Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Xaaladda Jahwareerka Ee Ka Taagan Kismaayo
BC Radio] Kaddib markii ay soo baxeyn warar sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ay isaga huleeleen ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM , ayaa waxaa warkaas beeniyay in saraakiisha Al-Shabaab.
Maxamed Cusmaan Caruus oo ah afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa warkaas beeniyay, isla markaana wuxuu sheegay in warkaas uu yahay mid baro-bogaando aan sal lahayn, diyaar ay u yihiin in dagaalamaan.
Caruus ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay dileen ku dhawaad 100 askari oo isgu jira Kenyan iyo Soomaaliya dibna looga riixay meelihii ay joogeyn.
“Waxa aan joognaa Kismaayo warka ku saabsan in aan ka baxnay magaalada waa dagaal Propaganda ah,” ayuu yiri
Si kastaba, dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay magaalada ka baxeyn iyagoona qabtay dhinaca Jilib iyo jasiiradaha Kudhaa ee koonfurta Soomaaliya.
Dadka magaalada waxa ay lee yihiin Al-Shabaab ayaa la arkaayay iyagoo ku guuraya gaadid kuwa xamuulka qaada oo ay ku rareen qalab culus oo ay ku jirto Idaacadda Andunus ee magaalada Kismaayo oo tan iyo shaley hawada ka maqan.
Waxa kaloo wararka magaalada yaala ay sheegayaan in xaalada magaalada ay degantahay madaxda Al-Shabaabna ay ku armreyn ciidankooda gaar ahaan kuwa xisbada in ay toogtaan cid kasta oo ka soo horjeesta kooxda.
Kismaayo waa meesha ugu weyn ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, halkaasoo hadda ay kaabiga ay ku hayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMSIOM.
Dadka waxa odorasa waxa ay lee yihiin haddii Al-Shabaab lag qabsado waxa soo gaaray dhabar jab xooggan laakin arrintaas waxa gaashanka u darfuuray in ay dhacdo Caruus.
Bishii July, ayaa QM waxa ay warisay in dhuxusha laga laga dhoofiyay Kismaayo iyo Marka ay ka heleen malaayin dollar taasoo keentay la xayaro dhxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Warbixintaas ayaa waxa ay ku eedeesay dowladaha Imaaradka carabta iyo Saudi Arabia in dalalkooda loo ganacsi geeyo dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
RBC Radio














[...] Link: Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Xaaladda Jahwareerka Ee Ka Taagan Kismaayo [...]
Kismaayo iska daa hadii magaalo kasta laqabsado kadibna dagaalka sii 2 qarxo maxaa leesku qancin doonaa.dadow ogaada inta wadanka gaalo joogto xabbada wey soconeysaa ama kufarax ama kanax.
Muuse Miskiin ayaad tahay waqtigii caga jugleynta waa dhamaaday, Gaalana waxaa ka liita kuwa Madaxyada dadka muslimiinta ah beec geysta oo xataa ay ka amaan heli waayeen dak dhintay qarniyo kahor. Waxaan kuugu duceynayaa in Ilaahey ku caafiyo xaqana ku tuso-dhiiga muslimiintana kaa badbaadiyo
Alshaydaan (shabaabka )ayaa ka sii xun gaalada oo duleeyey dadka iyo dalkaba, dagaalka haddad joojin weydo yaa kaaga futo xun, weligiin mansab iyo darajo ku gaarimeysaan xasuuqa iyo barakicinta ummada somaliyeed, inta goori goor tahay cafiska uu madaxweynaha ummadda somaliyeed idin fidiyey qaata. haddii kale aaqiro iyo adduun seeg ayaa idin horyaala, maxaa yeelay godobta ummadda somaliyeed ayaad sidataan.
Loo joogidone hadii heshiid lagalo maxaa hortaagan gaalo ma baxaysee!!!!
Al Shabab is Al Madharchod