Xuska Sanadguuradda 14-aad ee Puntland oo lagu Qabtay Boosaaso [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso [RBC Radio] Iyadoo maanta guud ahaanba looga dabaaldegayo Sanadguuradda 14-aad ee aasaaska Dawladda Puntland dal iyo dibadba ayaa maanta lagu qabtay hoolka D/hoose ee magaalada Boosaaso Munaasabad lagu weyneynaayo xiligii la yagleelay midnimadda Shacabka reer Puntland 1998.

Xuskan oo shacabka reer Boosaaso qeybweyn ka qaateen gaar ahaana Xaafaddaha kala duwan ee magaalada oo socod kusoo maray bartamaha magaalada iyagoo lulay Calankeena Soomaaliya iyo keena kale Puntland ayaa wajiyadooda laga dheehan karayey sida ay ugu faraxsanyihiin Sanadguuradda Aasaaska Puntland.

Madaxda kasoo qeybgashay Xuska ayaa waxaa kamid ahaa duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalle Xasan,Guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumim Bide,Xildhibaanada golaha Shacabka,Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago,Guddoomiyaha Haweenka gobolka Bari Maryan Gaduudo,dhalinyaro,haween iyo marti sharaf kale oo badan.

Duqa degmada Boosaas Xasan Cabdalla Xasan oo madasha hadalo kooban kasoo Jeediyey ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiime weyn ugu fadhida shacabka weynaha reer Puntland meel kasta oo ay joogaan,wuxuuna hablayo balaaran oo ku aadan Xuska aasaaska Sanadguurada 14-aad ee Dawladda Puntland u diray Umada Puntland.

Guddoomiyaha Nabadoonada Puntland Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay Shacabka Puntland maalintan oo kale,wuxuuna ka dhawaajiyey in looga mahadceliyo loona duceeyo Madaxweynihii kowaad ee Puntland AUN Cabdillaahi Yuusuf Axmed hanaanka iyo horumarka EEBE ka sakow uu u horseeday Puntland.

...”"” Nasiib wanaag maadaama maanta ay tahay RAMADAAN waxan aad ugu duceynayaa Madaxweynihii kowaad ee Puntland AUN Cabdillaahi Yuusuf Axmed,wuxuu ahaa geesi xaqiiqdii,maxaa yeelaywaxjiray majirin xitaa Xafiis majirin,dhaqaale majirin yacni wax agab ah oo dawladeed oo markaas lagu soo hirto majirin, maantana waxan maraynaa in Wasaarad kasta iyo nidaam kastiba uu dhisan yahay aad iyo aad baan nimacadaas Ilaahay Subxaanahu watacaalaa ayaan u celinaynaa…”"ayuu yiri Xarago.

Maryan Gaduudo oo ah Guddoomiyaha Haweenka gobolka Bari oo iyana ka hadashay Xafladda Sanadguurada 14-aad ee aasaaska Puntland ayaa sheegtay…”" ...”" Anigu waxan ahaa dadkii joogay Aasaaska Puntland meeshii laga bilaabay habeen lix saac baa lagu gaaray intii 1-saac la galay iyadoo dhibaato lagu soo dhisay oo dadku ahaa dad is Jecel oo isku tiirsan maalintaa been sheegi maayo waxanu galay 1-saac ee subaxnimo waxan kasoo baxnay 12-habeenimo rag baa habeenkii ku jabay meeshii iyadoo mugdi ah oo aan layr lahayn hadaanu soo baxnay marka maantana waad u jeedaan heerka aynu marayno dawlad sal balaaran baynu noqonay oo lagaga danbeeyo Caalamka,waxaan Puntland hormuud ka ahayn aan la qaban…”"ayey tiri.

Guddoomiyaha Ururka PSA Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa tilmaamay in Sanadguuradan maanta ay Umada reer Puntland ku tahay mid ku weyn isla markaana uu dareemayo dhibaatada laga soo maray dhisitaankeeda qofkii goob jooga ka ahaa xiligaas ayna farxad u tahay isla qofkaas.

...”" Maanta maalin nagu weyn weeye,waxa garanaya qiimaha ay leedahay dadkii markii la aasaasayey Puntland joogay,dadkii arkay burburkii,qaxii dhacay,amni daradii jirtay, wixii maamul xumo jirtay dadkaas maanta qiimaheeda wey u dhadhamaysaa markay helaan nabadgelyo,markay helaan wadooyin loo nadiifiyye oo loo hagaajiyey, markay helaan D/hoose oo u shaqeyneysa oo u kala hagaysa umoorahooda, markay helaan dawlad dhexe oo arimahooda dibada u saxaysa, markay helaan Isimo isku xiran oo matalaya,waxaas oo qurux badan markii maanta la qiimeeyo qofkii markii aysan jirin joogay qiimey u leedahay, anaguna waxaa nalaga rabaa siiba dhalinyarta iyo dadka baraarugoodu hooseeyo oo aan ka warqabin nimcadaan aan ku fadhino waxa naga rabaa inaan ku baraarugno,…”“ayuu yiri.

14-sano guurada aasaaska Puntland ayey maanta farxad u tahay qof walba oo reer Puntland,waxaana hadaan nahay Shabakadda RAXANREEB.COM maamulkeeda iyo shaqaalaheeda dal iyo dibadna leenahay Sanadguuro wanaagsan.

___________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

1 Response for “Xuska Sanadguuradda 14-aad ee Puntland oo lagu Qabtay Boosaaso [Sawirro]”

  1. Wiil reer Puntland says:

    Waa ilaah mahadiis nabadaas dad ka yagu ku tameshleynayaan.
    Waxaan halkaan bogaaadin ugu dirayaa dhamaan dadkii nabadaas u soo halgamey intii dhimatayna ilaahay janadii ha geeyo intii noolna waxaan leyahay hanbalyo.
    Puntland iyo dadkeedaba HANBALYO HANBALYO HANBALYO.

Leave a Reply