Abwaan Axmadeey Gaashan Oo Talaayniga Loogu Qaaday Daweyn


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Abwaan Axmadeey Gaashan Oo dhaawac ah

Abwaan Axmadeey Gaashan Oo dhaawac ah

Nairobi [Radio RBC] Kaddib seddax bil oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan  oo ku dhaawacmay qarixii 4-tii bisha Apiril ee sannadkan ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee qaranka Tiyaatarka Muqdisho, ayaa shaley waxa loo qaaday Talyaaniga.

Laashinka oo dhowr bil ka hor laga soo qaaday magaalada Muqdisho, ayaa waxa tan iyo xiligaas ku sugnaa magaalada Nairobi ,halkaasoo ay ka socotay siddii loogu qaadi lahaa isbitaal ku yaalo dalka Talyaaniga.

Abawaanka ayaa ka mid ahaa dadkii sida xun ugu dhaawacmay weerarkii Tiyaatarka oo ay dad badan ku dhinteen, waxana markii hore uusan heli daweyn fiican, isagoo dhaawacyo badan oo uu madax ka mid yahay soo gaaray.

Laashin Axmedeey Gaashaan oo ka mid ah abwaanada fara kutiska ee aan ka bixin dalka burburkii 21-sano ee la soo dhaafay ayaa ka duulay shaley garoonka diyaaradaha ee Joma Kinyaata ee Magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku sii dhaweeyeen fannaanin iyo, dad weyn uu ku jiro danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya.

In loo qaado abwaanka Talyaaniga waxa ka dambeesay oo isku howlay tan iyo markii uu dhaacwamay Farxiyo Maxamed Mire oo madax uu ah Urur ka dhisan dalka Talyaaniga oo ay Soomaali ku Mideysanyihiin kaa oo lagu magacaabo (Balestirino For Somalia).

Abwaanka ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii ka dambeeyay in uu helo daweyn, waxana uu sheegay in uusan hilmaami doonin dadaalka ay sameeyeen dadka Soomaalida.

Laashinka ayaa waxa uu ka mid ahaa abwaanada aadka loogu yaqaan heesaha banaadiriga iyo ruwaayadaha, waxana ruwaayadaha uu sameeyay ka mid ahaa Kibirkii Jecelka Yaa Karfan saaray, Shumeey iyo kuwa kale oo aad u badan

Laashin Axmed Cabdi Cali oo loo yaqaano Axmedey Cabdi Gaashaan wuxuu ku dhashay sannadku markuu ahaa 1948-kii Tuulada Cumar Beere oo 10km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Afgooye.

RBC Radio

================

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Abwaan Axmadeey Gaashan Oo Talaayniga Loogu Qaaday Daweyn”

  1. [...] See more here: Abwaan Axmadeey Gaashan Oo Talaayniga Loogu Qaaday Daweyn [...]

  2. Samadoon says:

    Wad loo filaa wali nool
    Ax! Yaa iigu dara….
    Buuxi…………………………….
    …………………………………..

    Waqtigu ma waaree waligaa ogaaw
    Ninba waayihiisaa waran loo tumaa 2x

    Wacadkii Jaceelkaa, Hadaad wabi ku tuurtay
    Warkaas waraan ka xigaa, wareer mayeelaayee

    GABADHA

    Wareerka wakhtigaa keenayee, keenayee
    Weheey aduunyo waayeheeda wareer iyo xumaan
    Wax kastaa la arkaayee weerweerka dhaaf.

    Wadkii naftaydoow hoo oow, wacadkii Jaceelkaa wadnaheygaa
    Wadnahaan ku wataa haa, Wadnahaan ku wataa.

    Waaw! Abwaan Qaran dheh Allow caafi.

Leave a Reply