XOG: Saraakiil Kenyan ah oo Sheegay in 60-Maalmood Gudahood Ay Ku Bilaabi Doonaan Shidaal Baarista Laga Sameynayo Badda Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Isha Sawirka Somalitalk.com

Nairobi (RBC) Saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in mudo lixdan maalmood gudahood ay ku bilaabi doonaan qorshe shidaal looga baarayo meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha Kenyanka waxay sheegeen in qorshaha shidaal baarista uusan ahayn mid qarsoon isla markaana dawlada Kenya ay heysato sharciyo iyo heshiisyo u baneynaya inay shidaal ka baarato dhulka lagu muransan yahay [siday u yaqaanaan]. Waxaana baaritaanka shidaalka badda ee Kenya ay bilaabayso ay la kaashaneysaa shirkado ajnabi ah oo ay ka mid yihiin shirkadda Total ee Faransiiska laga leeyahay, Shirkada Statoil oo laga leeyahay Norway, Shirkada Petrobras oo laga leeyahay Brazil, Shirkadda Apache Corporation Barazil iyo shirkada Tullow Oil Plc oo laga leeyahay UK. [Akhri warbixin lagu daabacay bogga wararka stratiijiyada http://intelligencebriefs.com/?p=2251]

Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa xusid mudan in Kenya ay dhulka ay shidaalka ka baareyso oo ay ku jirto xeebta Kismaayo u taqaano “dhul biyood lagu muransan yahay”. Illaa haddana DKMG ah ee xilkeedu dhamaaday kama hadlin boobka lagu hayo dhul biyoodka Soomaaliya, waxaana xiise leh in waqtiga ay arimahan Kenya ku dhawaaqday ay tahay xilli doorasho ay ka dhacayso Muqdisho oo dawladii dhacday maamulkeeda iyo musharixiinta cusuba ay ku jiraan loolan siyaasadeed.

Sida wargeysyada qoreen waxaa qorshaha baarista shidaalka uu dabajoogaa duulaanka ciidamada Kenya isu diyaarinayaan inay ku galaan magaalada Kismaayo xilligaasoo ay suurtagal tahay in farsamayaqaanada shirkadaha ajnabiga ee hawsha baarista sameynaya la geeyo xeebaha gobolka Jubbada Hoose si ay u bilaabaan shidaal baarista degdega ee ay Kenya wado.

Prof Maxamed Cumar Dalxa

Waxaa beryihii u dambeeyay boobka Kenya ka qeyliyey xildhibaano uu ugu horeeyso Prof Maxamed Cumar Dalxa oo uga digay Kenya inay joojiso waxa uu ugu yeeray “qorshaha ka gaarsiinta” ee ay ku heyso xeebaha jamhuuriyada Soomaaliya.

Heshiisyada ay dawlada Kenya ku doodeyso inay ogolaanayaan inay shidaal ka baarato dhulka ay u taqaano in lagu muransan yahay ayaa ku eg heshiis la sheegay in dawladii Cumar C/rashiid ee uu wasiirka kalluumeysiga ka ahaa C/raxmaan Ibbi u saxiixday Kenya kaasoo uu saxiixay C/raxmaan C/shakuur oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya. Waxaase xusid mudan in baarlamaankii burburay ee Soomaaliya uu cod aqlabiyad ah ku buriyey heshiiskaasi walow waraaqihii saxiixnaa weli ay yaallaan wasaaradda arimaha dibadda Kenya.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Musharixiinta oo aan rabin inay hadlaan

Musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada gaar ahaan kuwa ka soo dhex bacxay dawladii dhacday ee KMG ayaa iska ilaalinaya in Kenya ay qoonsato haddii ay ka horyimaadaan boobkan qaawan ee ay Kenya ku soo wado xeebaha dalka, si gaar ahna waxaaba loogu digay rag masuuliyiinta DKMG ka mid ah oo loo sheegay inay iska daayaan iska horkeenka ay wadaan.

Ilo wareedyo ayaa Raxanreeb u sheegay in arimo badan oo maslaxada dalka ah ay lumi doonaan iyadoo maslaxada siyaasiga ee gaar ahaaneed la fiirinayo, taasina ay dadka iyo dalkaba u keeni doonto murugo qaran oo aan laga soo waaqsan doonin.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

48 Responses for “XOG: Saraakiil Kenyan ah oo Sheegay in 60-Maalmood Gudahood Ay Ku Bilaabi Doonaan Shidaal Baarista Laga Sameynayo Badda Soomaaliya”

  1. [...] Read this article: XOG: Saraakiil Kenyan ah oo Sheegay in 60-Maalmood Gudahood Ay Ku Bilaabi Doonaan Shidaal Baarista L… [...]

  2. Raggii u saxiixey waa kuwa wali madaxweyne u sharaxan haddba somaliya Kenya haddey gasho waa in ay somaliya leedahey waayo ragga u saxiixey ayaa madaxweyne rajo ka qabaan haddaba somaliya waxa meesha dhigey waa kuwaan oo dowlada somaliya kama dhalaneyso waayo tuugo ayaa meesha isgu tagey oo aan somalia aan dan u haynin oo qaar xildhibanada waxey ku gateen gursiga lacag dhan10.000$ hadda waxa ka soo bixi kara waa caado qaate meesha ku hardamaya oo aan somaliya dan u haynin ragaan marba shaarka soo badalanya waa kuwa meesha dhigey

  3. bandarqasimi says:

    war ileen balaayo hade waa kenya waxa ina dhacaysa …ilaahaw amuurtaada adaa u suldaan ah shabaab baa ka adag kuwaa walaysan wax ka bari karin gudaha soomalia shabab baanu u xil saaranay arin

  4. somali says:

    shikh shariif iyo cabdi wali ba kamasuula wadankii bey iibsadeen

  5. somalijecel says:

    KKKKKKKKKKKKK Marka hore waa arrin naxdin iyo murug is dulsaaran balse qabiil haddii uu halkaa ina geeyay maxaan ku eednaa ummado kale oo cayaalkooda nolol u raadinaya?
    Waa wax iska cad in arrintan ay reer galbeedka wateen waligood iyagoo u maraya kooxo ay u garanayaan qabaailka xaddaaradda fog leh(kuwa somalinimadu kala weyn tahay ajanabi jacaylka)
    waxaase aad ugu farxi lahaa in kuwaasi ay fahmaan arrintaas ah in dadkooda iyo dalkooda cadow looga dhigayo balse iima muuqato.Marka somaliya waxaa u haray oo kaliya in aan u kala dhuumano ku biiridda dalalkii na baabiyay

  6. Somame says:

    Haladoor cali khaliif isaga ayaa sidi ithobiya kahadlaya aritan madhacayso xilsare haduu qobto dhulkena laboobo

  7. wadaniyada says:

    Asc .. WALee DOWLADA KENYO iNeeY DheeL DheeL Ku DhaxLin DhuL SOOMAALI LeedahaY HADUU XOOG wax TaraaYo ALLEH Ha UNaxariistee SEDAAM XUSEEN BAA MAANTA DALKA KUWEEYD U TALIN LaHaa .. TaN KaLe oo Ah DOWLADAHAAN SHIDAALKA QODAAYO WEEY OGYIHIIN DHIBAATADA IYO CEEBTA BERI UGA IMAAN DOONTO HADEEY OILYO IYO BETROOL SOOMAALI LEEDAHAY SIIYAAN DALKA KEENYO …… FRANSIISKA WUXUU DIIDAY ENGLAND INUU WAX LA QEEYBSADO …… NORWEEY WAXEEY DIIDEEN SWEEDHAN INEEY SHIDAALKA LA QEEYBSADAAN …….. OO YAA KA YEELI DOONO SHIDAALKA SOOMAALI BAAN DAL KALE SIINEEYNAA …. DALKA SOOMAALIYEED MALAHEEYN MUDO 22SANO WAX SHARCI AH OO DIBADA KA SHAQEEYO …….. SIDEE LOOGU FULIN KARAA SAXIIX UU SAXIIXAY SIYAASAD XUMO CAADA QAATE AH SAXIIXIISA ANSAX MA AHAN WAANA DIIDNAY TAAS HADAAN NAHAY MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE QURBAHA KU NOOL … WSC..WR..WB

  8. runlow says:

    Arrintaan xadgudubka ah yaan la iska indhatirin ee Ummadda Soomaaliyeed xal deg deg ah ha
    u helaan. Ummadda Soomaaliyeed ayaga ayaa badbaadsankara DHULBADEEDKEEDA.
    Waxaa ku filan hal maalin oo aay u istaagaan oo tusaan in aaysan Soomaalidu yeeleynin RAALINA KA AHAYN xadgudubka qaawan oo dhulbadeedkeedii aay ku hayaan:- 1) BURCAD BADEED,
    2) TUUGO XAALUFIYAY 22 SANO -KALLUUNKI, SUN IYO QASHINKANA KU SHUBAYAY IYO
    3) KENYA OO HESHIIS CAALAMI AH KULA GASHAY SHIRKADO BATROOL UGA SOO SAARA
    DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED.

    Dhul badeedkii Soomaaliyeed waxaa si aan gabasho laheen ugu soo xad-gudbay Shirkado batrool u qodaya Kenya. Shirkadaha heshiiska caalamiga ah aay Kenya la gashay oo kusoo xadgudbay dhulbadeedka Soomaaliya aay kala yihiin:-

    Anadarko: Block L5,
    Total: Block L22
    ENI: Block L21, L23, L24
    Statoil: Block L26
    Zarara Oil: Block L13

    SomaliTalk.com » Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil …

    Dhul badeedkaas lagu soo xadgudbay waa midkii
    Heshiiskii IS-AFGARAD oo Qaramada Midoobay
    uu kasoo qaaday waxba kama jiraan.

  9. Axmed says:

    Asc wale hadii ay soofaragaliso kenya wadan keena inay kashalaayidoontaa

  10. A.A.Xade says:

    Aad baan uga xumahay waxa Somaliya ka socda iyo dadka hammiga yar ee dalkani loo dhiibtay sida aay danta shaqsi uga hor mariyeen dantii qaran lahaa. Nin aanan talin jirin hadduu taliyo tanoo ayaa dhacda!

    Waxaan hubaa, in naftii nooli la kulmeeyso farxad iyo xalool xumo labaduba, maxaa yeelay waxaan u soo joogay magaalada Kismaayo oo ahayd saldhiggii 43aad ee XDS gaar ahaan ciidamada badda oo aay ka hawlgalaan wax ka badan 6,000 oo askeri oo ciidamada badda ah kuna qalabeeysan illaa 12 markab oo ah noocya kala duwan oo kuwa dagaalka ah, oo gaaf wareegaya min Raaskaambooni illaa iyo Baraawe baddaa weeyninka badan ee u dhexeeyso oo aay mas’uul ka ahaayeen. Kenyaankuna aay aad u xushmeeyaan xitaa haddii badduudu lagu xad gudbo, oo aay inta baryaan ka codsadaan in aay ka noqdaan, iska daa in aay baddayadu u soo hawoodaane!!!

    Maantana cimrigeeygu wuxuu i gaarsiiyey, in aan arko Kenya oo 300km gudaha u soo gashay baddii Somaliya ee mar sidaa u asturneyd, maraakiibteediina aayba Xeebta Kismaayo gaaf wareegayaan iyagoo qaba damac ah in aay Kismaayaduba ku darsadaan sheegashadooda. Iyadoo dalkiina loo dhiibtay niman koofiyada waaweyn oo ku qanacsan xil loo dhiibta oo aay ku dulleeysnaadaan iyaga iyo ummaddii aay metelayeenba. Cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib.

  11. Mursalow says:

    Saxid yar APACHE waxaa laga leeyahay MARAYKAN.

    Companiyadan waa qawlaysato waxaana wax ka qaban kara ayadoo la doorto adaxwayne wax kala garanaya sida, FARMAAJO, SAMATAR AMA BAADIYOW. Hadaad labada shariif doorataan lacagtaas shidaalak baa wax laga siinayaa

  12. allaale says:

    balaq balaq markay qaranka ridaysay maxay moodaysay kursi qabiil ku doonkii jamhado samayntii waar waxaas ka baxa dhulkaa magaca laga badali doonaa dadyoow baana soo dagi doona somaliguna maynorati buu ka noqon doonaa…….

  13. rooraaye says:

    salaan ka dib kenya waxay tiri ka faaiidayso walee markay wadankeena faraha la gasho soomaali waa israacaysaa haltaako oo ka mid ah bada iyo beriga cidii faraha la gasha walee waxa dhaca muddo waa laga sheekaynayaa kenya alshabaab ayey iska celin wayday hadii aay ku soo xoomaan dhamaan soomaali oo wada qori tikniko ah walee nairobi ayaa halis galaysa yaa yiraahda ka joog car yaan laga hadlin maalmaha soo socda oo murashixiinta

  14. Garyaqaan says:

    Uganda, Kenya,,ithopia, Jabuti,, waxay u tashaden soomaali ya oo ah manta laangaab iyo looma ooyaan a away qabiiladii laandheraha Sheehan jiray. , xaqii baa cadaaday baadilkii baa baxay xaqdaradii. 4.5 baa dhashay maanta in soomaali oo dhan ay noqoto Wada laangaab ka dacwoonaya qofwalba. Xataa madaxwayne ka dacwoonaya gudi farsamo u nadacwoonaya mahiga oo aabaha .5 ka,, Allahu Akbar. Xaqii baayimid.

  15. rooraaye says:

    maya sxb waxaa dhibaatada iyo daciifnimada soomaalida ugu wacan ayagaa qabiil qabiil isugu mashquulay walaalayaal ilaah kabaqa oo aan is aamino wadankii waa baylah itoobiya iyo kenya nagu dayaaya gaalo madoow haku boobaan oo maalin walba hakuu hanjabo waa arin daciifnimo ah kenya we have to stop wake up guys somaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadayee

  16. soomaali says:

    arintaan waxay u taalaaa baarlamaanka cusub iyo saxaafada soomaaliyeed maanta iyagaa matala somalia

  17. Fursad says:

    Waa marka ay ugu macaan tahay oo isku duubni dheeri ah lahelilahaa. Waa fursad soomaaalida kenya ay uga soo bixi lahaayeen oo ay wadankooda dhisan lahaayeen, yaan la khasaarin fursadan oo waxaan leeyahay siyaasiga wadanka qabandoona, dharbaaxo iyo dagaal culus hakaga hortago kenya, it is time somalis to build their country and leave kenya, eventhough i wish kenya in good terms in aan ku kala tagno, but who a break up was never easy, lets do this, and lets put kenya where it belongs,.

  18. Fursad says:

    HADAL IYO DHAMAANTII, KENYA HALA CUNO, ANAGOO U KAASHANAYNA TURKEY IYO WADAMADA MUSLIMKA AH, LETS PUT THEM IN THE HISTORY BOOKS, STUPID KENYANS,.

  19. Puntland boy says:

    Waa nasiib daro in aan loosoo jeedin difaacida Dalka Is weeydiiya kenya Maxay u Qabaan ladahay Kismaayo, Soomaaliyeey Wadankaan waa Qaniye Iska daaya Qabyaalada Iwm
    Bad & Bariba Gacantuu kabaxay Tuke kastana waa na soohunguri yeeyay , Isweydiiya Xornimadaan See ku helnay Yaase noo Keenay ? Dalse malagu helaa Bilaash ? Kama quusano miyaa Qabyaalada ? Kenya imasa qoomiyadood baa kunool oo kala afa & Diinba, Ethiopia sidoo kale , Waxyarbaa noo Haray hadaanan Isdaba Qaban, 20 sano mayara waa waqti dheer Xagee kajoognaa Aduunka Maanta ? Soomaaliyeey Qabyaaladi Qaran manoqotee Aan isradaba Qabano , Viva Punyland & Soomaalia

  20. NINA says:

    soomalidu ama waa jaahiliin ama waa dad waalan weli lama arag dad dalkoodii oo lala wareegayo iska daawanaya adeer masay iyo oromo ayaa dalka xuquuq ku yeelan doonta carabtaa tidhaahda maalka cidlada yaalaa dadkuu tuuganimada baraa dhul baylah ah waa lagula degi bal aynu markaa land land la or orodno

  21. hasiim says:

    @soomane kkkkkkkkkkk cali khalif soo kii dowladii somalia oo jirta dhaceey oo lacagta yurub ula carareey mahan ma maantuu deynayaa kkkkkkkkkkkk tii carta meel haku sheego horta

  22. KAAFI says:

    @somalia sxb abdiwali inta hada jirta oo nabadaa buu ilahey ka sakoow keeney marka arinkaas isaga waa ka horeeyey ee maa ka deeysid neceyb baa ku qabtaa khaaseee.

  23. hassan says:

    kkkkkkkkk cali khaliif soo ninkii dowladdii somalia dhaceey oo lacagta la goosteey hadana tii carta account ku shubteey goormuu nin wanaagsan noqdeey walee somalia waxaa dilaya qabiil iyo dhuuni iyo dadnimo xumo.

  24. zack-london says:

    Run Ama Been …………soomaliya way tashan waysey……..markaa……waxaan nii shegayaa…..in ay somalia ay Tariikh ay noqon doonto………….cudur la yiraahdo Cancer qabiil…baa dadka ku dhacey…aan daawo la heen…………….somaliaa waa tariikh jiri jirtey……

  25. Ha is raacdo diidaye hays raamsatee daaa ???

    Ha wareegto giraantu

  26. Dada amin says:

    Wan ka xumahay wlh in dalkena laga ibiyo xabashi xun o wax magarata nimaki saxixayna arinka wali wa jogan kuwas hadi somaliya gaqabalaha wa hagagi laheyd daka wana in an aska celina xabashida dalkena ku sodushay

  27. sheekaale says:

    war waxaa ka hadlaysaan dhul horay loo kala gatay ee ragan meesha hor boodaayo waa shariif yada cabdi wali faroole iyo im tooda badan waxay isku hays taan maaha kursi ee waa iibsiga iyo macaashka inta kale ee noo hartay ee shacabka damiirkiisa horayba u dileenee ilaahow adaa yaqaan sida xaalku moqon

  28. muna says:

    @hassan indhaha aad Cali khaliif ku aragtay Allah hakugu duwo in aad ku argto kenyanka waxa halkaa na dhigay waa fara isku fiiqa dad qabiil dhuuxa ka galay oo hada soo baraarugay,,, dadka hada hogaamiye kooxyadii ku daray baarlamanka kuwaas ayaa idin matala oo an bad iyo bariba dan kala hayn

  29. Barwaaqo says:

    Alay lehe maantay taagan tahay aan ooyee albaabka ii xidha.

    @ NINA

    Adiga masayrka Somaliland baa ku madax maray! Alow Lanta noo dhowr Somalia- na waa walaalahayo oo uma ogolin Kenyati farta ku soo fiiqa.

  30. NINA says:

    barwaqo
    inabti sawta oromo la wareegtay dhulkaad ka hadlayso miyaadan ogayn? weli ma riyadii yarayd baad madadaalinaysaa sidii oroma looga qixin lahaa dhulkaa ayaa soomaaliya la gudboon eedadayna igu salaan kkkkkk

  31. Barwaaqo says:

    @ NINA

    Inaabti kkk oo waad i garanaysaaye. Eedadaa hada Buuhoodle ayey ku maqan tahay oo mid ay eedo u tahay bey raacday.

  32. Puntlandboys says:

    Cabdirahman musharax ayu iska dhigaya intu wadanka gatay? Dalxa hala doorto asaga wadani ah o ka damqaday ee caada qaatahas wadanka yaan loo dhiibin

  33. [...] Afrika ayaa u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in dawlada Uganda ay si weyn uga careysan tahay hindisaha Kenya ee ku wajahan shidaal baarista gudaha Soomaaliya kaasoo dawlada Uganda ay u aragto qorshe fashilin kara hawlgalka Amisom ee Soomaaliya. Akhri [...]

  34. [...] Uganda Yuweri Musefeni ayaa bishii hore si cad u diiday damaca Kenya ee shidaal baarista gudaha Sooomaaliya  [Akhri warbixin] kaasoo Musefeni uu ku tilmaamay inay “wiiqeyso muhimada hawlgalka“ [...]

  35. [...] la ogyahay in dowladda Kenya qorsheysay islamarkaasna bilowday meelmarinta ceelal shidaal oo laga qodayo xudduud badeedka Soomaaliya [Akhri warbixin] taasoo Soomaaliya baarlamaankeeda uu diidey islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ka [...]

  36. [...] la ogyahay in dowladda Kenya qorsheysay islamarkaasna bilowday meelmarinta ceelal shidaal oo laga qodayo xudduud badeedka Soomaaliya  taasoo Soomaaliya baarlamaankeeda uu diidey islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ka goos adeygtay [...]

  37. [...] Kibaki taasoo uu kaga dalbaday in Kenya ay joojiso shidaal baarista ay ka damacsan tahay “biyaha lagu muransan yahay” ee [...]

  38. farhan says:

    raxanreeb waxaa sheegayaa waxaa jira wax tariikhda aan kaa harin ee kismaayo adiga beey kaa maqan tahay laakin hadalada shiikhaasha iyo gaaljacelka ha qorin oo ka fiirso waxaa qoreyso kosmaayo iyadaa waxa ay leedahay shidaal ka badan kan kenya marka waxaa la rabaa in la isku haysto oo sidaa ahaato maxaa eey shabaab uga bixi waayeen sidii baydhabo marka jowhar waxaa hada wata ninkii diidey in uu ku dagaalamo baydhabo ee abu mansoor

  39. [...] Mwai Kibaki taasoo uu kaga dalbaday in Kenya ay joojiso shidaal baarista ay ka damacsan tahay “biyaha lagu muransan yahay” ee [...]

  40. [...] Uganda ayaa dhanka kale ka careysan damaca Kenya ee ku wajahan inay shidaal ka baaranayaan xeebaha gobolka Jubbada Hoose kaasoo uu si weyn u diiday [...]

  41. Asc alloow sahal amuuraha kenya waxay kismaayo ugashayba wa inay nabobto o shidaalka somaliya iyo kaluunka boobto marka aniga waxan oran lahaa waxaa maanta somaliya madaxweyne ka ah pro xassan shekh maxamuud oo nin somali ah oo wadani ah isga ayaayna utaalaa mas,uuliyadaas wana in u kenya usheegaa in ay jojiso boobka una shega maanta in ummada soomaaliyeed dhamanteed hurdadii kasoo wada kacday ayna ogalayn in lagu xad gudbo dhulkooda tan kale waxan kulla talin lahaa madaxweynaha in doorta raysalwasaare wax tar ah waxana kula talin lahaa in uu kadhigo mudane pro farmaajo iasaga ayaana umada samata bixin karo hadiise aad dooran weyso waligeen halakan ayan joogi doonaa fadlan farmaajo hala doorto wabilaahi towfiiq

  42. [...] la ogyahay in dowladda Kenya qorsheysay islamarkaasna bilowday meelmarinta ceelal shidaal oo laga qodayo xudduud badeedka Soomaaliya, taasoo Soomaaliya baarlamaankeeda uu diidey islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ka goos adeygtay [...]

  43. [...] wuxuu sheegat in murankaasi loo xalin doono “si saaxiibtinimo leh”.  Kama uusan hadlin damaca Kenya ee ku wajahan shidaal baarista koonfurta badda Kismaayo. [AKHRI warbixin damaca [...]

  44. [...] Kama uusan hadlin damaca Kenya ee ku wajiahan shidaal baarista koonfurta badda Kismaayo halkaasoo Kenya ay dhowaan shaacisay inay shidaal ka baaraneyso. [AKHRI warbixin damaca Kenya] [...]

  45. [...] uusan hadlin damaca Kenya ee ku wajahan shidaal baarista koonfurta badda Kismaayo halkaasoo Kenya ay dhowaan shaacisay inay shidaal ka baaraneyso. [...]

  46. [...] inay faraha la gasho arimaha gudaha ee Soomaalida, sida iyada oo taageereyso maleeshiyaad gooni ah, qorshaheeda shidaal baarista iyo hawlgalka Kiasmaayo oo u eg mid intiisa badan aan waxba laga weydiin dawlada iyo madaxweynaha [...]

  47. [...] Goobaha shidaal baarista laga sameynayo ee dawlada Kiinya shaacisay waxay guud ahaan ka kooban yihiin 46 goobood, sagaal ka mid ah goobahaasina waxay ku yaalliin gudaha badweynta Hindiya. [...]

  48. [...] Barta uu tilmaamayo wasiirka Kiinyanka ah ayaa ah qiyaastii 3900Sq km Xeebta Magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya. Waxaa kaloo jira ceel kale oo Kiinya baaritaankiisu ka bilaabeyso xeebta Lamu ( [...]

Leave a Reply