Afhayeenka Al-Shabaab: Doorashada Ma Aqoonsanin, Waana Wadeynaa Dagaalka Illaa Dhulka Laga Xoreeyo
Muqdisho (RBC) Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay mid aan ka tarjumeyn rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
Cali Dheere ayaa sheegay in doorasho aan la dhihi karin bedelaada Shariif Sheekh Axmed balse ay tahay oo kaliya in la isku bedelay dadka u shaqeeya wadamada shisheeyaha.
“Xarakatu Shabaab ma aqoonsana doorasho ku sheeg iyo inay tahay danta dadka Soomaaliyeed, waxay wakiilo u yihiin wadamada reer galbeedka iypo wakiiladooda ku sugan gobolka” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.
War saxaafadeed qoraal ah oo uu ku saxiixnaa afhayeenka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in doorasho xor ah oo caddaalad ah aysan ka dhici karin wadan la heysto, sida uu hadalka u dhigay.
“Bedelaada Shariif Axmed waxay ka dhigan tahay jahwareerin lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee lagu soo duulay” ayuu sii raaciyey Cali Dheere hadalkiisa.
Dhanka kale afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku goodiyey in dagaalka ay sii wadi doonaan illaa inta ay ka xoreynayaan dhulka Soomaalida oo uu sheegay in kheyraadkiisa la boobayo dhaqaalahiisana la burburinayo.
Hadalka afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo laga baahiyey idaacadaha ay leeyihiinAl-Shabaab sidoo kalena lagu faafiyey bogaga internet-ka ee ay adeegsadaan ururka Al-Shabaab ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo yeera kooxda ee ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda in ka yar 24 saac xilka madaxweynanimo haya.
RBC Radio












waa run dal lahaysto doorasho sax ah kama dhici karto. mid kasto musharixiinta kamid ah marka uu khudbeenayey wuxuu yiri. ”waxaan ku faraxsanahay alshabaab in laga xoreeyay deegaano badan” suaashu wexey tahay ma uganada iyo burndi ayaa xoreeyay afgooye iyo marka iyo xamar oo ka xoreeyay wiilashii u dhashay deegaanka kkkkkkkk ma itoobiya ayaa xoreeysay baladweyne baydhabo garbahaarey oo ka xoreysay wiilashii deegaanka. ma kenya ayaa xoreysay dhoobley qooqaani afmadaw oo kaxoreysay wiilashii deegaanka kkkkkkkkkkkkkkkk. SHAME ON YOU. soomaliya waa lahaystaa illaa ciidamada gumeysiga laga saarayo wadanka xabadda wey socon INSHA ALLAH, armaa kan cusub oo ladoortay ISMA DHAANTO IYO DHASHEEDA,
cali dheere alle kacabso dagaalka jooji qoriga dhig dowladnimo ayaa loogudbaye ee dadkaaga dhinac karaac -lllll
Walaalayaalow waa fursaad idiin furan ee ka faaideysta adinkoo qaadanaya nabadda la idin weydiiyay hogaan hadaad doonaysaan adinkoo nabadda qaata ayaad helikartaan ee dabka joojiya.
alshabab wa urur islamiya oo dadaal dheeriya samayey.walaw ficilo khalada sameyeen, lkn gaalada isbahaysatay ee wadanka gumaad kawada ayaan kaxumahay oo hadana shacabka soomaalidu iska indha tirayan alshabab ayaad gaalada usoo raacdeen ,tusaale,maxa islaamku u arki waayey dhibatada lagu hayo muslimiinta(syria,phalasten,iraq) wa yaa banahaye.
gumeyste Alshaydaan ka xun ifka ma jiro, waana la idiin ka xoreyn dhulka ee inta goori goor tahay dadkeena wax la wadaaga, shisheeyaha idiin ku diraaya dadkiina iska celiya waa iga talo.
Asw waxaan dhihi lahaa w/ cali dheere waxeynu nahay doolad madax banaan marka haddii aad leedahay waxaan baabi inayaa caruurta walaalahaa dhaleen mam walaashaa dhashay ama hooyadaa ama habiarirtaa ama eedadaa intaasba waa qaraabadaada soomaaliyeed marka haddii aad leedahay soomaali oo dhan baan tirrirayaa ama waan nooleenayaa ,W/ cali dheere maanta aduunka wuu hormaray soomaalina boqol sano ayaan ka dambeenaa w/cali dheere ilaahegii ku abuurtay ka baq aad ogtahay in eey jirto qabri iyo xisaab .somali waxey u baahantahay wacdi lawacyi galiyo marka dadkii wax bar oo diinta saxda ah ku soo jiido .
kuwan aal sheydaan la dhaho yaa soo wada qab qabto oo iyaga oo nool nool gacanta ii soo galiya isaga oo nool aan nolosha ku gubi lahaaay duliga soomali dhibay , waxan jeclaan lahaay markii lasoo qabto iyaga oo dhan in barxada la keeeno oo somali dhan wada daawaneysa seeeeeef looga jaro qoorta sheydaamada irhaaabta ah oo dadka kawada nixiya iyo caruurta ka sasiya iyo dumarka ka ooysiiya , waad dhamaten hadey soo afjarmeysa insha allah al sheydan waa u dhamaatay kismaayo aa ku tirtirmeysan insha allah as a soon
Doqontu waxaa la yiri meeshii lagu diriray bay ogtahay ma oga in la heshiiyey sxb alshaydaan waxay heystaan fursad waa inay ka faaiideystaan hada wax walbaa isbedel ayaa ku yim ninkaan cusub halala shaqeeyo hadii kale kismaayo waa meeshii ugu danbeysey ogoow hads daba qabta inta nool hadaad dagaalka joojisaan dhamaan gaaladu wey baxayaan anagaa isu soo harayna marka ogaada gaalada idinkaa wadanka ku haya hadaad tihiin alshaydaan kuwa halkaan ku soo qoray waa sax adeer maskaxdaa wax uga dhimanyihiin
marka tala sax ah la helo labada dhinac ku dhawaaqaan xabbad joojin,gaalada amar lagu siiyo in aanay dagaal qaadin,dad ahlu xal wa caqdi ah la raadiyo isaga dab qaada labada dhan si aan dhiig dambe oo nin muslim soomaali ahi leeyahay u daadan,caqliaga iyo maskaxda allah ina siiyey aan ka faa’iidayno inta gaalo dhulka joogto oo taladu tooda tahay ee aanay tan xasan xhiikh maxamuud iyo cid kale oo soomaaliya ahayn wax hagaagayaa waa yar tahay,haddii berri ina shiikh gaalada ku yiraahdo waan heshiinaynaa haddii aad na daysaan isagaa maqan,oo waa la khaarajinayaa ama shaqada ayaa laga xayuubinayaa. markaa dalkan taladiisu soomaali gacmheeda kuma jirto ee xaqiiqada ha loo soo wada noqdo.
waa yaab cali anaa dilay ma dagaalami karaa? waa maya,,, shabaabul shayaadiin way jabeen alle ayaa jabiyay, shacabka somaaliyeed marabaan dagaal waxay rabaan dowladnimo
i’m not alshabab and politician but i’ve missed somalian. Waxan ka xumahay dadka shakhsiyadoda aan aqoon ee kudoda magaca galadu ula bexeen islaamka juhdiga badan.(argagixiso) gaalada aya ah,islaamka xabsiyadoda ku ciqabaya dadkan fikirka reer galbedka lagu shubtay Waxan leyahay bal gaalada waxay islamka ku samaynayan Maxaad uga hadli la’dihiin?. Walee cidla ayaad ku so dhecaysan hadeydan islaamka Jaa’ifada kadeyn.
jecliyaa al shabab jabkeed jecliyaa , al sheydaaaaaan waa dhamadeen allaha dhameeyee
Cali dheere wuxuu yiri ” doorasho xor ah oo caddaalad ah aysan ka dhici karin wadan la heysto, sida uu hadalka u dhigay” . Runtii waa war wanaagsan oo anigu waxey ila aheyd in Al-Qaacida iyo al-Shabaab ay midoobeen oo isku feker noqdeen ! sida muuqata al-Shabaab waxey aaminsantahy in doorashadu ay xalaal tahy oo daka ay isku dooran karaan si dimoqraadi ah taasoo aad uga duwan fekerka al-Qaacida.