Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegatay Dowlada Ingiriiska Inay u Tababarayso Ciidamo La Dagaalama Burcad-Badeeda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wasaarada kaluulamaysiga iyo qayraadka bada ee dowlada Soomaaliya aya sheegatay in taba bar la siinayo ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Sheikh Ibraahim ayaa sheegay inay hishiisyo lasoo saxiixdeen Dowlada Ingiriiska, kaasi oo ku aadan in ciidamo loo taba baro Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in dowlada Ingiriiska ay kala saxiixdeen sidii tababar ay ugu sameyn laheyd ku dhawaad 400 oo askari kuwaasi oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa in mudooyinkii ugu danbeeyay ay yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay ku ugaarsadaan gaadiid badeedka.

Soomaaliya malaha ciidamo wanaagsan oo xaga bada ah oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda oo dhibaato badan ku haaya badaha Soomaaliya.

Burcad badeeda Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo loo caal waayay oo dhibaato badan ku haaya gaadiidka isticmaala badaha Soomaaliya iyo kuwa u dhow, waxaana haatan xeebaha Soomaaliya ku sugan maraakiib badan oo u jooga la dalaanaka waxa loogu yeero burcad badeeda.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegatay Dowlada Ingiriiska Inay u Tababarayso Ciidamo La Dagaalama Burcad-Badeeda”

  1. [...] Link: Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegatay Dowlada Ingiriiska Inay u Tababarayso Ciidamo La Dagaalama Burcad-… [...]

  2. ALA maxay burcadbadeed udhamaatay adunnkoo dhanbaa utsh tay

    ”NO more money no more prostitudes”

Leave a Reply