Afhayeenka Al-Shabaab: Dadka Jubbooyinka Ku Nool Ha u Soo Duceeyaan Mujaahidiinta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Baraawe (RBC) Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo hadal ka jeediyey xalay idaacadda Andalus ee magaalada Baraawe ayaa ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo beryahan kacsanaan ay ka jirtay.

Cali Dheere wuxuu sheegay in Kismaayo ay ku dagaalami doonaan isagoo sida uu sheegay “qabsashada Kismaayo” ay ka horeyn doonto dhiib badan oo daata oo baroor badan oo ka yeerta magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

“Waxaan rabnaa in dadka Muslimiinta aan ugu bishaareyno in hamigii gaalada uu burburay ayna la kulmeen dhabar adagy ay mujaahidiintu [AlShabaab] u dhabar adegyeen” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo telefoonka ku soo hadlay.

Wuxuu brrn la faafiyey ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Kismaayo.

“Waxaan u cadeyneynaa dadka Muslimiinta ah in Kismaayo gaalo tagto oo ay dumispo shareecada Islaamka ee ka oogneyd  iyo diinta Islaamka ee lahu dhaqaayey in la dumiyo, towxiidka iyo caqiidadii ka jirtay in la baabi’iyo inay ka horeyso dhiig badan oo gaalo oo halkaa ku daata..” ayuu sii raaciyey afhayeenka Al-Shabaab.

Qabiilada Jubbooyinka

Cali Dheere wuxuu sheegay inuu qabiilada dega Jubbooyinka uu uga mahadcelinayo taageeradii ay siiyeen Al-Shabaab, isagoo markale weydiistay inay u soo duceeyaan.

“Qabaa’ilka degan Jubbooyinka ee runtii muujiyey diofaaca iyo adkeysiga ay cadowga la dagaalameen, inaad diinkiina iyo dadnimadiina aad difaacataan” ayuu yiri afhayeenka ururka Al-Shabaab oo sheegay inay u garab istaagaan sidii loo garab istaagay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey.

Wuxuu Cali Dheere intaasi ku daray inuu dadka ku nool Jubbooyinka uu weydiisanayo inay u soo duceeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab si ay dagaalka ugu guuleystaan.

Hadalka afhayeenka Al-Shabaab ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ka soo baxa afhayeenka tan iyo intii dagaalada culus ee u dhexeeya iyaga iyo ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ay ku dhowaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo dad badan ay ka barakacayaan wararkuna ay sheegayaan in magaalada ay ka bexeen saraakiisha Al-Shabaab.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Afhayeenka Al-Shabaab: Dadka Jubbooyinka Ku Nool Ha u Soo Duceeyaan Mujaahidiinta”

  1. Fiqi says:

    Haa Duco way u baahan yihiin:

    Ilaahayga qaadirka ah ha idin soo hanuuniyo oo xaqa ha idin tuso, sharkiinana ilaahay ha naga kaafiyo aad ayaad noo dhibteen haddaan nahay dadaka somaaliyeed ee muslimiinta ah.

  2. Ali soomali says:

    Cali-dheere waan kula hadli lahaa laakiin qof xor ah oo keligiis go’aan qaadan kara ma tihid ee waxaa kugu shaqeysta niman ajaanib ah oo dalkooda deegan yahay ee aan u ogolayn in bur-bur ka dhaco waayo waxaa ku nool caruurtooda. Caliyow waxaad ka fekertaa mustaqbalka caruurtaada oo aan lahayn dal kale, waxay u baahan yihiin dalkan oo ay uga baahan yihiin waxbarasho, caafimaad,shaqo iyo nololba, waxay u baahan yihiin caruurtooda caruurta ay dhalaan inay u aayaan. su’aashu waxaa weeye niman caruurtooda mustaqbal fiican horyaalo oo dhulkooda deggan yahay sidey adiga iyo kuwa la midka ah ee soomalida ah ay caruurtiina mustaqbalkooda ay u baa’biyaan?

  3. [...] Saraakiisha ururka Al-Shabaab waxay hadda ka fekerayaan sidii ay u wajihi lahaayeen wajiga labaad ee… ay kula jiraan ciidamada dawlada iyo AMISOM, taasoo ah dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ah nooca ay ku dhaqmaan jabhadaha duur ku jirka ah. Afhayeenada kooxda ayaa sanadkii hore sheegay inay wajigan labaad ku dhaqmi doonaan kadib markii ay ka bexeen magaalada Muqdisho. [...]

  4. [...] Saraakiisha ururka Al-Shabaab waxay hadda ka fekerayaan sidii ay u wajihi lahaayeen wajiga labaad ee… ay kula jiraan ciidamada dawlada iyo AMISOM, taasoo ah dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ah nooca ay ku dhaqmaan jabhadaha duur ku jirka ah. Afhayeenada kooxda ayaa sanadkii hore sheegay inay wajigan labaad ku dhaqmi doonaan kadib markii ay ka bexeen magaalada Muqdisho. [...]

Leave a Reply