Yuusuf Xaaji: Qoxootiga Soomaalida Waa In Loo Raraa Goobaha Ciidanka Kenya Ka Joogaan Soomaaliya
Nairobi [RBC Radio] Wasiirka Gaashandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, oo booqasho ku jooga gobalka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladiisa ay ku tala jirto,siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool gobalkaas dib loogu celin lahaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay ka joogaan gobalada ku dhow soohdinta.
Wasiirka oo la hadlaayay madaxda iyo shacabka ku nool gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa yiri : ” Qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha gobalkan waa in dib loogu celiyo Soomaaliya, gaar ahaan meelaha laga xoreeyay Al-Shabaab, waan in halkaas biyo iyo daawo lagu siiyaa.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool Gaarisa iyo magaalooyinka kale ee ku yaala gobalkaas, looga baahan yahan yahay in ciidanka Kenya kala shaqeeyaan amaanka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa u sheegay muslimiinta gobalkaas, in uusan jirin wax bartilmaameed u ah muslimiinta, ee yoolkooda iyaga uu yahay dagaalka lagu jiro qooxaha qaska ka wada dalka Kenya.
“Waa in dadka Muslimiinta ay ku siiyaan ciidanka la dagaalanka argagixisada, ma ahan in aad iska fadhidaan guryaha waa in dadka wacyi galisaan oo banaamaha aad u soo baxdaan” ayuu yiri wasiiirka gaashandhiga Kenya ahna sii hayaha xilka wasiirka ammaanka Yuusuf Xaaji.
Sidoo kale, madaxda ammaanka gobalka waqooyi ayaa goobta ka sheegay, in ciidamo dheeri ah la geeyay gobalka waqooyi bari dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qoxootiga oo qaraxyo iyo dilal ay ka dhacaan.
Dowladda Kenya ayaa tan iyo markii ciidan ay u dirtay Soomaaliya sannadkii hore, waxa ka dhacay gudaha dalkeeda weeraro iyo dilal, kuwaasoo la sheegay in ay geesteen kooxo hubeysay oo ka soo tallaabay Soomaaliya xiriina la leh Al-Shabaab oo ku biirtay Al-Qaacida
RBC Radio
==================
Xafiiska Wararka Nairobi













Qoxootiga halagu soo celiyo dalkoodu….yeey uga cararayaa……isdaaya….nabadna kuwada noolaada
Waxaan kasoo horjeeda in qoxootiga oo dhan lagu soo daadsho juboyinka ee waa in nin kasto la dhahaa deegaankaada aad ……Nabadiisa iyo hor umarkiisana ku dadaal…….lakin kuligood juboyinka waa arin culeeyskeeda wadata
Wan sodhawaynaya hadal yusuf xaji sababto ah 21 years ayey kunolyihin nolal silica qaxootiga somaliya wadankoda halooceliyo lkn wa in qof walba ada gobalku kasojedo somaliya waxataqana qofka ku dilaya lkn qaxotiga somaliya malinkasta wa ladila waladhaca walakufsada wana jirdila halocileyo wadanloda wanku faraxsanahay
[...] Wuxuu yiri wasiirka Kenya waxa sharaf u ah inay ka guuleesatayn cadowgooda oo uu ka waday kooxda Shabaab ee dalka Soomaaliya. [...]