DAAWO SAWIRADA & VIDEO: Qaarka Mid Ah Suxufiyiinta Ku Dhintay Qaraxyadii ka Dhacay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Alaha U Naxariisto waa Maydka Agaasimihii Idaacada VOD C/rixmaan Yaasiin Cali

Waa Maydka Wariye Cabdi Sataar Daahir oo ka tirsanaa TVga Qaranka Soomaaliya



Share

37 Responses for “DAAWO SAWIRADA & VIDEO: Qaarka Mid Ah Suxufiyiinta Ku Dhintay Qaraxyadii ka Dhacay Muqdisho”

  1. ASC after salaan inalilahi wa inayhi rajicuun dada jiro wax magarataa ku kuna faanayo dhiiga musimiinta ilaahay ha ka qabto umadda somaliyeed wariyaasha iyo shacabka meesha ku nafwaayay ilaahay ha u naxariisto

  2. ahmed says:

    inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun gacanka xaqdaran ayaa lagu sababay ilaahay naxariistii janada fardowsa hakawaraabiyo qoys iyo qaraabo intii uu katagay samir iyo iimaan ilaahay hasiiyo aamin aamin

  3. Jeelle says:

    A/C. Marka hore Alle ha u naxariisto dhammaan intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacantay..Waana rrin uurkutaallo ah in tiradaas oo dad ah islamarkaana aan wax galabsan la dilo. Ilaahey waxaan ka baryaa in umadda Soomaaliyeed nabad iyo xasilooni kusoo celiyo. Gaar ahaan wariyeyaasha la beegsasaday oo runtii ah indhaha dadka, kuwaasoo haddii ay sidaan kusoo socoto nin-doorka shacabka keeni karto cawaaqibxumo ay adagtahay in laga soo waaqsado.
    Ilaahey, towfiiqda hana-waafajiyo.
    J

  4. Jeelle says:

    Mar labaad, waxaa iga yaabiyey sawirka ugu horreeya ee muujinaaya meydka koleyba aan u haysto dadkii wax ku noqday qaraxa ayaa waxan ii muuqda qof meydka wax ka sida islamarkaana ilka-caddeynaya waliba si aad ah!!! Tolow, sababti waa maxay..Qof ila jooga oo aan tusay ayaa ku sababbeeyey in dadka wadanka jooga ee ay dhibaatooyinka kusoo noqnoqdeen ay waxoogaa WAALANYIHIIN. Yacnii, iyaga oo aan is-ogeyn ay maskaxdooda isbadashay islamarkaana u dhaqmaan sida dad waalan.
    waa yaab wallaahi.

  5. [...] Read More: DAAWO SAWIRADA: Qaarka Mid Ah Suxufiyiinta Ku Dhintay Qaraxyadii ka Dhacay Muqdisho [...]

  6. zack-london says:

    inaa lillahi waa inna ilahay raajucuun, Ilahay ha u naxarsiito dakii meshaas ku dhintey jannadana ilaahey haka warrabiyo….. qoysaskkii iyo ahaladii ay ka tagayna samir iyo iimaan ilaahey ha siiyo…………..meeqo ciyaal oo ogaan ah oo aabe la’aan noqdey maanta………inaa lillahi waa inna ilahay raajucuun,

  7. Jeelle says:

    Waa maxay, qof meyd sida oo hadana qoslaya? sow taasi waalli ma aha? Maadaama dalkii dagaalada si isdaba joog ah isaga socdeen baa dadkii dilkii iyo naxariis la’aantii la noqotay wax caadi ah. Wax badan baan maqli jirey in haddii dagaalku sii socdo waqti dheer ( Soomaaliya in ka badan 20 sano ayuu socdaa dagaalka) uu keeno karo cudurro nafsi ah. Sida dadka oo aan naxayn ama iska faraxsan iyada oo dagaal socdo. Sawirkaas, aniga waxa uu ii qiray in shacabka qaar badan oo ka mid ah waasheen laakiin aan laga warhayn.
    J

  8. farxaan says:

    marka hore inaalilaah wa inaa ilaahi raajicuun waa musiibo
    waxaa iga suaal magaalada majoogaan miyaa boolika lasheega iyo nabadsudida la sheegaa mee nafdhimanee ma celinka raan laakiin maxey qabtaan hadii aysan la socon nimankan inkaarta qaba ee dadka ku dhex jira

  9. Jeelle says:

    Kuwa, waxlaynaya qaarkood waxa dhici karta inay kamidyihiin dhalinyaro waalatay oo aan la ogeyn inay waasheen kadibna ay shaqaaleysteen Alshabaab maadaama ay ku adkaatay dhalinyaradaas waalatay ee bulshada aan kusoo dhexjiri karin ee dhimir ahaan wax si’ kayihiin. Dunida daafaheeda meelaha dagaalada noocan ah ka dhacaan waxaa laga sameeyaa barnaamijyo lagula tacaalayo dadka nafsi ahaan jirrin ee ay sabab u tahay dagaalada dhammaan waayey. Kama warqabno ma ahee dadka tiro badan oo kamid ah ayaa laga yaabaa inay la ildaranyihiin jirrooyin nafsi ah. Ogoobey, dadkan aan ka hadlayaa iyagu iskuma haystaan inay waasheen maadaama ay wali caadi ahaan u haystaan hawlahooda. Dadka la joogana inta badan ma ogaan karaan maxaa yeelay iyaguba waalida ayaa kusoo dhaw maxaa yeelay way la joogeen amaba kala qeybqaateen waalidaas markii hore. Sidaas darteed waxaa ogaan kara in waalli guud jirto qofkii meel nabad ah ka yimaada oo isaguna inta aan waalida lagu daaran (la qaadsiin) maalmo kooban laga yaabo inuu inkiro waalida jirta ee ay dagaaladu sababeen.
    J

  10. Yusuf says:

    GEEDKII LA BEERAY 91KII AYAA MIRIHIISII BAXEEN – WAA MIRA QARAAR YAHAY WAR MAAHEE – MOORYANEEY GURTA. KUWA MAYDKA SIDA EE QOSLAYA – WAXAY KU QOSLAYAAN, WAXAY OG YIHIIN – MEESHA WAXA KA DHACAY – WAANA KU FARAX SANYIHIIN – HASE YEESHEE MARKOODAY SUGAYSAA.

  11. Jebarti ! says:

    ASC. Inaa lilaahi wa Inaa ileyhi raajicuun waxaan alle uga baryayaa dadka dhawacmay in uu ilahey ka cafiyo inta ku dhimatayna naxriis jano allaha siiyo soomaaliya qaraxyada waxey noqdeen wax iska caadi ah oo ka mid ah nolasha bina’aadanka caruurtan yar yar oo aan diinta la barin oo aan aqlaaqda iyo xurmada nafta bina’aadanka uu leyahay aan aqoon waa musibo aan dadka qaar garaneynin wana musibo aan ka dhaxalnay dagalkii sokeye ileen waxaan isku firsanay dil oo aan loo abayelenin dadka aan wax galabsan wixii aan sameynay manta ayaan mira heda guraneynaa wallahi hadii aan alle si dhab ah loogu noqan musibadan meel aan uga badbadeyno malaha carurtan malin walbo la dhahayo wey is qarxiyen ma dhulkey ka dhashen hadii ey hooyo la’aan yihin ama aaba la’aan yihin ma adeer iyo abti habar yar eedo ceshato miyaa la wayay ma qarabo ceshato ayaa la wayay ma qabiil ceshto ayaa la wayay waa caruur ku soo kortay diin xumo iyo aqlaaq daro xolo islameed iyo bililiqo lagu soo koriyay yaa celinkara war hadaan les daba qaban somali sidan iyo si ka xun ayaa udanbendonto wallahi markii lagu fashilmo ayaa waxaa la oranayaa waxaa fuliyay tagerayashena malin qiyamo tagerayaal mel ha ku geyaan nargale.

  12. asad yare says:

    war miyaad waalantihiin waa maxay meydadka aad soo sawirteen war walaalayaal ilaahay ka yaaba oo dadka ha niyad jebinina

  13. SSC says:

    Aslama Calaykum,
    Innaa lilah wa inna ilayhi raajuucuun. Runtii waa arin muruglo laakiin in aad soo daabadaan sawirad ma ahayn waayo dadbadan oo ehel iyo qaraaba ah ayey murugu ku reebaysaa.

  14. ahmedpunt---------- says:

    wallaahi jaalle ninka labaxay waxaad moodaa inuu warka uu yiri maskaxdayda kalabaxay inta warkiisa aan akhrin baan rabay inaan qoro . ninkaas nacaskaa oo wax kasida maydka ninka qaaligaa oo dhintay dhoola caddaynaya ,walle xmar bahallaa kunool iyo axmaqyo ……………………
    inaa lillaahi wa innaa ilaahi raajucuun dad qaaliya baa meeshaas ku geeriyooday waxayna ilatahay inaysan haboonayn waxa meeshaas kadhacay oo ah wax murugo leh gacan aan naxariislaawayaala oo lashaqeeya shabaab oo liicay wax cusub iyo siyaasad cusub oo soonooleeyay shabaab dadqal waxyeeladeedii baa kadambeeya oo raba inay fashiliyaan dawladda cusub oo madaxweeyne xasan shiikh maxamuud …scww

  15. [...] More here: DAAWO SAWIRADA & VIDEO: Qaarka Mid Ah Suxufiyiinta Ku Dhintay Qaraxyadii ka Dhacay Muqdisho [...]

  16. farhan says:

    shiikh shariif ma dadkuu laynayaa hadii uu kursiga waayo xaa dadka layhaa
    areey shariifoow na dhaaf amir camiraa ku sheegay
    inta dhimatay ilaahay ha u naxariisto
    xaa ka qaadee madaxweyne xasan wacaysle waayee xakun waa kasaa

  17. Cadaado says:

    ASC, waa runtaa saaxiib Jeele, waxaan la yaabay qofkaan meeydka wax kasida oo hadana dhoola cadeeynaya, waa qof aan caadi aheeyn sida eey u badan yihiin maantay dadka Mogadisho joogo. Oo hadii eeysan waalneeyn amaba wax ka qaldaneeyn 23 sano marba waji cusub ayeey ku dhamaanayeen laguna dhameeynayay. Hadana waxaa ugu dambeeysa qaraxa iyo baabi’inta eey argagixisadaan alshabaab ku heeyso. Laakiin waxaan idiin sheegayaa mar kale, calaacaal iyo in aadnaan ku wardisaan “inaalilaahi wainaa ileeyhu raajucuun” qaraxa iyo xasuuqa kaama celineeyso ee waa in eey dadkaan waxii eey karaamo iyo geesinimo ku dambeeyso eey kacaan, oo eey dariiq kasta iyo masaajidkasta kula dagaalamaan eeyahaan argagixisada alshabaab, hadii kale walee duli iyo adinkoo naf raadinaya ayaad sidaas ku dhamaaneeysiin, nolonna heli meeysiin, sharafna ma la’hidiin.

  18. Somalijecel says:

    Illahay ha u naxariisto inta dhimatay iyo inta dhiman doonta waa masiibo aan gacmaheena ku keensanay.Ta kale dad 22 sanno dhiig dil dhac ku dhex jiray in aan ka sugnaa in ay fow yihiin waa wax aannu ku qaldan nahay.Arrinta aad la yaaban yihiin waxaa iiga darnaa mar aan arkay goob nin lagu dilay oo maydkii uu hoos yaal miis alaabo lagu gadayo oo qofkii miiska lagaa uu kolba dhinac uga istaagayo maydkii oo uu lee yahay meydkan yaa iga qaada ankee naxariis ma jirto,naxdina warkeed ba daa marka xaalka wadanka caadi ma ahan dadku waa waalan yihiin

  19. faarax says:

    ilaahey ha unaxariisto intii dhimatey waxaan la yaaban nahay kan meydka sido oo qoslaayo qof dhintay ayuuba ku qoslayaa

  20. axmad caaqil says:

    innaalli laahi wainaa ilahayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto janadii fardowsana hageeyo inta ku dhimatay inta dhaawacanna illaahay ha caafimaadiyo

  21. dahir says:

    Inaa Ilaahu waa inaa ilaahu raajucun.wardadoow qofka isqarxiyey oo Galaaftay umadaa ilaahay uuntay xaguu tagayaa sidii diintena aan rumaysanahay sheegtay kanleh dad natagersan baa fuliyey arintase waa muslin ma la oran karaa waa calidhere.Ilaahay ha unaxariisto intii qaraxaa ku geeriyootey.eheladoodii iyo qaraabadoodii asxaabtoodi saxibadaahaa iyo somaliyoo idilba samir iyo imaan alaha kasiiyo.cali dheere godane fuad shangole iyo waxa adeecsana waa in soomalidu meelay joogtaba ladagalantaa

  22. inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun c.sataar daahir sabriye iyo liibaan cali nuur ayaan aad uga naxay wlhi somalia ku noqosho maleh

  23. hersi says:

    ku:: jjeelle
    Walaaloow qosolka waxaad mooday waa dhaqankeena had iyo jeer iiska dhoola cadaynaya hadaan la waalneen waxaan isweydiinlahayn waxaan soomaalida maalin walba lagu dilaayo baan ka naxsanaanlahayn
    Sidaad sheegtayna waa jirtaa Waalida qof dil suga ah oo aan ka gilgilanayn oo fiirinaya wuxuu dhaco

  24. Somali says:

    Alah yaa arxamu raaximuun

  25. Puntland boy says:

    Inaa li laahi wa inaa raajicuun ,Waa wax lala yaabo qof sawiradaa aan arko kasoo dhexqaday meyd alaha unaxariistee Oo lagana yaabo inuu yahay Qof uu yaqaano Hadana dhoola Cadeynaya Oo Qoslaya sicadanaa Dadku masaka xiyan ma fiyoow yihiin ? Soomaaliyeey Hadaanan is dabaqaban oo anaga xalku naga imaanin Waa naloo yabaa Dad & Dalba , Dadkaan asbuuc dhexdiis is qarxinaya 2 jeer meel xamar kafog lagama soo abaabuline Maa la sooqabto waxa soo aJbaabula , madax weynaha waxaan kula talinyaa isaga & Parlamentiga Ineey FBI weeydiisto Ineey xarun kafurtaan xamar si loo caawiyo hay adaha dabagalka sida NSS Waxaa loobaahan yahay in Dhaqdhaqaaqa Dadka & telephoneska la koontoroole si loo ogaado Qashinkaan Waxay yihiin & Meesha laga soo abaabulo . Madax weynaha waxaan marlabaad kula talk yaa inuu US.UN. Weediisto help , Viva Puntland & Soomaalia

  26. umu fadumo says:

    acww bacdu salaan walaala yaal alaha unaxariisto dhamaan walaala heena ku geeriyoodey waxaan leenahay alaha kawarabiyo janatul firdows
    kuwa dhawaca ahna alaha ubooga dhayoo caafimaad taam ahana alaha siiyo walala yaal malin kasta umadeenii waxaa laynaayo arxan laa wayaal aan ale iyo rasuul toona aqoon ilahey kuwaas umada haka qabtoo rabii ayaa dalacanaya kan dhinteyna wax uu ku dhintey lama yaqaan umaduu xasuuqey waa shuhadoo in shalaah janatul firdowsul aclaa baan u rajeynaynaa ialahow dalimiinta naga qaboo ilahow wax ma garatada umadaada kaqaboo ilahow adaa abuurtaan kuwan matada xasuuqayaa ilahow aqaro hala sugine aduunka ku ciqaab manta soo mali dhib uma bahna ayaadaa aduunka kukal lunsan qarax tabar uma heynoo ilahoow dalimiinta naga qaboo

  27. cadaalah says:

    inaa lillaahi wa inaa ilahi raajicuun, raga maalin walba tv qaranka nooga sheekin jiray baa ugu daran, siiba c/sataar daahir sabriye oo ahaa ninka ugu samir badan oo maalin walba ka soo warami jiray xarunta baarlamaanka iyo doorashada

  28. Maxamed says:

    Allaha u naxariisto wixii ku dhintey qaraxa, waxaan annigu kasii naxay ragga meeydka wada oo hadana iska dhool cadeynaya. Walaalayaaloow reer muqdisho sida lamoodayo ma’ahan, yaanan soomaaliyeey muqdisho lagu dagdagin oo aana la’isku dhiibin 22 sano mooryaanimo waxay dhalisey meydkii xitaa in la’ixtiraami waayo, soomaaliyeey, khaasatan reer puntland, walaalayaaloow horey u socda, dib ha ugu laabanina muqdisho, federalismkana gooska gadaal ku qabsada wallaahi dadkani waa bahaloobeen, reer puntland gacmaha is qabsada iskuna dulqaata, balaayo ka daran waxyaalaha aynu dhibsanno yaan shanta lala galin, yaanan muqdishoo isku dhiibin,.

  29. XuuXuule, Garsoor, Gaalkacyo says:

    Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajucuun.

    Waa maxay dadka aan waxba galabsan oo layska qarxinayo! Ilaahayoo unaxariiso inta ku dhimatay meeshaas, aamiin!!!

    Soomaalidu cawaansanaa ma hadeey barteen bombada, oo ma oga miyaa ineey hal mar la kaceyso ciyaal, ciroow, iyo hooyooyin!!

    Subhaanallaaah, ilaahoow dadkaa iimaankii iyo caqligii kusoo celi, aamiiin

    MIDA LABAAD WAXAA IIGU YAAB BADNAADAY QOFKA NEEFKA CAMAL AH OO MEYDKA WAX KA SIDA, OO ISKA ILKA CADEYNAYA, MIYUUYSAN FAHAHSANEYN DHIBAATADA MEESHA KA DHACDAY IYO QOFKA MUSLIMKA AH OO NAFTA WAAYAY???????

    Markaan waxaas oo kale arko ayaan ka samraa inaan Somalia ku noolaan karo, siiba meelaha qaarkood oo dadku bahaloobeen, ilaaheey ayaan ka magan galay waxaas oo kale inuu daris iiga dhigo, aaamiin, waxaa meeshaas oo kale dhaanta anigoo dhulka saxarada dhexdiisa teendho ka taagta oo riyaha iska raacdo! Subhaanallaaah!

  30. Mudey yare says:

    Marka hore Inaa Lilaahi Wa inaa Ilaahi raajicuun.

    Maxaa waaye ninka mayda wada haddana inuu qoslaaya u eg. madaxa maa looga jiraa mise dhibaatada ka badatey owgeed dadkii oohintii qosol isu bedeshey

  31. ahamednsir says:

    waxan sugayaa labada nin ee aadka u dadka u caaya oo difaaca qabiilkooda iyo danooha reerkooda hadana maanta tacsiyeynaya miyeysan ogeyn in la dhimanayo oo reer hebel iyo qabiil iyo cuqdad baan u qabaa aan meel lagu tageeyn labadaas nin waa @somalijecel oo reer puntland caaya intaas iyo qabiilada daga iyo @CADAADO oo isagu sheegteey in uu yaheey qabiilka cadaada daga hadana dhibtan dhaceysa ah dadkii ka danbeeyey oo dowladii wax ka rideey dhibtaana somali u horseedeey.

  32. Jeelle says:

    Arrinku sidaa Ma aha!

    Arrinka caadi ahaan maba aha halka dadka qaarkii ula carararayaan ee ay la aadaayaan qabyaalad, gobol iyo waxyaale kale oo aanba meesha oolin…Waxaaba la odhan karaa in qabyaalad u tiirinta arrin quseeya geeska Afrika oo ah argagaxin ka socota min Kenya, Uganda illaa cirifka waqooyi ee Soomaaliya laga dhigo mid Muqdisho uun u gaar ah, baa ah WAALLI QABYAALADEED u baahan in lala tiigsado dhaqtar!

  33. Jeelle says:

    Haddii laga badan waayo, waa sax in Mogadishu tahay meel Soomaali joogto oo ay mushkiladaha kusoo laalaabteen, taasna waa imtixaan ay tahay in lagu sabro oo lagu dulqaato. Ilaaheyna dadka wuxuu geliyaa imtixaan badan. Haddii qof yiraa hadda, maxay dunida muslimka uga mushkilad badan tahay inkale ee aduunka, maxaa yeelay cuqabad baa haysata! Tusaale: Suuriya, Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya IWM sababtuna loo saariyo in Ilaahey uusan raalli ka ahayn…Baa waxaa meesha imanaysa ma Mareykan, UK, Itaaliya IWM ee kheyrka iyo baraaraha ku jira miyaa jidka ugu wanaagsan ku jira oo oo sidaas ku gaaray raalli ahaansho Ilaahey?Laakiin arrinka sidaa ma ila aha. Simply, dadka Soomaaliyeed ee balaayada dagaalada sokeeya iyo kala qeysanaanta diloodeen baa had iyo jeer mushkiladaha noocyadooda kala duwan midba gees kasoo galayaa illaa dadka qaarkii ku waasheen oo ay qoslayeen xataa iyaga oo meyd sida. Waana qof, dee xanuunsanaya oo u baahan u dhimrin ee uma baahna ku jeejees aan loo meeldayin! Iyo qabyaaladeyn xataa marki ay ahayd in la murugoodo oo loo duceeyo dadka masiibooyinka la ildaran!
    Ila soco

  34. allaha u naxariisto wariyaasha dhamantood waxa ay ka geeriyooden dadweeynaha somaliyeed waxaa dilay gacan kaxaq daran cabdisataar iyo libaan iyo cabdiraxman

  35. xaawo says:

    asc walaahi dadka muqdisho daga aad baa meeshan loogu caayaa laakiin kuligiin ayaa ka doqon san oo dad bashar alle uumay cayahay adunku inaad wax caay san mahane waxkale mataqaaniin waxaan idiin sheegayaa reer muqdisho geeridana waa yaqanaan nolashana waa yaqaanaan adeerayaal ee adiku lafihiina wax uqab sada haku mashuulinee waxeey ku lee yihiin xoola xaaraan ah ayaa lagu soo korshay markii hore xoolaha aad xamar ku tabayso axgeed ka keenta maxoolaad latimid xamar adinkoo dhahayo boowe bari laga raysay ayaad noo timaaden waana idin soo dhaweeynay kadibna waxaad bilawden dhaqan xumadiini oo ilaa hada aad ku taagan tihiin xoolayahoow soo ururay waxaan kaloo idiin shagayaa soo dhul ma daganidiin haydin deeqo xamar idin marabtee awoowina faroole qudada ku jirta aayaa adinkana idinka buuxda insha allaah markii alle subxana watacaale ugu tala gola yeeyna hagagaysaa asaga ku shaqalle markii wax yar qamar ka dhacaanba waxeey ku lee yihiin 91 wankii maa dad lagu laayey ismaba ago ayagu waxa ay samay nayaan dadka ay doonyaha intay ku qaadan bada ay ku shubayaan ama dad soomaaliyeed intay baabur ka soo buuxshen ay ku soo dad sheen xaduuda galkacyo wax walba way qoran yihiin kuwaas maxaad uga banan bixi waydeen haddanan ka sineen kumanta idiku shirta alle uun baa idinma bixin kara

  36. wadaad yare says:

    Markii geel laga hadlo in goroyo loo heeso wax fiican ma ahan. Qofka sidaas sameynayana waa inuu ka joogo oo waayeel iska dhigo. Meeshaan argagixiso caalami ah oo caalamka dhan ka wadda leyn iyo gumaad ayaa dadka xasuuqayee maxey tahey macnaha in qabyaalad iyo waxaan loo joogin mar kasta meesha la keeno?

  37. caraseedo says:

    Inaa lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun,Ilaahayoow adigu badbaadi ummaddan,isku bahalooday,
    ee isbaabi’inaysa.

    Waar maxaa la’iska gudahayaa oo la’iska gooynayaa???

    masiibadan duuli xaggee xajadeed ka timid???

    dawo Allaa bixiyee xaggee baan u doonanaa????

Leave a Reply