Yuusuf Garaad Oo Maanta Immaanaya Muqdisho
Muqdisho [Radio RBC] Madaxii hore Laanta Afsoomaaliga BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa saacadaha soo socda ka soo degi doona, garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho.
Yuusuf ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida RBC Radio u sheegeyn, dadka ku howlaan soo dhaweyntiisa oo imminka ku sugan garoonka diyaaradaha.
Yuusuf Garaad, ayaa toddobaadkan, ku dhawaaqay in uu ka tagay BBC-da oo 20-sanno uu ka soo shaqeeyay, waxana uu saxaafadda u sheegay in uu isaga go’aansaday in uu ka tago BBC-da,kuna soo laabto dalka, si uu aqoontiisa iyo khibradiisa uga faa’ideeyo dadka iyo dalka Soomaaliya.
“Waxa aan wax ku bartay canshuurta dalka, marka waa in aan ku laabto Muqdisho, oo aan la qeybsado dadkeyga dhibka ay ku jiraan, maxaa yeelay waxa hadda loo baahan yahaya siddii loo badbaadin lahaa dalka iyo dadka” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Hooyadiis ay ka barakacday Muqdisho, iyadoo hadda qoxooti ku ah dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidaas oo kalena ay jiraan hooyooyin badan oo ka cararay dalka.
Yuusuf Garaad. ayaa 13-sano madax ka ahaan BBC-da gaar ahaan laanta afsoomaaliga, sidoo kale waxa uu warar uga soo diray dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska, oo Repoter ama wakiil uga ahaa.
Yuusuf , waxa uu ka mid ahaa wariyaasha sida weyn loo jecelyahay marka laga hadlaayo warbaahinta Soomaalida, waxa uu ahaa qof aad galaangal ugu leh siyaasadda Soomaaliya.oo inta badan ka hadla ama wax ka qora
.
Waxa ka mid noqonaya musharixiin badan oo qurbo joog ah, oo doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo dhaceysa wixii ka dambeeyay 20-ka bisha August ee sannadkan.
RBC Radio
—————————-
Xafiiiska Wararka Muqdisho











yusuf garaad waa ninka somali ugu qabyaalada badan. taas waxaan ku cadaynaya yusuf garaad wuxu shaqadii ka cayriyey weriyaashii kale marka laga reebo qabiilkiisa. bbc dana wuxuu kadhigay meel hal qabuul leeyahay.
Who cares!!……….Waa muwaadin soomaaliyeed oo dalkiisa hooyo ku soo laabtay laakiin wax wanaaga oo uu danta guud u qabtay oo uu attention kayga gaarka ah ku mutaysto iima muuqdaan
ASC WR WBR
Mahadsanidiin sida aad wararka inoogu soo gudbisaan RR Maamulka iyo Weriyayaashaba.
Ilaaheey baa mahad leh hadii qabqable Yuusuf Garaad Umaddii ka qabtay, waxaana wax laga xishooda ah inta qof dhan oo aqoonyahan isku sheegaayo soo hor fariistay Telefishan uu dhibaatadii Soomaliya ka dhacday ku soo koobay Middii Soomaliland iyo tan Ceelasha Biyaha, Umul miyaa Iloowsho badanaa ma wuxuu hilmaamay shacabkii sida xaqdarada ahaa biloowgii 19991-93 ay qolooyinka ay isku haybta ahaayeen ku dileen Muqdisho ama sida qaladka ah uu warbaahinta u adeegsan jiray isagoo ka mid ahaa qabqablayaasha Muqdisho una qaabilsanaa xagga warbaahinta amaba uu dhalinyaro badan oo usoo shaqo doonatay Idaacadda BBCda uu Hayb sooc ku sameeyay taariikhdu waa qoran tahay mana istaahilo xataa Agaasime waaxeed in laga dhigo waxaa sugayso Maxkamadda Denhaag ee waxaan ka codsanaynaa In xukuumadda Cusub ee Soomaliya u dhalan doonta ay dhaqso usoo gudbiyaan DILAA YUUSUF GARAAD si Maxkamad loo keeno.
Wabilaahi Towfiiq.
waa nin dhuuni qaate ah oo ay qabyaalad ay dilootey oo cuqdada ka qaba shacbka uu la noolyahey waa nin Ethiopan ah iska jira ninkani
Marka hore Dhamaan Ramadaan Kariim … Mr. Yuusuf Garaadna soo Dhawow Walaalkey … Waxa aan Been aheyn in Wadanki uu Maanta u Baahan yahay dhamaan kuwi iyaga u Dhashay Waxna ku Bartay, oo kala jooga meelaha aan Ognahay in aysan waxba ka aheyn, sidaasi darteed ayaa waxa Waajib ah, in la gudo Xaqa iyo Wajibaadka lama Huraanka ah, uu Wadankeeni iyo Shacabkeediiba inagu lahaan karayo … Wabillaahi towfiiq.
Dadkiina meesha comment bixinaya xushmeeya madaxda cuqdad baad u dhimateen ee iska saara
Yusuf Garaad waa in Muqdisha dhexdeeda Maxkamada la soo saaraa waayo dad badan baa lagu laayey afka Dagaal oogasyaasha oo uu hadli jiray. Qabiiliste ka weyn oo ka foolxun Taariikhda Soomaaliya kama dhicin. BBC da waxuu markii danbe ku soo koobay gabadh aan hadli karin iyo mid kaloo neef tuuraya. Ceeb u dhimo.
somali boy sxb adiga ayaaba qabyaaladiiste aad u wayn ah maadaama aaaba hadda carabka ku hayso. annagu ma sheegi karno dadka shaqaba bbcda ka tagay sababta ay uga tageen waana laga tagi karaa shaqo oo shaqo kale waa la adi karaa ee maxaa ku cadayn kartaa in uu yahay madaxwaynuhu qabyaaladiiste mise adaa dadka sidaada oo kale u maleeya?
Ku.A.Kariim.
Haddii la sheego wax jira oo an dambi ahayn ma cuqdadbaa?
Adiguse ma dhaaran kartaan in aadan Qaaraan ku bixin in reerkiinu Hub soo gato lagula diriro reer hebel kale?Ugu dambeyn in aad na waanisid waxba kama qabo waana arin aad u fiican.Laakiin in aad adigu daahir tahay yaa huba?
@ Xaajidhuuni runta ku gubeesa nin kani wa wariye ama saxafi waxa jira dhabta ayuu ka hadli jiray ama qaraar AMA macaan waxad ku heesatiin wa qabiilka u kadhashay ,sorry rabi ka dhaliyay dhiiranaan Iyo hurimarka uu garayna aya qaraar ka haya , raxanreeb wad I saxdeen wana Mahad santihiin
EEBWO ILAAHEY AYAA HOREY U SHEEGEY NINKII XUN MARLEE LA HELAA , HADA YUSUF GARAD WAA U DHAMAATEY , KOOW SHAQADII WAA LAGA SOO ERYEY LABO MARKII UU XAMAR IMAADEY WAXAA SOO DHAWEEYEY INDHOCADE IYO NIN KALE OO AAN RABIN IN AAN SHEEGIN ,MARKAAS ,YUSUF GARAAD KKKKKKKKKKKKKK YUSUF INDHACADE KKKKKKKKKKKKKKKKK OO RABAA IN EY ISLA SHAQEEYAAN EEEBOW ANIGA WAXAAN LEE YAHEY FARIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIID