Afhayeenka Amisom: Haddii Kenya Ay Adeegsato Diyaarado iyo Maraakiib, Amisom Shaqo Kuma Lahan!
Muqdisho (RBC) Afhayeenka ciidamada AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sio cad u sheegay in AMISOM aysan shaqo ku lahaan doonin wixii ka yimaada “haddii ciidamada Kenya ee ka dagaalamaya Kismaayo ay isticmaalaan maraakiib iyo diyaarado”.
Col Cali Xumud wuxuu sheegay in kaliya hawlgalka Kenya uu u nasab sheegan karo AMISOM haddii ciidankoodu uu ku kooban yahay dhulka isla markaana ay ogolaadaan inay toos uga amarqaataan taliska AMISOM.
“annagu horana waan u cadeynay AMISOM wax shaqo ah oo ay ku leedahay ma jiraan maraakiibta iyo diyaaradaha, AMISOM hawlgalkeedu waa dhulka” ayuu yiri Col Cali Aadan Xumud.
Afhayeenka AMISOM waxaa la weydiiyey sida uu u arko in Kenya ay ka tirsan tahay AMISOM isla markaana ay ogolaansho ka heysato Qaramada Midoobay.
“Haddii hawlgalka uu yahay dhulka ayna AMISOM wax ka hogaamineyso markaa waa haa laakiin AMISOM ka mid ma aha diyaaradaha iyo maraakiibta la sheegayo” ayuu si cad u yiri Col Xumud.
Wuxuu afhayeenku sheegay in dagaalkii maanta ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ay dhowr jiho kaga soo durkeen magaalada iyadoo buu yiri. Al-Shabaabna ay magalada isaga bexeen. Wuxuuna shacabka reer Kismaayo ugu baaqay inay isdejiyaan kana fogaadaan meelaha lagu dagaalamayo ee ciidamada.
“Waxaan ugu baaqeynaa sidoo kale dhalinyarada la khalday ee ku jira Al-Shabaab inay iskaga soo baxaan oo ay naftooda badbaadiyaan, anaku AMISOM ahaan waan soo dhoweyneynaa maxaa yeelay waa wiilal Soomaaliyeed..” ayuu sii raaciyey afhayeenka AMISOM.
Waa hadalkii ugu horeeyay oo uu si cad u sheego afhayeenka AMISOM kagana hadlo habka iyo sharciyada ciidamada Kenya tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM ayna qaateen koofiyada cagaaran ee AMISOM.
Dhowaan ayaa waxaa isla arinta maraakiibta Kenya ay u adeegsaneyso duqeymaha ay ka geysaneyso gobolka Jubbada Hoose cambaareeyay danjiraha dawlada UK u jooga Qaramada Midoobay Mark Lylall Grant oo tilmaamay in maraakiibta Kenya aysan ku jirin AMISOM.
Khilaafka Kenya iyo AMISOM
Tan iyo markii Kenyanka ay ku biireen AMISOM ayaa waxaa soo laalaabanayey su’aalo ka imaanayey hogaanka sare ee AMISOM gaar ahaan saraakiisha Uganda oo leh ciidamada ugu badan ee Soomaaliya ka jooga AMISOM, kuwaasoo aad u diidan in Kenya ay magac la sheegtaan AMISOM isla markaana ay goonigooda u wataan hawlgalkooda.
Sarkaal Uganda oo dhowaan la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in Kenyanka ay aamusin waayeen afhayeenadooda kala ah Chirchir iyo Oguna oo markasta ka hadla dagaalada ka dhaca gobolada Jubbooyinka isla markaana marka ay guuldarro ku dhacdo ay u soo saariyaan AMISOM.
Saraakiisha Uganda ayaa dhanka kale ka careysan damaca Kenya ee ku wajahan inay shidaal ka baaranayaan xeebaha gobolka Jubbada Hoose kaasoo uu si weyn u diiday madaxweynaha Uganda Musefeni.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Afhayeenkana waa nin ah oo ka socda Jabuuti, marka xaalka Jubboyinka miyuu siyaasadeeyey.
ASC
Afhayeenkaan hadlkiisa oo audio ah baa shabkadaha ku jira wuuuna u hambalyeeyna oo sheegayaa in Amnisom ay kismaayo gudha u galeen, ciidmada kKenya ay Amnisom ka mid yihiin ayna u yeeran karaan ciidankooda bada iyo cirka oo ay musuuliyadeeda aygaa iska leh, weliba wuxuu leeyahay dhowaan war ku saabsan dhaawaca iyo dhimashada shabaab ragooda ayaad heli doontaan
Waxa socda nin ku faraxsan buu u hadlayey uma hadlayn nin mucaaradsan waxa Kenya ay meesha ka wado. Bal ila dhagaysta hadalkiisa
Kenya Dhulka haka dagalameen laakiin diyarado iyo maraakiib ma isticmaali karto war waxu caqlixumaa. Kenya oo llacagtedii heli say diyarado iyo maraakiib ayuu leeyahay ma isticmaali kartaan alshabaab Hadii ay yihiin cadaw maxuu ku kala jecelyahay Hadii diyarado iyo dhul Lagama dagalamo. Hadalkaga Waa dameer kaligis is cajibayay oo qaylo ku dhuftay.
Ninkaan waa reer jabuuuti waxaa gadaal ka riixaya oo hadalkiisa ka dambeeya ismaaciil cumar geele oo aaminsan in wax laga waydiiyo koonfurta soomaliya si aysan jubooyinka awood ugu yeelan marka waa sheeko xiriirsan ilaa jabuuti ilaa shariif iyo kan badaley iyo somaliland….
adeer hadii filinku dhamaado oo shabaab la waayo no money no shabaab,,,,no money no shabaab,,,,,
ninkaan ma afka amisom buu ku hadlayaa mise kii iyo ? waa ka xun yahay in Godane iyo mooryaantiisa laga saaro dhulka Daaroodka.