Yaa Maalijirey Maandeeq Maanta Yaan La Baylihin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

YAA MAALIJIREY MAANDEEQ MAANTA YAAN LA BAYLIHIN
Wardoon@journalist.com
Agoosto 11 2012

Waa arin qof waliba oo soomaali ah oon saqiir ahayni ka dhergsan yahay dhibaatada baahsan ee 21 jirsatey ee albaabka ka istaagtay guri walba iyo goob waliba oo sankuneefle soomaali ahi joogo, waxaa in badan ladoondoonay xal loo helo xalada cakiraanta ah ee dad iyo dalba dhaxal ahaanta uga heley halaagii dhacay, xiliyo qalafsan iyo xaalado ba’an kadib waxaa daafaha dunida lagu qabtay shirarkii aan cadad lahayn inkastoo isku dayadaas dhamaantood ay kusoo dhamaaeddn hal bacaad lagu lisay.

Ugu danbayn waxaa lasoo amaamuday DKMG ah ee hada jiritaankeeda maalmaha tirsani ay ka harsan yihiin, wax badan ayaa qabsoomay waxbadana waa ay dhiman yihiin, xaalkuse ma joogo halkii uu sanado hore joogey rajaduna uma liidato sidii hore, hase yeeshee waxay u baahan tahay dhiraandhirin iyo in laga ilaaliyo xoog waayo xooga badani xargahuu kaa gooyaa, waxay u baahan tahay xaaladani in lagu waajaho garaad caafimaad qaba iyo garasho buuxda, isku taanaasul iyo turxaan bixin.

Waxaa wax laga xishoodo ah fariimaha qalafsan ee kasoo baxaya aqalka dalka looga taliyo waxaadna moodaa howlwadeenada DKMG ah in weli bisayl badani u dhiman yahay,sidoo kale waxaa wax aan wanaagsanayn ah habka loola macaamilayo dhamaystirka mudada kumeelgaarka, haka hadlin iyo handadaad midkoodna xaaladan waxba kuma soo kordhin karaan afkaarta wanaagsanina ee aqoon yahanku qaadasho ayay mudan tahay, waxaadse moodaa in wax waliba lagu koobay shaqsiyaad gaara, oo u dhaqmaya sidii kaligii taliskii oo kale, waxaa dalka haatan kusugan kudhawaad 50 musharax oo laga yaabo inay xaalada waxuun kusoo kordhin lahaayeen kuwaasi oo laga horjoogsadey inay dacda cagaha soo geliyaan, taasina waxay abuuri kartaa jawi qalafsan oo markale xaalada uga siidari kara.

Gunaanadkii si kasta xaaladu ha ahaatee waxaad moodaa in maanta rajada dadku ay wanaagsan tahay dibad iyo gudaba waxaana wanaagsan in la dhiiri geliyo rajadaasi wanaasan loona wada shaqeeyo si ay wadaniyadi ku jirto, xaalku maata wuxuu marayaa yaa maali jirey war maandeeq maata yaan la baylihin.

Wardoon@journalist.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

Leave a Reply