Afhayeenka UN oo Ka War-Wareegay Inuu Ka Wajaabo Su’aalo Ku Saabsan Xasuuqii Janaay Cabdalla Iyo Mahiga oo Ka Dhuuntay Shir Jaraa’id (Warbixin+Video)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Afhayeenka UN, Martin Nesirky.

New York (RBC) Afhayeenka Qaramada Midoobay Martin Nesirky ayaa si cad uga wareegtay su’aalo adag oo laga weydiiyey cida sharciyan qaadeysa masuuliyada dilkii 7 ruux oo rayid Soomaali ah oo Sabtidii [23/09/2012] askarta Kenya ku dileen deegaanka Janaay Cabdalle oo 60k u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Akhri xasuuqa Janaay Cabdalle

Ciidamada Kenya waxay ku biireen ciidamada AMISOM sanadkan gudihiisa waxaana ogolaanshaha siiyey Qaramada Midoobay, haddaba afhayeenka Qaramada Midoobay Martin Nesirky ayaa shalay markii ugu horeysay ka oo muuqday shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay kaasoo wariyaasha su’aalo kaga weydiinayeen kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay.  Intii uu socday shirka jaraa’id ayaa suxufiyiintu weydiiyeen “Ciidamada Kenya dad shacab ah ayey ku dileen Soomaaliya waxayna ka mid yihiin Kenyanka askarta AMISOM ee ay UN-ka siiyeen ogolaanshaha, marka waa kuma cida dusha u ridaneysa masuuliyadda?”

Markii Martin Nesirky su’aashaasi la weydiiyey wuxuu ku jawaabay:

“Waxaan ku baaqeynaa in Kenya ay xadido khasaaraha shacabka sida ugu sareysa..” ayuu yiri.

Laakiin wariye ka tirsan Shabakada Innercity Press ayaa markale su’aasha ku soo celiyey iyadoo kooban wuxuuna yiri “YAA QAADANAYA MASUULIYADA?”  HALKAN KA DAAWO VEDIO SU’AALAHA XASAASIGA AH

Hase yeeshee Martin Nesirky oo aad uga kululaaday su’aashaasi ayaa ku jawaabay: “Mar hore ayaan ka jawaabay su’aashaasi,.. ee laakiin su’aashaasi waxaad hor dhigtaan Mahiga [ergeyga Qaramada ee Soomaaliya]..”

Mahiga oo dhuuntay

Sida baalantu ahayd shalay galab abaare 4:00pm waqtiga New York ayaa lagu waday in isaguna uu shir jaraa’id qabto wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo hadda ku sugan New York, waana shirkaasi midka ay wariyaasha isu diyaariyeen, laakiin nasiib darro wax yar ka hor waqtigii shirkaasi waxaa suxufiyiinta lagu wargeliyey in Mahiga uu baajiyey shirkii jaraa’id!!!

Haddaba yaa ka jawaabaya su’aashaasi weli taagan???

Augustine P. Mahiga oo bishii July 2012, Muqdisho wareysi ku siiyey Raxanreeb.

Waxaa xusid mudan in toddobaadkii hpore danjiraha UK u jooga xarunta Qaramada Midoobay Mark Lylall Grant oo ka hadlay sharciyada ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya uu si cad u sheegay in maraakiibta Kenya iyo ciidamadeeda badda aysan qeyb ka ahayn ciidamada AMISOM ee fasaxa ay siisay Qaramada Midoobay, [Halkan ka akhri warbixinta danjiraha UK] arintaasoo si weyn u dhaawacday una ruxday Qaraarkii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay ku fasexeen ciidamada Kenya ee galay Soomaaliya.

Shir yaraha Soomaaliya 

Wariyaasha adduunka iyo kuwa daneeya arimaha Geeska Afrika ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa isha ku haya shir yare muhim ah oo arimaha Soomaaliya looga hadli doono bishan Sebtember 26-keeda oo ku beegan maalinta berito [Arbaco] kaasoo lagu wado in xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ee ay Kenya geysatay looga hadlo, haddii ajendaha lagu soo daro. Shirkaasi waxaa khudbad ka jeedin doona sii hayaha xilka raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan New York.

Haddaba shirkaani kadib ayaa suxufiyiintu isu diyaarinayaan inay su’aalo fara badan oo ku saabsan arimaha Soomaaliya ayna ku jirto “YAA QAADAYA MASUULIYADA DILKA RAYIDKA?” la hordhigo saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa Soomaalida.

Kala soco Raxanreeb wxixii laga dhaho jawaabta su’aashaasi.

 

_________________________________________________________________

RBC Radio

Share

8 Responses for “Afhayeenka UN oo Ka War-Wareegay Inuu Ka Wajaabo Su’aalo Ku Saabsan Xasuuqii Janaay Cabdalla Iyo Mahiga oo Ka Dhuuntay Shir Jaraa’id (Warbixin+Video)”

  1. Dahir says:

    Afhayeenka UN-ka ma wuxuu moodey in dadka Soomaaliyeed raqiisyihiin oo haddii ay todobaas qof ahaan lahaayeen Jinsiyado jale ma idiinla tahay inuu sidaa ku jawaabi lahaa? Oo sheekada intaa ku ekaan lahayd!!
    Saxaafadda waa inay dabagashaa xadgudubyada laga galaayo xaqa dadka dhinacyada diriraya ka uu rabo ha ahaadee.

  2. Banaadir boy says:

    Maasha allah raxanreeb wadaniyin danqasho leh ayaad tihin hooshiina halaha idinla garab galo

  3. layla says:

    asc. shacabka somaliyeed gaalo oo dhan baa xasuuqda ee kenya oo kaliya ma ah, itooboya iyo amisom ba waa xasuuqan waxna lagama soo qado taas masuliyadeeda waxaa qadaya kuwa madaxda sheeganaya ee abad moodid in aysan shacabku shacab koodi aheyn .madaxda somaliyey maba ka hadlaan dhibaatada shacabkooda . taasna waxaan u arkaa qayb gumeysiga maskaxda ka mid ah. somaliya ILLAAHEY guul iyo nasri ha soo dajiyo amiin amiin ALLAHAYOW

  4. omarkxxu says:

    Horta marka hore askarta wax dilaysa yaa mushaharka siiya (yurubta)
    Rasaasta (maraykan)

    Marka magdhow ka iyagaa laga rabaa, laakiin 5 doolar bay soo taagayaan nijaasta.

  5. Amina says:

    Wax walba waxa iiga daran Nimanka Alshabaab la baxay waa su’aale hadey xoog hayaan banaanka hawga soo baxaan shacabka ay ku dhax dagaalamayaan amase hadayasan wax iska celin karin hays dhiibaan gob jabtay waa la arki jiraye,hada shacabka Kismaayo bay gaashaan ka dhiganayaan.

  6. aniga says:

    laascaanood iyo kalshaale waxa ka socda mahiga iyo unka maxaa looga hadli waayey ama looga waraysan waayey

  7. Bashir Osman says:

    Tolwo shacabkii dhobley lagu xasuuqay iyo gubitaankii yaa la weydiin doonaa Raxanreebse xagee ku maqneyd.Kumanaankii shacabka aaha suuqa xoolaha iyo xafadaha kale ee muqdisho ee BM ta Uganda dishay yaa la weydiin doonaa Raxanreebse xagee ku maqneyd oo sidaas ooga hadliw eyday.

    Raga lalaayey alshaab sooc ah ayey ahaayeen waana dad la soo dirsaday si alshabaab fidno ugu dhex bilowdo qabaailada soaamlyeed waxaana cadeyn ah sababata ceel la isku kor dagalamayo ay biyo ugu soo donteen kadibna istaaga la yiri oo ay diideen in ay istaageen iyagoo cidamda mashquulinayana ay Alshabaab soo weeraratay meesha,

    Waa iska cadaahay Ujeedada saxaafada ka leedahaya waa uun Kismaayo halaga ilaalaiyod adkeeda oo Alshaaab ha aheysto hadaananan anaga heysaneynin. Laakin Hal baan idiin xaqiijinayaa eee Ama ka naxa ama Ku farxo.
    Anagu waan tashanay waadna na ogtihiin 200 sano gaalo la dagalameynay hadase waxaan diyaar unahaay in aan soomali meel iska mirano waxaana soo celineynaa saldhanadandii ilaa Baraawe xataa Kismaayo kuma istaageyno Wlaahi baan loo joojineyn dacayado raqiis ah iyo sheeko naacsta aad wadaan iyo shaatika beenta ah ee soomaalinimo aad soo huwaneysaan markaad dan leedihiin.

    Raxanreeb waxaan leeyahay wada borobogaanda iyo tooshka aad wadaan balse Itoobiya Iyo Kenya oo idnka xoog baadan wax ka qaadi waayey ilaa ay hada Heshiis ku baryootamayaan.

  8. Kalafoge says:

    @bashiir osman
    Walaalkayow fikirkaaga dhiibo adoon
    Duudsiyin dhiigga Walaalahaa oo
    Gaaladu daadisay,gaalo wayna wada
    Xasuuqday Kenya,Uganda,Ethiopia
    Iyo kuwo kalaba sida kuwaan loo
    Sheegay baana mid walba loo sheegayay
    Idinkuna cidaad rabtaan ahaada waxaad
    Doontaanna damacsanaada laakiin yaysan
    Kaa hoos bixinoo sinaba gaal walaalkaa
    Dilay qiil ha ugu samayn ogowoo xataa
    Hadday shabaab yihiin gaalka Ayaa
    Kasii shisheeya,doqon alle kaama
    Dhigee

Leave a Reply