Sanadguuradii 14naad ee Aasaaskii Puntland oo Maanta Garoowe Laga Xusay (Dhageysi + Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

RBC Radio (Garoowe) Asaaskii dowlada Puntland waxaa hadda laga soo wareegey 14 sano ugu horayna waxaan hanbalayo leenahay hadaanu nahay Shabakada Raxanreeb guud ahaan dadweynaha reer puntland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan iyo mujtamaca somalida oo dawladani ay guntday midaynteeda himilooyinkeedana ay ka mid ahaayeen isku keenida iyo nabad soo celinta Somaliya Sannadku markuu ahaa 1998dii Puntland waxaa lagu asaasay wada-tashi iyo is-afgarad gobollo ku bahoobay in ay dhistaan maamul Goboleed oo iyaga u gaar ah.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Hadaba Maanta oo taariqda ku beegan 1/8/2012 oo lo yaqaan 1da agoos waxaana Xafladan manta ka dhacady faras magaalaha Barxada Garoowe ayaa waxaa soo bux dhaafiyaya dadweyne aad utiro badan waxaan ay iskugu jira rag iyo dumarba waxan fantasiyaha uu bilaabmay hiirta waabari waxaana halaaski socod dheer ku soo maray ugu horeen ciidamada Maamboyda Cimadada Daraawishta Ciidamada Bada Ciidamada Fardooleyda Ciimadama Asluubta iyo,Ardayda Jamacadah,Ardayda iskuulada,Ururada Hawenka iyo kuwa dhalinyaradaiyo kooxaha Spotriga Gobalka Nugaal.

Dhinaca kale Masuuliyinta ka soo qeyb gashay Damaashadkan ayaa waxaa ugu sareeyay Madaxwenaha Maamulka Puntland Dr:C/raxamaan Shiikh Maxamuud (Faroole) iyo golhiisa wasiira xildhibaano iyo Marti sharaf kale intaasi kadibTaliye kuxigeenka Ciidanka Daraawishta Puntland ( Korneel Deer ) Cabdi oo ogolaasho weydistay Madaxwenaha Maamulka Puntland Dr Faroole in uu soo hor marsiiyo Cutubyada kala duwn oo u diyaar ah in ay ka qeb qaatan Dabaal daga xafladan.

Damaashadkaasi kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi Raxamaan waxaan uu uga mahadceliyay dadweynihii iskugu soo baxay Maamuska Xaflada Ka soo waregtay asaaskii Maamulka Puntland mudo laga jogo 14 sanao sidoo kale waxa uu madaxweynaha u mahad naqay ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Shabakada RBC oo fikir ahaan cabiraysa Darenka dadka ka soo qeyb galay xafladan ayaa waxa ay noosheegen in ay siweyn ugu riyaaqen Gaada ka ciyaarka ama dhoolo tuska ay halkaasi ku soo bandhigeen Cutubyada kala duwan ee halkaasi maraayay.

Waxaa kale oo jiri donta Xaflada weyn oo lagu qaban doono caawa aqalka Madaxtooyada Maamulka Puntland oo logu dabaal dagi doono Xaflada 1da agoosto.

Mahad Abdi Ali

Nakal143@gmail.com

Xafiiska RBC Garoowe

Share

Tags:

22 Responses for “Sanadguuradii 14naad ee Aasaaskii Puntland oo Maanta Garoowe Laga Xusay (Dhageysi + Sawirro)”

  1. [...] Read the article: Sanadguuradii 14naad ee Aasaaskii Puntland oo Maanta Garoowe Laga Xusay (Dhageysi + Sawirro) [...]

  2. ali says:

    Maashaa’allaah @Nina, @Khaatumoseeg iyo cadawga Puntland oo dhan waxaan leeyahay ishii buktaay ku bikaacso, allow noo siyaadi nabadda iyo horumarka waana maalin qaalli ku ah qofkasta oo muwaadin reer Puntland farxad iyo damaashaadna u dheertahay. VIVO PUNTLAND VIVO MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE XAFIDAHULLAAH WARACAAH.

  3. Ilyaas says:

    Mansha allah Hambalyo Hambalyo Dhamaan shacab weeynahaya Reer Puntland meel kasta oo aay joogan.
    Sanadkaan sanadkiisa kale ilah Puntland Nabad iyo barwaaqo ha ku gaarsiiyo Aamiin

  4. Rooraaye says:

    Hambalyo reer putland waa wax aad loogu farxo cdhamaan hambalyo hambalyo waa talaabo kale oo xusid mudan

  5. cali says:

    mashalaaaaaaaaah sanad guuro wacan puntland oo jisatay 14toban sano waa guul hadana utalaab satay doorashooyin iyo xisbiyo hanbalyo hanbalyo

  6. Kudayo Puntland says:

    Puntland ha noolato! Cadowgeeda ha jabo!
    1da August waa GUUUUUL!!

  7. muslin says:

    MaashaAllah reer puntland hambalyo,hambalyo.cadowgeen ha jabo

  8. muslin says:

    maasha Allah, hambalyo reer puntland meel aad joogtaanba,faxad iyo baraare ku dabaal daga oo ku ciida,soomaali oo dhanna Alle wayne dhibka ha ka saaro.

  9. Puntlander says:

    Puntland guul iyo gobanimo tiirka aas aaska jamhuuriyada sadexaad ee federaaligaa puntland waa hogaankii dibu habaynta qaranimada somaliya ogaad maanta guusheena labaad waa in somaliya fedela tahay dastuurkiina la meel mariyay waa hadaf aan in mudaa ku taamaynay puntland shacabkeeda hambalyo

  10. NINA says:

    ALI
    miskiin aan aragti dheerayn baa tahay waar yaa ku yidhi p/land baan u cadaw ahay nacasyahaw waxaa la yidhi doqoni xin mooyee xisaab ma oga waar reer khaatumo p/land waxay u arkaan dad tolkood ah hadii siyaasada lagu heshiin waayey ma aha in col la yahay adiguse waxaad tahay doqon meel laysku khilaafay uun ogaa oo meel lagu heshiiyey aan la socon adeer khaatumo iyo p/land iyo soomaaliyoo dhan khayr iyo barwaaqaan u rajaynayaa

  11. ahmedpunt---------------- says:

    hambalyo hambalyo sanad guradii 14aad ee dawlad goboleedka puntland waxaana ilaahay kabaryayaa in dawlad goboleedka puntland aay dhabaha cagaha saarto dimuqraasiyo cadaalad iyo bash bash iyo barwaaqo iyo nabad galyo waarta aamiin aamiin yaa allaah yaa mujiibu dacawaat …ramadaan kariim

  12. axmed says:

    waryaa ileen meesha waxbaba ma yaalaan, oo ma intaas kaliya ayay isku hayeen ahahahahahahaha.

    punland inay burburtay waxaa ku tusaysa tan lol. meesha anigu wax quwad ah kuma arko, 50 wiil oo dhar kala nooc ah loo soo xidhay uun ayaan arkaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Lama yaabayo markay Somaliland ku dheheen Khaatumo naga celiya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    ileen meesha waxbaba ma yaalaan…….Punland-ta burburtay ma anigaa keenay kkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Hadii ay Punland ka tirsanaan lahayd dhulkii 1998-kii , maanta doonyo, diyaarado, iyo ciidamo kala duwan ayay lahaan lahayd, not sidan oo kale, sidii tuulo yar.

    Inay sawiradan iska qarsadaan ayay aheed kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. Rebublican guard of puntland says:

    To: Nina : Adeer runta miyaaad Ka gubanaysaa punland way idinka tashatay idin Ma baahna qasaaro mooyee FAA iida Ma lihidin to: ali good job Adeer nimankan xumaantii Iyo cuqdadii baa Ka badatay wax tol layiraahdaa majirto Guuuuul inta jecel danta Puntland sanadguura wacan via from usa

  14. Runsheeg says:

    waa meel qabiil uu heysto oo shacbka kale waxba aan loo ogaleen sida dadka u dhashey Puntland oo aan waxba ku heysan Puntland dhamtey waxaa meesha dhigey Faroole iyo ilmahiisa iyo Caasho Geele Diirye oo kelyaha ka fidey marka dadkii oo dhan wax la dilo wax xoog lagu heysto haddba shacbka ka soo jeeda waa iney jufo ka sta madaxweyne ay sameysataa waa sida dantu ku jirto iney dadna ay kelyaha ka dibiraan dadna ay disho baahi waa lga fiican yahey ayadoo aan wax dowlad somali aan jirin ay ku dhex nooladan dhiiga shacbka masaakinta ah waxna uu gumaado faroole

  15. Libaax-libaax DHalay says:

    Maashaa Allaah! waan u hambalyeeynaynaa dowladda iyo shacab weynaha Puntland, waxaana leenahay midnimadiina ilaashada, dowlad waa la noqdaa laakiin sida baaqi loogu ahaado waa adagtahay waxayna u baahantahay in shacabku fahmo wax-tarka dowladnimada iyo midnimada ummadda.

    Waxaan idinka digayaa mar kale waxa Mahiga iyo Cabdi-Wali ku sameeyeen ergadeena yeeysan idin fidnayn, inaan nin dan leh idin kala qaybin inaad ilaashataan wax la hubaad haysataanee oo aan been laydin sheegin, waxaana aad u soo dhoweyniyaa habka uu madax-weyne Faroole qabow ee uu ugu jawaabay Mahiga iyo wiillka uu adeerka u yahay ee Cabdi-Wali, waxaana ka xumahay in madaxda dowladda federal-ka siiba ra’iisal wazaare Gaas, aysan ugu soo hambalyeeyn shacabka iyo dowladda xuska sanad guurada 14aad.

    Marka kale Hambalyo, Hambalyo, ninka Ali la yiraahdana waxaan leeyahay gabadha (NINA) way kaa saxantahay walaal dadku waa kii is khilaafa laakiin haddii uu garasho leeyahay waa kii ka heshiiya wixii laysku khilaafay, dadkaan aad isku xuuxinaysana walaahay marka Soomaali laga hadlayo iyagaa isku doon saaran ee dhibku wuxuu yahay siyaasiyiin iimaanka la’ baa marar badan khilaaf ka dhex abuuraya.

  16. shu says:

    WAA KAN WARKAAS OO VIDEO AH http://youtu.be/cFqX0o558jk

  17. caraseedo says:

    Maansha Allaah,Maansha Allaah,puntland hambalyo,puntland Ilaahay hakadhigo beled barwaaqa ah [[aamiin]shacabka reer puntland meelay joogaanba dunida dacaladeeda,waxaan u rajeeyay guuuuuul,horumar,barwaaqo iyo nabad ay ku waaraan in Ilaahay ugu deeqo baan u rajeeyay,sanadka sanadkiisa,guuuuuuuuuulaysta guuuulaystayaal.

    sanadkani nadhaafyaye Alloow kiisa kale bilkhayr,
    inaan ku gaarniyo Allooow guuuuusha noo adkee,
    horumar waariyo Alloow nabadda noo adkee [aamiin].

  18. caraseedo says:

    Maansha Allaah puntland:madaxdeeda,ciidankeeda iyo shacabkeedaba,guuuuuuuuuul Allaa baxsha ee guuuuuuuuuulaysta:
    Kan wata Runsheeg:Beensheeg baad tahay,iskudire iyo xaasidka puntland,waxaad kaloo tahay kuwa ku adima aashuunka,waxaan ku leeyahay xaasid meel magaaro,Geedgaab meel magaaro,kkkkkkkkkkkk,guuuuuuul iyo horumar,puntland,VIVA somali oo dhan.

  19. caraseedo says:

    Nina:waxba yaan lakala gurin reerka ama khatumaysta ama puntlandaysta reerku waa hal meel ee ilaahay hadduu balariyay halagu xamdiyo[Alxamdulilaahi,]waar gabadha u kala hara.

  20. Amina says:

    Happy anniversary Puntland,isha Allah guul iyo midnimo baan idiin rajeynayaa.

  21. Amina says:

    @ ali, Nina waa Gabar Darwiishad ahe is ka daa

  22. Rooraaye says:

    Adeer been sheeg ninka isku sheegay iyo dumaashidey khaatumo seeg oo ayada s/land u dhaxda odeygaa soomaaliyeed ee putland afkaaga ka daa waa umad tagey mucaarad u joojinmayno

Leave a Reply