Al-Fannaan Faysal Cumar Mushteek Oo Ku Geeriyooday Berbera


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Marxuum Faysal-cumar-mushteek oo geeriyooday

Marxuum Faysal-cumar-mushteek oo geeriyooday

Hargeysa  [ RBC Radio] Allaha ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Berbera ee Somaliand ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Faysal Cumar Mushteek oo maanta lee soo gaaray halkaas.

Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan Hargeysa Fannaanka ayaa u dhintay xannuun in muda ah hayay, taasoo la doonayay in maanta aado magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasoo uu ka qaadan rabay fiisaha dal ku galka Ingiriiska.

Waxa la sheegay in uu ku dhintay meel u dhexeyso Hargeysa iyo Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii uu ka baxay Fannaanka oo ka soo jeeda gobalada waqooyi ee hadda lamagac baxay Somaliland.

Marxuum Faysal Cumar Mushteek waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii fanka Soomaaliyeed, waxana uu ka mid ahaa fannaaninta in mudda ah ku jiray fanka ee heesahooda aadka loo jeclaa.

Waxa la sheegay in loo soo helay isbitaal ku yaalo magaalada London, halkaasoo looga soo daweyn lahaa xannuun in mudda ah hayay.

Fannaanka ayaa fanka iska joojiyay markii uu xanuun la soo darsay, waxana uu ku noola magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Waxa lagu wada in fannaanka lagu aaso magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka soo qeybgalaan madaxda Somaliland iyo shacbigeeda.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa

Share

Tags:

9 Responses for “Al-Fannaan Faysal Cumar Mushteek Oo Ku Geeriyooday Berbera”

  1. [...] Excerpt from: Al-Fannaan Faysal Cumar Mushteek Oo Ku Geeriyooday Berbera [...]

  2. Dalka says:

    AUN. Dambi dhaaf iyo Janutul Fardoowsaan ilaahay uga baryayaa asaga iyo intii musliimna oo dhimatay iyo inta noolba. Inta gaalada ahna ilaahay ha soo hanuuniyo. Aamiin.

  3. Libaax Barri says:

    innaa lillahi waa innaillahi raajicuun, illahay janno fardows how gu bushaareeyo, sammir iyo iimaan dhamaan qoysa, qaraabada iyo qarankaba, aamiiin aamiin.

  4. galdogob-somalia says:

    alla yarxamah asaga iyo intii muslim ee dhimatay

  5. Inaa lilaahi WA inaa ileeyhi raajucuun geeridu waa xaq qkf kas waa uu dhimanayaa waxaa Somali oo dhan uga tacsiyeenayaa geeridii ku timid Al Fannaan Faysal Cumar Mushteeg oo ahaa Wadani dadku aad u jeclaa meelkasta oo ay ku sugan tahay dhamaan

  6. qabqabsey says:

    ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo,intaanu qurbaha tagin waxa uu ahaa bare dad badan u bilaabay iskuulka suugaanta soomaalidana aad u jecel fankuna waxa uu u ahaa wax uu jecelyahay oo uu naftiisa ku araali galiyo kuna sheegto xaalada uu ku jiro markaa xaadirka ah( his time there was no twiter or facebook …etc) Damaam iyo khubur ma doonaayooo dariiqa togbaa i daashaday.waxaad doonto lagama waayi jirine wacanaa wadan aad u dhalaty……..lacagay dadka ka labeeyaaay, maydal qoor dheeray iyo qaar kaloo badan waa heesihiisii uu waaya hiisa ugagag sheekayn jiray. ilaahay ha kuu naxariisto macalin/fanaan somali dhab ah faysal cumar mushteeg.

  7. cawaale says:

    faysal waxuu ku jiray jiilkii soo nooleeyay fakanka soomaaliyeed waxuuna ahaa macalin iyo barbaariye runtii quf qaymo waynle ayuu ahaa marka la eego xagga dhaqanka iyo suugaanta,

  8. Qardhaawi says:

    Kkkkk ani waxaan ku qoslaa mar walbo weriyeyaashan Raxanreen iyo somaliland neceybkoodaan eysan xataa qarsaneyn kkkkk inkastoo aanan ka soo jeedin maamulkaas hadana waa funny marka aad warka raxanreeb ee somaliland ku saabsan akhrisaneysid “ka soo jeeda gobalada waqooyi ee hadda lamagac baxay Somaliland” kkkk go raxanreeb….Au al-fanaan faisal mushteek.

  9. Garmaqaate says:

    Faysal waxa uu ahaa abuuraha muusigga Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu bare ka soo noqday inta badan dugsiyadii talnigii Soomaaliya 1960′yadii.

    Heestiisii “Liilaloow” iyo ka qaybqaadashadiisii abuuridda garaaca kabanka, jaadka loo yaqaanno ‘Cuudka’ waxa ay irdaha heesaha u fureen maanso-curiyeyaal iyo hooballo door ah oo Soomaaliyeed.

    Eebbe Weyne waxa aan uga baryin in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo hoobalka, bare Faysal Cumar Mushteeg.

Leave a Reply