XOG: Shaxda Shariif Xasan u Dejiyey Ololihiisa Doorashada 20-ka Agoosto
Nairobi (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar ahaan jiray afhayeenka baarlamaanka KMG Soomaaliya oo haatan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad tartanka madaxtinimada dalka ayaa xulufadiisa noocyada badan ku dhisaya hab ku saleysan awood qeybsiga beelaha ee afarta iyo barka (4.5) taasoo uu qorsheynayo inay isaga gayeysiiso kursiga madaxtinimada dalka waqtigan cusub.
Ilo wareedyo aad ugu dhow Shariif Xasan oo ku sugan gudaha dalka iyo dibada ayaa Raxanreeb u sheegay qaabka ay hadda u degsan tahay shaxda Shariif Xasan ugu talagalay inuu ku maareeyo ololihiisa doorashada madaxtinimada ee 20-ka Agoosto, taasoo uu beryahanba taageero kaga raadinayey siyaasiyiinta beelaha Daarood, Hawiye iyo Dir.
Inkastoo aan la ogeyn in la isku afgartay, haddana Shariif Xasan wuxuu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo raysul wasaare C/weli Gaas (oo isku beel ah) ka codsaday inay ku taageeraan sidii uu isaga madaxweynaha ku noqon lahaa kadibna beelaha Daarood loo siin lahaa raysul wasaaraha cusub ee dawlada cusub ee dalku yeelanayo Agoosto ka bacdi, taasoo Shariif Xasan uu sheegay inay ka awood badnaan doonto dawladihii hore ee dalka soo maray ee ku-meelgaarka ah.
Dalabkaasi oo kale wuxuu hadda Shariif Xasan la wadaa siyaasiyiin magac ku leh beesha Hawiye oo uu ka dhaadhicinayo inay heli doonaan kursiga afhayeenka baarlamaanka taasi bedelkeedana isaga lagu taageero helista kursiga madaxweynaha.
Soo harmarinta doorashada madaxweynaha
Ilo wareedka u xog waramay Raxanreeb waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu ku dadaalayo sidii doorashada madaxweynaha ay u dhici lahayd ka hor 20-ka Agoosto si uu isaga ugu soo baxo kursigaasi, markaas kadibna la qabto doorasho afhayeenka baarlamaanka oo sida ballantu tahay loo sharixi doono siyaasi ka soo jeeda jufooyinka waaweyn ee beesha Hawiye. Rag fara badan oo ka soo jeeda beeshan ayaa Shariif Xasan arintan kala shaqeynaya hadda sida la sheegayna aad ula dhacsan.
Qorshahan ayaa haddii uu meelmaro wuxuu meesha ka saarayaa hamiga madaxweynaha hadda ee Sheekh Shariif oo haddii siyaasi beesha Hawiye loo xusho afhayeenka baarlamaanka waxaa caqabad uu kala kulmayaa in beesha ay madaxweyne qaadato, sida uu qabo xeerka 4.5 ee beelaha wax ku qeybsadaan.
Shariif Xasan wuxuu kaloo siyaasiyiinta beesha Daarood oo Faroole iyo Gaas ugu horeeyaan ku qancinayaa in C/weli Gaas ku soo celinayo raysul wasaaraha cusub ee dalka, ayna sidaas meesha uga baxayaan siyaasiyinta beeshan ee laga yaabo inay hadda la safan yihiin Sheekh Shariif.
Labo wasaaradood oo muhim ah oo ay ka mid tahay wasaaradda arimaha dibadda iyo maaliyada ayaa la sheegayaa inuu Shariif Xasan u ballanqaaday beesha Dir. Wuxuu kaloo ballanqaaday in raysul wasaare ku xigeenka koowaad uu siin doono beesha Dir si ay u taageerto ololahiisa madaxtinimo.
Dadka aadka ugu dhow arimahan, waxay sheegayaan in Shariif Xasan looga bartay ururinta xulufo beeleedyada uuna aad u yaqaano sida dadka loo kasbado wax badana kala socda isbedelada siyaasadeed ee dalka oo uu had iyo jeer ku guuleysto aakhirka, sidaasi darteedna ay dhici karto in qaabka uu QORSHAHA u dejiyey uu ku guuleysto.
Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo marar hore ay iska hor yimaadeen Shariif Xasan, hase yeeshee hadda ay aad isugu dhow yihiin uu shaki ka qabo qorshaha Shariif Xasan. Sidaas darteed ayaa C/weli Gaas iyo Faroole wadatashiyo dheer ka yeesheen soo jeedinta Shariif Xasan.
Arin kale oo xusid mudan ayaa ah in wakiilka Xafiiska UNPOS ee Soomaaliya Agustine Mahiga iyo wasaaradda arimaha dibadda Ethiopia ay aad u taageereen qorshaha Shariif Xasan ee madaxtinimada oo wadamada qaar ee beesha caalamka iyo kuwa deriska waxay markan leeyihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya halagu tijaabiyo cid aan ahayn beelihii horey u soo qabtay ee “Hawiyaha iyo Daaroodka” taasoo Shariif Xasan laftiisu uu wax badan ku dooday, inkastoo waxbarashadiisa dood laga keenay.
Dhanka kale illaa toban musharax oo ka mid ah kuwa u tartamaya madaxtinimada dalka oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna wada inay sameystaan isbahaysi ay ku doonayaan inay ku wajahaan cadaadiska laga yaabo inuu kaga yimaado isbahaysiga uu dhisayo Shariif Xasan, waxaana musharixiintan ku jira qaar isku beel ah oo hadda wada sidii ay hal nin ugu tanaasuli lahaayeen si ololahooda uu u noqdo mid awood leh.
Si kastaba cida waxaan oo dhan go’aanka ka gaareysa ugu dambeyna madaxweynahacusub ee dalka dooraneysaa waa “275″ mudane oo cusub kuwaasoo ninkii iyaga kasbada, siduu rabo haku kasbadee uu xilka madaxweynaha ku guuleysan doono.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












laxoowla ma waxa soconaayo war [[[[[[[[[ barlamaan rabo mise waa madaxweene ama waa raisul wasaare [[[[[[[[[ waa dadka caasimad leh dawlda la aantood socon meeso ee shariif xasan riyada ka kac dheh gudomiya baarlaman ma doonayo
Sheekh Shariif ruux kaga haboon madaxweyninimo maanta ma jiro. Naftiisuu u hurey Soomaaliya.
Qabiilka iska daaya waxba soo kordhin maaye ee maslaxada Soomaaliya iyo Qaranimadeeda ha lagu dadaalo.
Sheekh Shariif baa samir, dulqaad iyo akhlaaq wanaagsani ku keenay waxaan maanta haysano iyo rajada noo soo hillaacaysa.
ninkaan hami weynaa hadii ey tan u suurta gasho soomaliya nabad bey noqon.
subxaanalaah marka hore waxaan leyahay qoraaga waxaan soqoray waxaan ka codsanaynaa in aad kaluqluqatid warkaan aad soqortay mida kale ninkaan shariif sakiin layiraahdo waa riyonayaa waxaana daliil kuu ah hadii baarlamanka cusub yimaado madaxwayne daaye xataa siyasada mel kasogalimaayo ninkaan laakiin hada shekadaan uu wado isaga iyo ragkale o ah in madaxwaynaha ladorto intan barlamanka cusub iman waa kalsoni la.aan haysata isaga iyo raga kale marka wax aan yelayno mahan guul ama geeri thanks allah
War war war waxaan Ka yaabay buubbuuninta sharif sakin Iyo raxanreeb. Qoraalkasta Waxay ku soo qloran nin siyaasada Aad u rogroga. Kkkkkkk muxuu siyaasad Ka og yahay 2006 dii xilkaa laga qaaday 2011 xilkaa laga qaaday siyaasad xumo darteede. Maad sheegtaan. Shisheeye ayuu u adeegayaa oo somalida ku dul hayee . Idinku Iska buunbuuniya
Allow kaas naga qabo inta kle buu gadane
wadani caasimada yaa leh yaase awood ku leh. waad hurudaa ninyahoow, caasimada ugandhes iyo burundi baa xukuma sheekh shariif aad arkeyso awood kuma lahan iska dhaaf cidiisee, caawa bax la dhihi karaa, war sxb wixii hore waa dhamaatay caasimada unukaa leh iyo waxaas, caasimada xamar mahiga iyo ugandhes baa xukuma ayagaa looga dabeeyaa shariif xasana wuxuu ogyahay xamar cidii mahiga iyo ugandhes la jiraan lee xukumaayo ee dad hada iska leh xamar ma jiraan oo wax laga dhageysto, xaqiiqda inaad ogaato waa muhiim, unukaa leh wa damaatay eebowgeey
Belo
belo
waa qiyaame
war dirtiisa iyo darod kisa mahe xolaha
nadhaafsha
Shariif Xasan waxaa la joogaa bartii ugu dambeeysay ee guul darida ama uu kaga hari lahaa siyaasada Somalia, dhoowr mar oo uu sigtay in uu saaxadda ka baxo waxaa soo gacan qabanaayey saaxibkiis Shariif, tan kale ogaada odayaasha waa uureeysan yihiin, waxeeyna soo wadaan ilmo sheekh shariif. hurdada ka kaca.
kkkkkkkkkkkkk faroole iyo cabdi wali ma waxay soomalia larabaan sakiin oowaxa uu yahay la ogyahay hadii qufkale oobeesha digil iyo mirif ka soo jeeda asagana sumcad dhaama la helo waa ok hadii madaxwayna uu noqonayo waayo xaqbuu leeyahay lakinn sakiin aawa barlmanakii soomaaliyeed xageed gaysa,haday taasi dhacdo somali waa lagu kala tagi waa hubaal,
kkkkkkkkkk shariif Hassan waa libaax libaax dhalay wana lagu ogaa wali habartii dhashay wil ayey dhashay mxaa yalay doorka siyaasadeed uu dheelayo ayaa ah mid daaroodka iyo hawiyaha aqoonta kufanaya ka sareysa bal aan aragno qorshihisa siyaasadeed ee doorashada madaxtinimada somalia lolz 4,5 halkan aya ugu danbysa lol. faroole iyo xulufadisana sidan ayey u danbynayaan. Dawarsi iyo waba tiris wa hdi raisel wasare lasiyo mida kle hawiye shekh sh meesha u idin geeyo aan aragno.wxna casumad noqonysa in lagugu sharfo haweney gidomiya hawiye .lol. soo barmaara hawiye iyo daaraad kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waxaan maqlay Shariifku waxana ma qoro waxana ma akhriyo. Haddii arrintaasi jirto sidee ayuu u haweysankara Madaxweyne shuruudaha laga doonayaa ay ka mid tahey in uu yahey Jaamici. Aniga ilama aha qorshahani mid meel mar ah. Waa riyo.
wadani@ kkkk sxb caasimada MAHIGA iska leh maanta muqdisho mahiga wuxu yiraahdo aya ka soconaya waa lagatagay unukaa-leh caasimada iyo waxasaas balse anigu nin aan dugsi hoose kasoobixin oo xoolihi dalka horay u dhacay oo xabashi wadato insha alh illahay wax nogu dhiibimayo dadka somaliyeed dhibkoodii wasoo dhamaday madaxwaynaah so socdana insha lah noqon mayo waxan meesha isku wada haysta ee xoolihi shacabku ku maqan yahay sida la sheegay balse waxa iman dona madaxwayne cusub siyasad cusb hogaan cusub waxana ragayna raga HIIL_QARAN ama TAYO inay heli doonan insh alah
dad kani mas kax daranaa waa ku dhaaraaa in uu madaxweyne noqon doono shariff hassan ama shariff ahmed ama ina gaas maxaa loo yiri 4.5 waabaa 3.0 shaxda waa [[[[[[[[[[[[[[[[[[[[[ iyo shariif sakiin oo kali ah inta kalle waa daawada ayaal oo kali ah walaahi a diiid ama yeela kuligiin ok
waa yaab meeshan waa lagu hardamayaa kkkkkk aqoon hdii ay ka jiri la heed meeshan waa hore ayey iftiimi la heed oo dadka jaahiliinta ah oo uu horeeyaan shariif yada. meesha ayeey ka bixi lahaayee iyo faroole.
wxn sugnaa 20 Aust insh,laah
kkkkkkkkkkkkkkkkkk Waxaanba lahaa war bixinta armay ku jirtaa shariif xasan iyo sharif ahmed ayaa looga yeeray HEGUE ma filayo in ay soo noqon doonaan nimankaan iyagaa la isu edeegsaday waad maqli doontaan shariif xasan iyo abdiwali oo mar dhaw qaylinaya shariif xasan ankee afhayeen baarlamaan markan ma helayo
Madaxweyne Iskadaaye xataa jiko uma dhiibteen runtuse waxay tahay ninkaan lama xaqirikaro. Waa nin balo ka sameysaan.
Viva sharif xasan. Ninkan baa Soomaali yaqaan e haloo dhiibo. Waa ninkarameed aleylehe o yaqaan meesha sartu ka quransan tahay