Xukuumadda Somaliland oo digniin iyo eedayn u jeedisay dawladda Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Hargeysa(RBC):- Maamulka Somaliland, ayaa mar kale ku eedeeyey Soomaaliya inay faro-gelin ku hayso, isla markaana ay sheeganayso dhul ka tirsan dhulka ay Somaliland ka taliso, waxaanay uga digtay inay sii waddo waxyaabaha kala fogaan iyo xasillooni-darro dhalin kara.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Madaxda dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya uga digay inay sheegtaan dhul ka mid ah Somaliland,kuna qortaan Distoorkooda, taasoo uu cadeeyay inay gobolka ka abuuri karto Xasilooni daro dhinaca Amaanka ah.

Waxa uu Wasiirka arrimaha dibeddu sidaa ka sheegay hadal uu manta ka jeediyey Munaasibad Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ku soo bandhigay Haweenay u sharraxan doorashada golaha deegaanka Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay is taageeraan si ay Dumar badani ugu soo baxaan Doorashada dawladaha hoose oo la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 28/November/2012, xilligaas oo ay Guddiga doorashooyinku u cayimeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxa uu halkaas ka sheegay in wada-hadallada dhex-maray Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay salka ku hayaan sidii ay Somaliland qaddiyaddeeda uga iibin lahayd beesha caalamka.

Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Dastoorka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay lagu sheegto sida uu hadalka u dhigay deegaanno ka tirsan dhulka uu ka taliyo Maamulka Somaliland, waxaanu xusay in arrintaasi ay xasillooni-darro ku soo kordhin karto Mandaqadda.

Sidaa daraaddeed, waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland inuu Madaxda dawladda Soomaaliya u soo jeedinayo inay ka waantoobaan sheegashada ay Waraaqaha ku qoranayaan qaybo ka mid ah Somaliland.

Maaha markii ugu horreysay ee hadalkan oo kale ka soo yeedho Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, hase ahaatee dhawr jeer oo hore ayey dhawaaqyadan oo kale ku cel-celiyeen, iyaga oo digniino u jeediyey dawladda Soomaaliya oo ay u soo jeediyeen inay ka waantawdo waxyaabaha lagu sii kala fogaan karo wadahadallada labada dhinac u bilaabmayna carqaladayn kara.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

8 Responses for “Xukuumadda Somaliland oo digniin iyo eedayn u jeedisay dawladda Soomaaliya”

  1. [...] See the original post: Xukuumadda Somaliland oo digniin iyo eedayn u jeedisay dawladda Soomaaliya [...]

  2. Kkkkkkkkkkkkkk
    war wuxu maqajilaan miyaa kuligod ayaa lasheganayaye wamaxay qayb kamida ! Mise waxa iskaga khaldamay khaatumo iyo federaalkii..war hoy khiyaliga xiligisi wuu dhamadaye naga xishoda reer hargaysow….. Mise waxad kaxuntihin xamaroo nabada ??

  3. bandarqasimi says:

    waa qayilsanyahay muxuu qaybaynayaa dhulkoo dhan baa somalia ahe xoolo ….qaad buu kasoo dhargay war mahayo uu boowe

  4. allaale says:

    wuxuu yiri wada hadalkayagu wuxuu ahaa sidaan qadiyadayada caalamka uga iibin lahayn. hadana wuxuu yiri dkm ah wada hadaladii socday bay carqaladaynaysaa oo hadii hadalkaagu gooosasho doon ahaa maxaa carqaladoobaya yaa warkaaga raba. qaadka wax buu ku soo daray caawa kani waa shaqadoodiiye.

  5. muna says:

    qowleeysatadan waxan ka baqaa in dhulkooda la halaago waayo calanka towxiidka ku qoran ayeey inta dhexda ku xirtaan ayeey meelwalba ku ciyraan somali Allah dhibka ka qaado munaafiqinta ka qabto

  6. wadsalmantihiin dhaman umada somaliyed waa runtaa mxayelay tawxiidka allaah ayey kusoo xadkudbeen mana aha in tawxiidka kii heehasaya iyo kii wax aflagaadeynaayaba iyo futada lagu hir waxii layiraahdaba,waxeyba hadana yiraahdeen dadka koonfureeka ahaw mudu 20 maal mod kagabaxa dhulka war dhul waa dhul somaliweyn intee ukacaa

  7. [...] Xukuumadda Somaliland oo digniin iyo eedayn u jeedisay …Hargeysa(RBC):- Maamulka Somaliland, ayaa mar kale ku eedeeyey Soomaaliya inay faro-gelin ku hayso, isla markaana ay sheeganayso dhul ka tirsan dhulka …www.raxanreeb.com/…/xukuumadda-somaliland-oo-digniin-i… [...]

  8. wixii somali neceb hajabaan. says:

    war niman yahoow dadkaan wey is waalayan .yaa warkiina kujirana.. kawaantooba kulahaa…oo yaad wax kaqaadeysaan .soomali wey iswada heysataa yee….waaba hanjabeysaan …,aduunweynaha waxey idinku dhaheen waad ogeydeen shirkii ingriiska .oo diidmo cad la idinku dhahey waxaad la or ordeysaan oo hadba calan aan la aqoon sameysataan baa waxaan la idinkudhahey wax idiin aqoon sanaayo majirto.marka. reerwaqooyi yoow ,waan idinku soo dhaweynaynaa xamar..

Leave a Reply