Xukuumadda Soomaaliya Oo Ku Amartay Wasaaradda Warfaafinta In Ay Si Simin Uga Qeygaliyaan Warbaahinta Dowladda Musharixiinta Madaxtimimada
Muqdisho [Radio RBC] Golaha Wasiiradda XKMG ah, Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah oo ay yeesheen, waxa ay ku amreen wasaaradda warfaafinta iyo boostada XKMG ah in warbaahintada dowladda sida Radiyaha, Talafishan iyo Website-ka ay si siman ugu adeegaan musharixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa si gaar ah, loogu armray shaqaalaha warfaahinta in ay si isku mid ah, ugu adeegaan, madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha hadda, kuwaasoo dooneya in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota.
Kulanka oo uu shir guddoominaayay Ra’iisal wasaare Cabdi Wali Gaas, ayaa waxa joogay, wasiirka warfaafinta XKMG ah Cabdu Qaadir Maxamed Jaahweyn.
Wasiirka ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta dowladda madaama la galay waqti xasaasi ah, oo dalka ay ka dhaci doonaan doorasho.
Wasaaradda warfaafinta ayaa amar lagu siiyay in aysan dadka kala eexeen, oo si siman ay ugu adeegaan, maadama warbaahinta dowladda loo wada siman yahay
Wasiirka ayaa sidoo kale golaha u sheegay in wasaarada warfaafinta ay ilaalin doonto shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta dowladda.
Si kastaba, waxa arrintan ay soo bilaabatay, markii uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxana maalintaas, Warbaahinta dowladda ay joojisay in ay baahiso kulankii uu ku dhawaaqayay in uu yahay musharax.
Waxa kaloo Radio Muqdisho, iyo TV-gaba uu si gaar ah u buun-buuninaayay kulamada iyo khudbadaha uu qabto madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Waxa hadda warbaahinta dowladda, ay baahisaa olaha madaxweyne Shariif oo ka mid ah, musharixiinta u taagan markale xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale Radio Muqdisho, waxa aysan baahin immaashiyihii shaley uu yimid Muqdisho Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Wariyaasha ka shaqeeya Radio Muqdisho, ayaa ku kula aragti duwan, arrinta ku saabsan in madaxweynaha uun hadaladiisa laga baahiyo, waxana qaarkood lagu arkaa shaqaalaha warfaafinta goobaha musharixiinta madaxweynaha,
RBC Radio
————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho











War adeerayaaloow Muqdisho weligeed daahirimaysee yaan lagu habsaamin ee halaga tashado ama hadii qabiilooyinka kale ka rabaan mustaqbal ciidamo ha geestaan goofka.
war la,aan muqdisho waligeed kama waantoobayso in ay tahay bogcad reer leeyahay saan miyaa caasimad kunoqonaysaa yaab shariif afguduud wuxuu tusayaa in ay muqdisho ay tahay bohol reer leeyahay marka saan miyaa qaran lagu raadinayaa markuu hadlayana wuxuu iska dhigayaa muwaadin warninyahow wadankaan nabadka kama soosocotee aan katashaano dadka noocan udhaqmaya ayaan nala leh
adeerow maxaaba loogu habsaamayaa sow maalin dhawydna nin ka yimi london oo damcaya inuu gurigiisa dayactirto sow laguma dilin gurigiisa marka waxaa qorshaysan 2000 00 guri oo lahaysto in ladilo dadkii lahaa markay yimaadaan marka waa riyo waxa xamar yaal yaa durbaanka loo tumayaa
taloow markeey waxaan dhamaadaan tarszan maxkamad maloosootaagaayaa
Shaqaalaha Radio Muqdisho iyo TV Muqdisho waa wiilal iyo gabdho uu Sh Shariif adeer u yahay. Somalina eex lagama waayo