Yemen Ayaa Musaafurineysa 1,900 Oo Ajaaniib


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sana’a [Radio RBC] Waaxda socdaalka iyo muhaajiriinta dalka Yemen ayaa ayaa musaafuriyay ku dhawaad 1900 oo ajaaniib ah, oo ay ku jiraab 31 Yurub ah iyo 18- Mareykan ah, kuwaasoo dalka soo galay laga  January ilaa June, 2012, waxana ay ku joogeen sharci daro.

Saraakiil u hadlay dowladda ayaa sheegay in dadka la musaafurinaayo ay u badan yihiin African kuwaasoo u badan kuwa ka yimaada dalka Ethiopia.

Waxa kaloo dadkan ku jira 528-qof oo carab ah iyo 50 kale oo ka yimid dalalka Aasiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Yemen ayaa sheegay hal milyan oo African ah oo ka soo carraray dalalkooda in ay labaatankii sano ee la soo dhaafay ku soo jabeen dalka.

Waxa ay inta badan African ka soo dageen xeebaha gobaladda Taiz, Shabwa, Hadramout, Abyan, Hajjah iyo Hodeida, waxana maalin kasta yimaada ku dhawaad 200 ilaa 300 qof.

Afhayeen u hadlay UNHCR, Melissa Fleming,ayaa sheegtay in tirade dadka la musaafurinaayo ay ku jiraan Soomaali kuwaasoo la geeyay xeryaha qoxootiga dalkaas,

In ka badan 51,000 oo         qof oo Ethiopian ah ayaa Yemen immaada sannad kasta.

RBC Radio

Share

Tags: ,

1 Response for “Yemen Ayaa Musaafurineysa 1,900 Oo Ajaaniib”

  1. [...] View post: Yemen Ayaa Musaafurineysa 1,900 Oo Ajaaniib [...]

Leave a Reply