Xukuumada KMG Oo Sheegtay in Musharixiinta aysan Qal-qal Galin Amaanka Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahanyahay in musharixiinta aysan qal qal galin amaanka magaalada Muqdisho maadaama haatan ay soo dhowdahay xiliga doorshada madaxweynenimo ee Soomaaliya.
C/laahi Goodax Bare Wasiirka qorshaynta xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ay haboontahay in musharixiinta ay ilaaliyaan amaanka iyo waliba xasiloonida.
Wasiirka Qorshaynta ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho haatan inteeda badan lagu arkayo sawirada Musharixiinta taasina ay saamayn ku yeelan karto amaanka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wasiirkaan ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay haatan soo dhowdahay xiliga doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in si nabad ah leesugu diyaariyo.
Hadalka Wasiirkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin musharixiin badan oo u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socday ololo balaaran oo ay wadeen qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaasi oo ay qayb ka ahaayeen banaanbaxyo ka dhacayay magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











asc/marka hore waxaan salamayaa dhamaan umada somaliyeed intaa kadib doorashadan kadhacaysa xamar waxan u arkaa mid aan cadi ahayn aduunka dawladaha kajira dawlad walba waxaa tartama ugu badnaan shan xisbi ama shan qof laakiin waxaa layaableh oo meesha ka cad inaan wadan loodanaynayn iyo shacab ee ay tahay ragan faraha badab wada xoola doon taasoo aan rabay inaan musharax noqdo wadankana aado lakiin hada waan iskadaayay waayo 60 musharax meshaas sharaf mataalo ee hanti boob baa loosocdaa waxan se kula talin lahaa somalida wanaaga jecel hadoortaan maxamed cabdulaahi farmaajo hadii kale suaga 20sano opodagaal faraha looga gubatay alaah ayaana umadaan badbadinkara.
[...] See the original post: Xukuumada KMG Oo Sheegtay in Musharixiinta aysan Qal-qal Galin Amaanka Muqdisho [...]
Maxaa iyaga ammaanka ka galay dadbay hawshooda tahaye? Waxaan sidaas u leeyahay, Ammaanka wasaaradbaa loo xilsaaray, hadii ay dadkii loo xilsaaray sida kii jaahilka ahaa ee Cabdisamad Macallin ay diyaarado u raaceen dalal shisheeye, xukuumaduna sidaas u ogeyd kana gaabsatay, dawladii oo dhamina muran isula soo taagantahay, maxaa hada ammaan ka hadalka keenay Ileen ciduna is dhageysan maysee?
Haaaa! Hadaan gartay. Sawirradooday magaalada ku arki waayeen markaasey maseyreen Ileen ciduna ma rabtee. Qurun meesha isugu ururay, iska ciya dheh sidii lo’dii. Waa na arkooy ee nafkale meesha kuma hayaan. Waxaad daacdaanba waa dhawr bari waana u dulqaadanaynaa saacadaha idiin dhiman.
Soomaalia Waxay dimuqradiyad Kajirtay iyadoo wadamo badan oo africa ah Wali lagumey sanayo, Waa wax aad loogu Farxo maanta In dadkii aay cabirayaan Figradooda & Qofkii aay u Codeyn labaayeen Markii la gaaro Qof & codeyn Waana in la isku I tiraamaa Qofku Wuxuu rabo,Waana ilaa hey mahadii In aan xoog & Xabad aan maanta wax lagu dooneyn, Doorashadu waa ineey dhacdaa Si hufana ku dhacdaa Qof ale & Kii soobaxana Lala shaqeeyaa , Viva Puntland & Soomaalia
Soomaalia Waxay dimuqradiyad Kajirtay iyadoo wadamo badan oo africa ah Wali lagumey sanayo, Waa wax aad loogu Farxo maanta In dadkii aay cabirayaan Figradooda & Qofkii aay u Codeyn lahaayeen Markii la gaaro Qof & codeyn Waana in la isku Ix tiraamaa Qofku Wuxuu rabo,Waana ilaa hey mahadii In aan xoog & Xabad aan maanta wax lagu dooneyn, Doorashadu waa ineey dhacdaa Si hufana ku dhacdaa Qof ale & Kii soobaxana Lala shaqeeyaa , Viva Puntland & Soomaalia