Afhayeenka Militariga Kenya oo Shacabka Kismaayo Ka Codsaday Inay Ogaadaan Qabriyada Askarta Kenya Laga Dilay (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa qiray in askar ka tirsan ciidamadooda lagu dilay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Chirchir ayaa boggiisa twitter-ka ku yiri “Waxaan dadweynaha Kismaayo ka codsanayaan inay isha ku hayaan meesha lagu aasayo meydadka ‘geesiyaasheena, taasi waxay noqon kartaa astaanta soo dhoweynta”.  Akhri twitter-ka Chirchir

Afhayeenka isla boggiisa kaa hadlay farriimo ay dadkii qoo booqday boggan ku qoreen oo ay ka mid ahaayeen kuwo ay ku sheegayaan “in Kenya duulaanka Kismaayo ay uga dan leedahay boobka dhulka iyo kheyraadka Soomaaliyeed”.

“Wax dan ah kama lihin CIIDA Soomaaliya, kaliya waxan rabnaa Soomaaliya oo nabad ah” ayuu ku yiri Chirchir oo fariimaha dadka ka jawaabay. Halkan ka akhri

Dagaalka warbaahinta

Dagaalkii u dambeeyay ee kadhacay deegaanka Miido ayaa sida dad badan ay qabaan waxaa uu dhanka kale lahaa weerar afka ah oo dhanka warbaahinta la isku adeegsaday kaasoo bogga twitter-ka uu ka mid yahay.

Bogga twitter-ka Al-Shabaab waxaa lagu soo qoray haweeney Kenyan ah oo walaalkeed, sida la sheegay lagu dilay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Miido.

“Waxaan ka codsanayaa Al-Shabaab inay soo siidaayaan meydka walaalkey si dalka loogu soo celiyo” ayaa lagu qoray bogga Al-Shabaab. Halka ka akhri

Askariga laga hadlayo ayaa magaciisa lagu sheegay George Karari Maina oo lagu tilmaamay inuu ahaa nin ku cusub shaqada ciidanka.  Waxaana bogga la soo geliyey sawirada iyo aqoonsiyada meydadka askarta laga dilay Kenya.

“Xaqiiqdii Kenyanka [kuffaarka] kuma cabi doono sigaarkiisa “Sportsman” naarta dhexdeeda” ayaa sidoo kale lagu yiri bogga twittwr-ka Al-Shabaab. Akhri

Saraakiisha Amisom iyo kuwa Kenya ayaa u arka adeegsiga twitter-ka mid ay kula loolamayaan ururka Al-Shabaab oo iyagu leh bog twitter oo had iyo jeer si toos ah uga soo warama dagaalada iyo hawlgalada ay fulinayaan.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Afhayeenka Militariga Kenya oo Shacabka Kismaayo Ka Codsaday Inay Ogaadaan Qabriyada Askarta Kenya Laga Dilay (Warbixin)”

  1. qansaxle city says:

    islaamku haguulaysto kismaayona soomaali baale kinyana muma suutagalayso inay badayada shidaal kaqataan waxaasna waxaa noo guwaqcan dawlad la aanto waana kabixdoonaa in sha ahaal maanta kinyo ima hawaysateen ee anaa meesha is dhigay ciil badanaa yaa mar arka soomaaliyoo nabada oo dad keedu shara leeyahay dawladao badan baan tusilahay awoodayada maaalitaa ilaah baan kasugaynaa

Leave a Reply