Yuusuf Garaad Oo Si Rasmi U Shaaciyay In Uu Yahay Musharrax Madaxwyne
Muqdisho [Radio RB] Madaxii hore laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta Shaaciyay inuu yahay musharrax u taagan xlka madaxtinimada Soomaaliya.
Hadalkan ayaa sheegay kaddib markii uu maanta qoosas barakacayaal ah oo ku nool agagaarka garoonka diyaarada Muqdisho, uu u geeyay 10- neer oo ari ah iyo 10 loor oo bariis ah.
Wuxuu goobta ka sheegay in uu mudnaanta koobaad siin doono dadka barakacayaasha ee ku nool dalka iyo wadamada dariska lah kuwa qoxootiga ku ah.
“Deeqdan aan maan siinay barakacayaashan wax ay la micno tahay in aan markasta garab taaganay,anniga 22-sanno ayaan dalka ka maqnaa, waxana ku noolaa Yurub, laakin waxa aan doorbiday in aan dalkeyga aan ku soo laabto oo waxa aan soo bartay aan uga faa’deeyo” ayuu yiri.
“Anniga dalal badan ayaan tagay oo xitaa shirarka Soomaaliya lagu qabtay, waxa aan ahaa qof ka soo warami jiray siyaasadda, Norway, Brussels, demark iyo kuwa kale ayaan soo maray”
“Waxa aan idiin sheegeyaa maanta in aan haya musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya hadii aan ku guuleesto waxa mudnaanta siin doonaa arrimaha ammaanka , gaar ahana amaanka caasimada Muqdisho.” Ayuu yiri
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu wax ka qaban doono dhaqaale xumida ka jirta dalka iyo shaqo la’aanta taas oo saameynta ugu ballaaran ay ku keentay dhallinyarada oo hadda badan kood aan wax qaban” ayuu yiri.
Si kastaba, waxa maalinba maalinta xigta sii kordhaya musharixiinta damaca uu ugu jiro xiliga madaxtinimada Soomaaliya oo dhaceysa wixii ka dambeeyo 20 August ee sannadkan, xiligaas oo ku egyahay waqtiga ku-meel-gaarka in uu ku soo dhamaado.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Yusuf Garaad wuxuu ku guul daraystay in uu maamulo koox yar oo hal qol ku shaqeeya, waa ninka la dagay sumcaddii laanta af somaliga ee BBC. Dadkii yaraa ee madaxda u ahaa ayaa noqday wax meesha isaga taga iyo wax uu ku badalo dad uu si gooni ah u wato.
Marka ninka cadaalad iyo hufnaan ku maamuli waay hal xaafiis, sidee looga fili karaa in wadan dhan masuuliyaddiisa lagu aamino. Waa cajiib, markii uu ku fashilmay BBC ayuu is yiri meeshan qof walba is sharaxay bal magacaaga liiska ku darso.
Anigu waxaan oran lahaa in Musharixiinta lagu xujeeyo qofkiiba $20.000 lacagtaasna lagu wareejiyo Hayad samafal oo lagu kalsoonyahay si ay ugu qaybiso dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan Muqdisho.
Waxan filaya Yusuf Garad cid iiga aqoon badani inaysan badnayn wayo waxan wada bilownay fasalka koowaad ( Grade one ) ee dugsiga hoose waxana wada soconay ilaa aan jaamacadda wada dhameyno oo aan weliba waxbarasha keliya mooyee aanan marna xitaa nolosha caadigaa ku kala fogaan.Runtii mudadii qurbaha ee burburkii jiray iska war hayn mooyee xog ogaalnimadeena hoose way yarayd oo meel kuma wada noolayn.Qof kastaa rayigiisa horta waa u xor waana u madax banaan yahay taasina ceeb maaha,waxase wanaagsan qofku waxa uu ka rayi bixinayo inay noqdaan mid uu xog dhab ah ka hayo shaqsi ahaan ee aan ku dhisnayn ku tiri ku teen iyo waa la yiri. Ujeedkaygu maaha ruux difaacid ee waa inta aan ka garanayo shaqsiyadda Yusuf Garad siday u kala fogaayeen musuq maasuqa,eexda qabyaaladda,iyo wixii la hal maalaba.Intaa waxa weliba sii dheer sheekooyin dhab ah oo arimahaa la xariira Yusufna soo food saaray isagoo u madaxa guddiga ardayda jaamacadda iyo mowqifkiisii ku aadanaa ee uu ka istaagay oo ay dhici karto in loo helo marqaati kale oo aan aniga ahayn.Intaa waxaa ka baxsan wixii saameyna oo burburkii Yusuf ku reebay hadduu jiro walow aanan filayn!!!
KURISA NLAGU DOONAYO $ 60.OOO IYO NINKA 10 KA ARIGAA WATA
MAXAA KALA HAYSTA
YUSUF GARAAD RIYUHU KURSI MA GOOYAANE
GEES KALE KA HAANEED INDR
Madaxnimada Sh Shariif waxay albaabka u furtay inay dhalinyaro asaga le’eg ay haweystaan Jagadaas —— Dadkanoo kale horey isuma sharixi Jirin
Anyhow. It’s a good development. Welcome
yuusuf garaad wxauu yahayba waa muuqataa qof is qarin kara maaha qof indha la ama ama dhaga la u sheeg adeer wxaa wado walaahay in uu shariif sakiin iyo shariif shydaan ka ood sokyn wxay soomaalidu ku maahmaahdaa nin markaa rabto inaad barato ama jid la mar ama jabad la joog kkkkkkkk soomaali wxauu yahay way u muuqataa marka laanta bbcda dhulka lagalay samcadeedii oo xataa ku dhowaaty in la xiro waa shakhsi aad u xun oo munaafaq ah lacagta xaaraanta ah uu soo shaqaystay dad masaakiinta ah yuu ku lugoyn halaga qabto waa lacag munaafaqad iyo umad islaam ah madaxlaysugu galiyay iyo isku dir dad walaalo ah ayuu dadka ku lugoynayaa anuu wxaaan oran lahaa hogaamiye kooxeed noqo wxa ku gooya dhowr qori hadaa wadato siyaasada soomaaliya waji kuuma yaale shydaanyohow maangaab ka ah oo ehlu naarka ah
Markii aan fikirkeyga ka dhiibto musharaxnimda yusuf garaad waan soo dhaweynayaa sababatoo ah yuusuf garaad aqoonteeda wuu lee yahay waana nin ku caan baxay in shaqadiisa dhaliil uga imaan kana nabad gelay qabyaalada soomaali had iyo jeer wax ku haleyso iyo eexda sidaa daraadeed barlamaanka la rabo inay soo doortaan madaxweyne soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in yuusuf garaad u doorataan madaxweynaha dalka soomaaliya mahadsanidiin
yusuf maahan nin hufan lakin kuwa kaxun baa sharaxan dhinac walba
KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
walaala yaal dacaayada iska daaya yusuf garaad hadownan bbc cadaalad umaamulin 13sano ma.maamuleen waxow intaa kusoogarayna waa wax darkiisa horumar in owgaar siiyayna waa.mid muuqato dad mucaarada waa iskajiraayan marwalbo waa iska caadi iskaa daya dacaayada qabiilka kudhisa guul baan leeyahay yusuf hadaa ku haboon yusuf
war qofka xunooow oo isku tilmaamay kismaayo waxaan kuleeyahy ofcaytamay ninkiisow kuyaal ` qaraar aaku haayo yuusuf garaad aqoon diisow kutagay bbc looguna doortay ma.mule naarta aad sheegtayna illaah aahaayo dad kaad cuntaaban kuleeyahay
anigu qabiil sheegi maayo laakin xasidnibada iskadaa hana sheeganin magaaladhan waxaa dagan qabiilo kala duwan hanoolaado yusuf garaad cadawgiisa cagta kahoos