Xubnaha Cusub Ee Baarlamaanka Ka Mid Noqonaya oo Maanta Loo Qaybiyano Kaararka Aqoonsiga
Xubnaha baarlamaanka cusub ee haatan la soo gudbiyay magacyadooda ayaa waxaa lagu waramayaa in isla maanta loo samayn doono kaararka aqoonsiga ah.
Xubno ka tirsan odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee haatan qayb ka mid ah la soo gudbiyay ayaa warbaahinta u sheegay in maanta la siinayo xubnaha sida cad leesugu raacay in ay ka soo mid noqdaan baarlamaanka cusub in aqoonsiyadooda loo sameeyo.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay kulan ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho xubnahaan maalinta isniinta ah ka dibna shir gudoon ay u dooran doonaan ninka ugu da’da weyn xubnaha haatan magacyadooda leesku raacay.
Xubnaha baarlamaanka cusub islamaalintaasi Isniinta ayaa waxay go’aan ka gaari doonaan xiliga sida rasmiga ah loo qabanayo doorshada gudoomiyaha baarlamaanak iyo waliba tan madaxweynaha.
Inkastoo haatan xubnahaan la soo gudbiyay ay gaarayaan 202 mudane oo ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee badalaya baarlamaanka hada jira ayaa waxaa jira masuuliyiin badan oo ka cabanaya odoyaasha iyo gudiga farsamada isla markaana ay ku eedeynayaan in ay ka saareen baarlamaanka..
Dib u dhac badan ayaa ku yimid xiligii lagu balan sanaa in la soo gudbiyo xubnaha baarlamaan, waxaana haatan la ogayn in ay dib u dhici doonaan xiliyada la qabanayo doorshada madaxda dowlada.











Nin walba oo ka mid ah musharaxiinta dowlada wuxuu iibsadey dad nool oo la rabo in ay asaga u codeeyaan!!, marka uu liistiga ka waayo magacyadii jarka uu soo iibsadeyna waa caroonaa!!, qofkasta oo aqli lehna waa u jeedaa meesha waxa ka socda, mana filaayo in ay dhacayso doorasho cadaalad ah ilaa laga gaaro ONE MAN VOTE.
Odayaasha ceeb bay ku tahay iyo meel ka dhac in ay qaataan ama looga shakiyo laaluush. Haduusan jirin laaluush la isla ogyahayna maxaa ka xanaajey madaxwaynaha? mase odayaashu uma madax banaana cidda ay soo gudbinayaan?
waxaan aaminsanahay gudiga farxamadu waa ay dadaaleen haday isku dayeen in ay keenaan dad nadiif ah, saas ku wada ayaana oran lahaa shiikh iyo shariif wixii xanaaqayo ha hanaaqaane!!!
[...] Read more here: Xubnaha Cusub Ee Baarlamaanka Ka Mid Noqonaya oo Maanta Loo Qaybiyano Kaararka Aqoonsiga [...]
Waxaa Fiican Ninka Ugu Da,da Yar Inuu Noqdo Shir Gudoonka Waayo Waa,uu La Qaada Dhigi Karaa …
Odday dhaqameed waa hoggaamiyaha qabyaaladda iyo Laaluushka, wax kale kuma noola aan ka ahayn dhiigga dadka in uu wax ka helo. waa nin sida injirta dhiiga dadka ugu nool.
Walaahi, inta kama xishoodaan in ay dadka ay isimka u yihiin u kla eexdaan.
Hawsha Siyaasadda dhaqan uma laha, waxay u isticmaalaan sida qabqablaha oo kale taladda maroorsadaan.
War waxaa kafiicnayd ninka ugu diinta badan hadii ladiido ninka ugu gaalsan
kkk kk kkk waxaa ka wwanaagsn ninka meel dhaxaadka ku dhamantood mxaa yeelay wxwaliba waa ay dhici kartaa in uu ka dhisanyahay