Aayadaha quraanka axadka ku dhaartoow ha qaadan inkaarta umada! W/Q Cabdulaahi Ducaale


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Aayadaha quraanka axadka ku dhaartoow ha qaadan inkaarta umada!
Cabdulaahi Ducaale
Nasri2014@hotmail.com
Sabteembar 10 2012

Maanta waa aduun barina waa aaqiro, umadu soomaaliyeed weey daalantahay, waxaa ka muuqda rafaad, kan dalka ku nool iyo kii kasoo haajirayba maheeystaan nolol farxad galin karta, hami iyo hungoow ayeey mudaba la daalaa dhacaayeen, bari bay si roon noqon iyo saadanbeey hagaagi doontaa, mar walba waxaa umada raja tira koox danta guud ay uga haboontahay maalin dharag. Ararteeydan waxaan uga gon leeyahay, waxaan ahay ruux welwelsan, oo ay hareeysay kalsooni daro aan ku qabo xildhibaanada soomaaliyeed ee ay soo xuleen oday dhaqameedada soomaaliyeed, waxaana taa igu beeray, dab nin ku gubtaa dambas ka carar, horaan waxaan u sameeyay riwaayadii lamagac baxday (sandareerto) oo ay qaar kamid ah umada soomaaliyeed hordhaceeda daawadeen, islamarkaana aan wali ii suurta galin in aan soo bandhigo ayadoo kaamil ah. Riwaayadaas oo muujinaysa aayada quraan ku dhaarasho iyo aminsanaan la,aan.

Maanta waxeey iga taagantahay ehbin. Xildhibaanoow hadaad islaam tahay ood alle taqaan codka aad dhiibaysaa kaligaa malihid,waxaad masuulka tahay shaqsi walboow ku dhowaad laba iyo labaatan kun oo qof, lacag hasiisan,hana dhicin oo dhulka hala jarin rajada umada soomaaliyeed, waxaan lahadlaayaa shaqsigii islaam ah oo aaminsan ilaah, kaan ilaah aqoon ee caabuda lacagta, waxaan leeyahay samee sidaad doonto. Umada soomaaliyeedna waxeey ku daba dhigeeysaa kitaabkaat ku dhaaratay iyo inkaar.

Fadlan qof walboo soomaali ah waxaan ka dalbanaayaa in uu faa,fiyo gaarsiiyana xil dhibaanada ku dhaartay kitaabka haduu jiro ruux aad ka taqaana waani wax u sheeg.

==================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

Leave a Reply