noqonayo madaxweynaha shaydaan sakin oo ah cirbad dadka somaliyeed wadnaha uga taagan beesha caalamkana u ah ruufiyaan ruufiyaan dhalay.nin an wx qorin wxna aqrin mujtamac balaaran loo dhiibay meeshi ay gaaladu u jiheyso aadaya allow naga qabo

  18. Mursalow says:

    Waxaan daganahay LONDON waxaanan sameeyay baaritaan aan su’aalo ku waydiiyay saxiibadey oo ku kala duwan qabiil, shaqo iyo faham kulligood waxay isku raaceen in FARMAAJO, SAMATAR iyo BAADIYOW ay noqonayaan 1, 2 iyo 3. laakiin waxay ku kala duwanaayeen sida ay u kala horraynayaan.

    waxaanan filayaa haddii Xildhibaanada ay wadaniyad iyo somalinimo ku jirto inay doortaan dad somali ku farxayso oo lagu yaqaan wanaag, waddaniyad, waxqabad, somalinimo iyo islaanimo.

    Mahadsanidin

  19. Bahdoon says:

    RBC- war bahasha biyo nooga dara.

  20. bootaan says:

    waxani waasadaal xaqiiqna mahan laba shariif waa ku daaayeen cabdiwalina rajadiisa madaxwaynanimo waa 15 persant boqolkiiba meshaan rag kalaa kusoo baxaya iga qora taas

  21. war jiraa cakaaruu imaan wixii alle qorey ayaa qoran ramadaan ayaa lagu jiraah khayr ilaahay kabarya

  22. mahmed abdikarim says:

    shariif sakiin wadaad Hindi ah baa u sheegay in Ay waqtigiisiitahay lknse aragaanii in Hindi waxsiinkaro

  23. Aw Malaaq says:

    WAXBA IGAMA KHUSEEYO QABIIL, SHEEKH, SHARIIF, DOCTOR, BARFASSOOR. IWM

    ALLAHAYOW ARLIGEENA AMUURIHIISA NIMUU EEDO KA ILAAL

    RABBI BAAN U SOOMANAHAY iSAGAAN TALA SAARTEY.

    AAAAMIIIN

  24. Rooraaye says:

    S/calaykum dhamaan ninbaa waxaa laga soo wariyey kud ka guur oo qanjo u guur wax macna ah sameyn mayso hadii uu yimaado shariif 2arinku sidii uun buu ahaan lakiin waxaad moodaa in laga xulufo fiicanyahay shariif sh ahmed oo aawey bootadii tarsan walee sidii la sheegay u badi raxanreeb waad mahadsantihiin live coverage thnks

  25. libaan says:

    cawaale cawaan ayaa tahay ee magacyada madaxda iska dhaaf adiga iyo magacada iyo aqligaaya yar waa isku mid shit

  26. Rooraaye says:

    Mursaloow sxb dib ugu noqo intoodaba soo dhawaan maayaan maxaa yeelay ragbaa waxaan dabada ka soo wadey muddo dheer oo ma waxay kula tahay inay ciyaar ciyaar ku tagaayaan waan ar,kaynaa

  27. Uurdoox says:

    Qabyaalad baa idiin dilootay, intaad kala fadilaysaan rag aan isdhaamin

  28. B Jameeco says:

    Waxxaan u baahanahay nin dadka hororkka ah naga qabto oo hangol nooga qabta

  29. sheekhul says:

    saadaasha Raxanreeb ay sameeyeen. iyo tirida aad sheegteen isma lahan 165 ayaad sheegteen marka sida aad ugu qaybiseen tirada waxaa maqan 33 hadaba yay raacsanyihiin 33 kaas maad sheegtaan haday saadaashiinu saxantahay> war dadka ha waalina saadaalna ma ogidiine. sida ii muuqateee.

  30. F.B.I says:

    Horta war bixintan waxay cadaynaysaa nin walba inta qabiilkiisa parliamentiga ugu jiro balse hawshu saad wax usaadaaliseen kawayn adeerow 2da shariif warbixintii shala soo baxday waxa lugusoo daray inay xukuumada cusub soogali karin waana biyo kama dhibcaan hadalka UN aduunkana wuxuu larabaa meesha dr.gaas oo nin ka aqoon badan uusan muqdisho joogin

  31. siciid nugal says:

    sxb yakhey cabdi weli dooro waa faroole dooro aniga waa dhowehaa ninkas in la reebo waayo ma aha ninqaran ee waa ninqabill

  32. King Rat says:

    Shariif Hasan madaxweynaha soo socda iska dheh, waayo lacag, khiyaano, iyo gaalo dabada ka riixaysaba wuu haastaa. Tan labaad miyeydaan ogayn in dhammaan waxa musharrax ah oo dhan ay wada yihiin yamyam iyo qadaad weyn isbiirsaday ama isma dhaanto iyo dhasheed hadday cilmi leeyihiin iyo hadday caammo yihiin intaba. Waa su’aale goormaa Soomaaliya halyeyga, waddaniga ah, oo caddaaladda yaqaan ka dhashay? Tan iyo tii aan garaadsaday waxaan arkayey hoggaamiye Soomaaliyeed oo reerkiisu ku wareegsan yihiin sidii xaydaan oo kale. Tan saddexaad, waxaan yaacaya oo wada musharrax sheeganaya xaggay jireen 22kii sano oo la soo dhaafay maynu maqallo ayuu waxa jira ka hadlaya. Ugu danbayn Soomaaliya iga daa dal aan dad lahay, sidaas awgeed kii la doortaaba waa kii kale, isma dhaanto dhasheed iyo waalidkeed iska dheh, han yar oo jeebkooda la fil ah. Nin walbaa arrintaas aan qoray ha ku qorto xusuus qorkiisa oo ha la soo baxo marka mid ka mida la doorto. Arrintaana inaan denbi iga raacayn waxaa daliil u ah, haddada la joogo oo aan weli cid la dooran nin walba reerkiisaa ku wareegsan, cid kalena ma arki karo.

  33. hiraabey says:

    Shariif sakiin waa mu waadin soomaliyeed haduu maanta xukunka qabtana in sha allah isbadal baanu ka rajaynaynaa waayo waxuu somaliya u furaya waji cusub oo aan ahyn kaan kaga baranay madaxdii hore dalka usoo qabatay oo ahaa laba qabiil oo somali ka tirsan .marka in sha allah isbadal mira dhashan rajaynaynaa

  34. wiilgedo says:

    Shariif shaxaad ayaa ladhahaa ninka halis ayuu ku yahay hawlaha kala shaxadka ah tee da kale ninka falda qorey wuxuu wax ku saleysy in === oo dhsm dhariif sakin doratay ama ==iyo ==hal cabdiwali uu ku saleyay ==camal oo === ksle maqan yahay ee horta ma aha boqolkibo in uu heli karo intaas wayo wan ognahay ====hadii barlamanka lasoo hormariyo gudomiyohisa oo ay lu soo baxan === waa ku dayaya sakiin hundhuraa

  35. bardacad says:

    war adeerayaalow maxaad ugg udiidaysaan Sh.xasan ?
    bal horta hal mar labadaan uurkii habartood ku dagaalamay ee ==IYO ===dhina ha udhaafto JAGADA madaxwayne.
    Dadka kale ee Soomaaliyeed oo xataa 0.5ka lagu sheegay ha loo dhiibo.
    Xusuustoo bal maxaa shalay xulafadii Sh.Shariif iyo Xasa Aweys dhalay ?
    soo D’da nacaybkeeda maahayn?
    Haddii Cat and Mouse ay TIT for TAT isla cayaarayaan Bulac baahan oo bowd ka booda ayaa loo raadiyaa. lol

  36. Atoore23 says:

    Warka ay soo qortay Raxanreeb wax ka jiraa ma jiraan oo waa hadal mucaarad.Horudhac hadda la helikaraana ma jiro.Waa lagu yaqaan bah Raxanreeb nibcaanshaha reer puntland.Ayaguba puntland bay ku abtirsadaan laakiin waxaa ka tan badiyey xaasinimada uu Shaydaan ku beeray qalbigooda.Way ilaaween in ay ka mid yahiin reer puntland-ka ay la dagaalamayaan.Waatan haddeer la waraysanayo Ina Xoosh mana uusan sheegin sir fakatay iyo ax leak ah.Waa say jecel yahiin kuwa soo qoray hadalka an la hubin xogtiisa.Waana u garaad yari haddii ay Shariif Eelay la jecel yahiin in uu maamulo soomaaliya.

  37. Atoore23 says:

    KU.Mursaloow.
    Mursaloow waxaan kuu sheegayaa in uusan Ina Farmaajo helayn suu rabo.Waayo labada jago ee ugu saraysa soomaaliya waxaa kala leh [[[[[[[[[[[ iyo ]]]]]]]]]]]]]]].Ina Farmaajona wuu inkiray ]]]]]]] .Markii uu ahaa RW-saaraha waakii Voa-da ka yiri anigu ma aqoonsani wax la yiraahdo puntland.Hase ahaatee waxaan la xiriiraa Odayaasha iyo Shacabka.Isla markiina waxa ka dabo qaatay Ina Faroole illaa uu banaanka dhigay oo UN-ku ku yiraahdeen haddeer xilka tiri xoogaagaan lacagtaana qaado.Walina lama hayo meel uu ku yiri ha iga raali noqdeen reer puntland.
    Reer Luuq oo ay Ina farmaajo isku hayb yahiin waa kuwii xalay kalahaa Raadiyaha waxaan raacsannahay Dr.Cabdiweli Cali Gaas.Ugu dambeyn Ina Farmaajo isagaa iska qaribay suuqii uu haystey

  38. Mr. Jama says:

    Saadaashaan waa mid ku dhisan mala awaal. Waxaan ka xumahay in Raxanreeb ay ka hor dhacdo xaqiiqda isla markaana tartamayaasha ka soo qaadato oo kaliye sadex shakhsi oo lagu xusay dhaca hantidii dadwaynaha. Taariikhdaa iyadaa is qoraysa, xogta laga helayo Muqdishana badankood waxayba tibaaxayaan in Somalidu baraarugtay rabtana in ay ka tashadaan aayahooda. Waa nasiib xumo in Raxanreeb marakan saadaal aan jirin ummadda siiyo iyadoo aduunkuba go’aan midaysan ka qaatay sidii ragan lagu soo eedeeyaya musuqmaasuqa looga dheerayn lahaa awooda ay haystaan.

  39. keerow says:

    WAXAA HABOON IN LEYSLA TUURO LABA SHARIIF OO LABADUBA AY YIHIIN MUSIIBO IYO FITNO SOMALIA LOO SOO DIREY.

    HADDII AAD KALA REEBTAAN OO MID UUN AAD DHAHDAAN WAA XUN YAHAY WAXAAD LA MID NOQONEYSAAN KII YIRI ” KHANZIIRKA HILIBKIISAA WAA XAARAAN, LAAKIN MARAQIISA AMA FUUDKIISA WAA XALAAL”.

    HADEYNU NAHAY SOMALI WAXAA NAHAY UMMAD ILAAHEEY WAXII FAREY OO SAMAAN AH AY KA HOR MARINEYSO QABIILKEEDA, DANAHEEDA, KUNA SIFOWDEY MUNAAFAQNIMO IYO DULMI KAL KAALIN, TAASNA INEY KU NAAR TAGAAN MOOYEE AYSAN WAX FIICAN KA KEENI DOONIN.

    ANIGA WAXAAN ORAN LAHAA ILAAHEEY SOMALIA HA U KEENO HOGAAN AMA MADAX ALLE KA CABSI LEH, IIMAANKOODANA BUUXA, XISHOODA , DALKA , DADKA , DEEGAANKA IYO DIINTA ISLAAMKANA QADDARIYA , KUAASNA MARNABA MA NOQON KARAAN LABA SHARIIF, CABDI WELI IYO INTA U SACAB TUMEYSA, DULMIGANA KU TAAGEEREYSA.

  40. Ahmed says:

    Md Sharif Hasan Sheikh Adan, can be the next Somali President, whether you like it or not. Shariif Xasan waa nin nabad ah oo aan qabqable ahayn oo aan qori qaadan, beeshiisana (Ashraaf) qori qaadan. Wuxuu u tanaasuley Sheikh Shariif, Wuxuu Baydhabo geeyey AUN A/lahi Yusuf oo ku bahdalnaa Jawhar oo MDhere magan u ahaa, Wuxuu dhexdhexaadinayey Dowladii uu speaker ka ahaa iyo maxkamadihii, balse AUN Yusuf ayaa horjoogsadey wadahadlkii Khartuum, wuxuu aad uga soo horjeestey duulaankii Xabashida wuxuuna xarun ka dhigtey Asmara, wuxuu waasto ka noqdey Sheikh Shariif oo madfac Mareykanka kula dhacayeen Kulbiyow. Intaas iyo in ka badanba kuma jirin wax uu shaqsi ahaan u watey balse maslaxada umada Somaliyed. ee Illaah intaad ka cabsataan qofka waxa uu galay hala sheego ee dhinaca qabiilka yaan wax laga eegin.

    Shariifka kuwo Prof amd Dr wata oo sidii geeljirihii u dhaqma ayuu meel ku xirey taasna waxaa samayn kara qof caqliga isticmaala. Sanadkan dowlada soo socota dadkii 50 sano boobka iyo xaaraanta ku naaxey waa BIG NO NO, inshallaah. Illaahey dad ka socda labada beel ee Soomaaliya meesha maanta ay joogta dhigey wax hanagu darin, ma rabno inaan aragno PM iyo Madaxweyne markasta isku dhegan. Beelaha geeljiraha u badan waxaan leeyahay bal meel fadhiista ee afar sano nasta, quraana waan idin saareynaa si Illaahey caafimaad idinkugu daro, markaasna one man on vote isku diyaariya.

  41. m says:

    ilaahow laba shariif wax dhaama noogu badal ilaahow laba shariif wax dhaama noogu badal ilaahow laba shariif wax dhaama noogu badal

  42. Rerbaydhabo says:

    Nin sh xasan aan ahayn oo somali nabad ka dhigi karo ma jiro

  43. Cabbire Fegradaha says:

    Wax la yiri qabqablayaashii dagaalka waa la reebay. Sheekh Shariif miyaa nu warlord ahayn?

  44. Fouad says:

    Maxa logu ciyaraya maskaxada dadka somaliyed (somali aya hore utidhi war laqaba xisemaleh) ee saxada siyasada haka baxan dhaman mamulki ku melgadhaka ee kufashilmay mamulka ?

    Dr fouad ibrahi(abu rayan)

  45. RUN KASHEEG says:

    waxaa wada socda marba nooc oo kuwii hore kadaran war aboowe yaaloow faroole waa saaxiibkii qaybdiid waa saaxiibkii qanyare waa saaxibkii waxaana somalidu tiraahdaa god hadimo ha qodin ku dhici doontaana MOOYEE? waxaan xusuustaa maalintii cuqubo cuqubo caawinaysey ee farmaajo iyo sakiin intii sakiin raacsanay ee ujiibinaysey waxaa laga rabaa in ay somali godka ay kurideen kasaaran ? waayo sakiin maalintaas wuxuu ahaa gardaro garab og oo waxaa lagu taageerayey dulmi dulmina qifka qof kutaageeraa? waxaa hubaala in uu isgana? cunayo sidii 2 MAS OO ISLIQAYA CAJIIB waxaana la liqaa kan isagoo arka xaqa kan tuuga ah kutaageera daalimnimada ee hala xejisto RUNTANA HALAYSU SHEEGO? KUMEELGAAR KUGUMEEGAARYE

  46. zack-london says:

    bahdoon———– saxiib waa run kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sheekada way culustahey…….in biyo lagu daro………..waaye

  47. Axmed yare says:

    Raxanreeb waligeed ayay taagere u hayd shariif sakin idinla yaabi maayo. Waxaan xasuustaa Raxanreeb oo Aad buunbuunisa ninkaa, Iyo dad raxanwayn Ayaa bosaso Iyo galkacyo Iyo garawe lagu laayay. Shaqo Ka dhigta, waxaadse ceeboobaysaan markuu sedex cod Ka helo dorashada. Hasugi waayina.

  48. Aniga says:

    waa wareey shariif sakiin yaa naga qabta waa maafiyada soomaaliya

  49. Ali Soomali says:

    waxaan idin oran lahaa kuwa Sharif Xasan dhaleeceynaya sakiin liqa, nothing you can do about it, haddii qabiil aad ku faneysey, waddanka AMISOM ayaa ka askar ah marka idinka ayar intaad qol gashaan is merjiya.

  50. caraseedo says:

    Raxanreeb Su’aal: xigashada beentaa ma lacag baad ku heshaa???Xayeeysiiska iska daa aad u samaynayso laba shariif kaliya,Waar aaway raggii kale,ma xuud baa liqay???????????.

  51. xaawo says:

    asc walaalayaaloow walaahi soomaali da kuli waa isku af walaahi wax idinka xun ma jiraan ayaan umalaynayaa maxaa yeelay waxaa marlamanka laga helayaa boqolaal aan wax shahaado ah haysan marka maxaa idin tusay sheekh shariif sheekh adan waa naxli idinka buuxa ee ninba waa markiise udaya asna markiisa una haneya oo candhuuftiina dub ulaqa mansha allaah sheekh shariif sheekh adan hadii ilaah noogu dhiibo aamiin

  52. kismaayo says:

    waryaa dadka qaar ma saanaa ka dhaba wele waa yaab oo raxanreb haday dhahdo xaar ayaa 100 cod haysta mala saadaalinayaa acuuuuuuuuuuuuuuuuudu bilaah war wxaas oo kale l;agama sheekeeyo gaalada xataa yeelimayso kan wahy ogtahy sakiinimada inuu ina gumeednimo ku darsaday mxaa mooday gaalada war waa ogyihiin dadka talada qabankara oo majooratiga ah hana waalinin anaga wxaas oo kalena fadlan meesha ka qaada war ninkaas habaarkii umada ayaa kari waayay waa ehlu naar loo jeedo xiligii kaas madaxwayne noo noon lahaa illaahow hana gaarsiin wxaba hanixina umaday madaxwaynaha sanadka waa dadkeedii waana garanaysaan idiin sheegi mayo waad ogtihiin hadaa caqligiinu shaqaynayo wxaa liyiri qofkii wxa ku yeeli kara ayaa wxa ku tari kara marka habaarka naga daaya dad habaaran ma nihiin waalidkeena naba habaarin shariif sakiin mxaa noo keenaya ma tuunji baan ka dhiganaynaa caruurtayadu tuunji waa haysataa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  53. Wiilwaal says:

    Shariifyo Waa Kuwee Ma Shahadaan Suuqaytaal Baa Waabay Soo Gadanayan

  54. Caliyaalo says:

    dhib maleh, inta kalaa inta isku darsata meesha laga saarin labada shariif.

  55. Caraale says:

    KKKKKKKKKKKKKKKK Waa qaran qaadwale madaxweyne u noqdey fiicanaa waa si fiican u qayil maxaa somali qurun ley kaa galey, waa maqleyseen in uu ku handadayey wasiir xoosh ee uu lahaa shahaadada suuqaan ka soo gadanayaa ma adaa diidi kara.

Leave a Reply