Abwaan C/naasir Dhagadheere oo Talo Iyo Tusaale u Diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Minneapolis (RBC) Abwaan C/naasir Cali Daahir Shhabac [Dhagadheere] oo ka mid ah odayaasha waayo araga u ah xaalada wadanka iyo siyaasadaha dalka ka jira ayaa kula taliyey madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeo sidii uu cadaalad iyo sinnaan ugu dhaqi lahaa maamulka ee loo doortay.
Abwaanka oo wareysi siiyey Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay nin waayo arag maadaama mudaddii 22-ka sano ahayd ee burburka uusan dalka ka tegin uuna dhibka la qeybsaday dadka Soomaaliyeed taasina ay ka caawin karto inuu fahmo dhamaan dhibaatooyinka ku habsaday qaranka Soomaaliyeed.
Abwaan Dhagadheere ayaa hoga tusaaleeyay inaysab fiicneyn in madaxweynuhu isku xeero qolo gaar ah ama qabiilkiisa, ama uusan ka wada fogaanin balse ay fiican tahay inuu dhageysto talooyinka dadka samataliska ah.
Wuxuu sheegay in marka madaxweyne la doorto dadka ay ugu soo hormaraan kuwa ugu dhow oo had iyo jeer xumaan u sheega, isagoo sheegay in haddii sahanka uu been soo wariyo ciidanku jabo, sidaa awgeedna looga baahan yahay madaxweyne Xasan Sheekh inuu kala garto dadka talada wanaagsan bixinaya iyo kuwa kale.
Abwaan Dhagadheere ayaa muujiyey baahida loo qabo in la soo magacaabo raysul wasaare karti iyo hufnaan, isla markaana dawlada cusub ay ugu horeysiiso amnigii dalka in la soo celiyo.
Talooyinkan ayaa imaanaya iyadoo weli madaxweynaha cusub laga sugayo xulida raysul wasaaraha cusub ee dalka oo illaa hadda aan la ogeyn shakhsiga uu noqon doono balse weli la tashiyo ku aadan magacaabistiisa ay ka socoto madaxtooyada Villa Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA ABWAANKA
RBC Radio













Masha Allah Abwaan Abdinaasir Ali daahir Shabac. Aleylehe nin lala tashado waad tahay, talana dhiibtay, waxaanse rajaynayaa inuu kula fahmo Madaxwayne Xassan Sheekh Cabdulahi, insha Allah.