Xulista Baarlamaanka oo Maanta Ku Eg, Guddi Doorasho oo Aan La Sameyn Iyo Musharixiin Ka Walaacsan (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in mudadii dheeraadka ahayd ee ay ku kordhiyeen qabashada liisaska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ay ku eg tahay maanta oo ku beegan 9/08/2012 isla markaana la bilaabi doono baaritaan lagu sameynayo dadka ay beelaha soo gudbisteen.

Xubnaha guddiga xulista ayaa beryahan liisaska xildhibaanada qabiilada ku qabanayey xarunta odayaasha dhaqanka ee ku dhow garoonka diyaaradaha, waxaana weli taagan buuq iyo is qabqabsi u dhexeeya beelaha qaarkood oo isku haya dadka ay qoreen odayaasha dhaqanka oo si weyn loo sheegayo in lacago adag laga qaadanayo.

Sidoo kale tiradii loo qoondeeyay haweenka ee ahayd 30% ayaa illaa hadda wax ka hirgalay ay yar tahay kadib markii beelaha badankood ay keensadeen min hal ruux oo dumar ah, arintaasoo guddigu ay ka walaacsan yihiin sida ay ku meelmari doonto.

Guddi la’aanta doorashada

Dhanka kale waxaa kulan maanta ay yeesheen illaa 12 musharax oo ka mid ah musharixiinta ku sugan Muqdisho ay walaac kaga muujiyeen in illaa hadda aan la magacaabin guddi madax banaan oo maamula doorashada madaxtinimada oo waqtigeedu ka harsan yahay 11 maalmood oo kaliya.

C/laahi Axmed  Cadow oo ka mid ah musharixiinta ka walaacsan arintan ayaa sheegay inaan la heli doonin doorasho xalaal ah mar haddii aysan jirin guddi madax banaan oo u dhexeeya dhamaan musharixiinta, wuxuuna Cadow ku baaqay in dawladu sameyso guddi madax banaan oo ay isla ogol yihiin dhamaan musharixiinta iyo dawlada.

Arimahan waxay imaanayaan xilli tartanka doorashada iyo ololayaasha loo sameynayo musharixiinta uu meel adag marayo, waxaana buux dhaafay hotelada Muqdisho iyadoo shirarka iyo dibadbaxyaduna ay joogto noqdeen habeen iyo maalin.

Guddiga xulista baarlamaanka ayaa sheegaya in ay rajeynayaan in hawsha ay ku soo gabagabeyn doonaan toddobaadka dambe isla markaana kulamadii baarlamaanka la furi doono.   Laakiin waxaa su’aal ka taagan tahay iyadoo tirada xubnaha baarlamaanka aysan wada dhameyn in haddana kulan baarlamaan uu hirgali karo, taasoo laga yaabo in doorashada madaxtinimada ay dib uga dhacdo waqtiga lagu ballansan yahay ee 20-ka Agoosto.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply