Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Sababta Ay Uga Baxday Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Afhayeenka Al-Shabaab

Afhayeenka Al-Shabaab

Kismayo (RBC Radio) Kaddib markii saaka hiiradii dadka reer Kismaayo ay ku soo tooseen magaalada oo ay isaga baxeyn ururka Al-Shabaab oo shanti sano ee la soo dhaafay ka arriminaayay, ayaa waxa arrinkaas ka hadlay saraakiisha Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-Shababa Cali Maxamuud Raage ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in taliska ciidankooda ay ku amareyn dagaalyahankii ka joogay Kismaayo in ay si xeelad ah uga baxaan magaaladda.

“Taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa ku amray in si xeelad ah mujidiinta ay uga baxaan Kismaayo xaley saqdii dhexe”

Waxa ay ku soo aaday iyadoo Jimcihii shaley ciidanka Kenya iyo kuwa dowladda ay magaalada go’doomiyeen kuwaasoo isku dayaya in ay qabsadaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Dadka deeganka ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanka Al-Shabaab ay magaalada isaga baxeen isla markaana Idaacadda Andulus in ay hawada ay ka maqan tahay.

“ Ma naqaano waxa xiggi doona, laakin saaha waabarigii gaarigii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab uu ka baxay magaalada” sidaas waxa yiri Xasan Cali oo ka mid ah dadka deeganka.

Sido kale dagaalyanka Al-Shabab ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay magaalada isaga baxeyn.

“Waxa nalagu amray in aan ka soo baxno magaalada, marka inta badan waan isaga baxnaye cadowgana magaalada ay ku soo fool lee yihiin,” sidaas waxa u sheegay AFP Sheikh Maxamuud Abu-Fatma, oo ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

WAR HADDA AY KU SOO QOREYN AL-SHABAAB BOGGA TWEETER-KA ayay ku sheegeyn in dagaal u dhexeeya iyaga iyo ciidamada huwanta uu ka dhacay Deeganka Canjeel oo 30-km u jira magaalada Kismaayo , waxa kaloo ay sheegeyn dagaalkaas in ay khasaaro xooggan u geesteyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale ciidanka Kenya ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay isaga baxday Kismaayo, waxana ay sheegeyn in tagi doonaan magaalada Kismaayo.

“Sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa u tagi doonaa meelaha nooga harsan Kismaayo,”sidaas waxa yiri afhayeenka ciidanka Kenya Cyrus Oguna oo la hadlay AFP.

Wuxuu sheegay in dhinaca waqooyi magaalada Kismaayo ay guud ahaan iyaga ay maamulayaan, laakin qeybo ka mid ah magaalada dhinaca koonfurta ay joogaan Al-Shabaab .

Inta aysan Al-Shabaab magaalada isaga bixin waxa ay sii daayeen maxaabiis ku jiray xabsiyadaha.

Magaalada saaka waxa ka bilowday boob iyo bililiqo loo geesanaayo xarumihii Al-Shabaab ay ku lahayd magaalada Kismaayo.

Ku dhawaad 12,000 oo qof ayaa magaalada isaga cararay tan iyo markii colaada ka bilaabatay magaalada.

Kismaayo dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 160,000 ama190,000 oo qof, Al-Shabaab ayaa magaalada Kismaayo qabsatay sannadkii 2008.

Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in magaalada caawa ay degantahay, marka laga reebo dilal ilaa seddax ah oo maanta ka dhacay magaalada.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

3 Responses for “Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Sababta Ay Uga Baxday Kismaayo”

  1. [...] Visit link: Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Sababta Ay Uga Baxday Kismaayo [...]

  2. shar iyo shaydaan ku daah kismaanyo sheekadaaduse madhawa al shabaab baad u xiisi doontaaah

  3. Ali soomali says:

    Alshaydaan waxay noqdeen tusbax go’ay.

Leave a Reply